go'ridid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'ridid
-da: (magac, dhedig, keli) go'a oo la lulo isaga oo kor loo taagayo marka la doonayo in dagaal la kiciyo ama labo col la kala qaboojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'rid
(fal) «u ~» cid aad kaalmadeeda u baahan tahay oo aan ku arkayn, go'aaga u lul.
go'rid: (fal) «u ~» labo col oo is haya, go' cad u taag si colaadda loo joojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowricid
(Gowricid-da)
Xoolaha la qala hayo, mindi ama bir kale oo afaysan, hunguriga ku goyn; birayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowricid
m.f.dh eeg gowrac². la-mid: gowrac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorbidid
m.f.dh eeg doorbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorbidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan, mid ka dhexdoorasho oo inuu ka fiican yahay u arkid. Dh: faddilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowriirid
(Gowriirid-da)
Kor kaga soo foororid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowriirid
m.f.dh eeg gowriir². la-mid: gowiir¹ (2), gowriirsad, gowriirsasho, gowriirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Go'id
(Go'id-da)
1. (xarig, dun, kd.) labo go' ama labo cad noqosho, jiidid xoog loo kala jiidey darteed.
2. Wax dhammaaday ama joogsadey ama iman waayey.
3. (ceel, balli, kd.) biyo ka dhammaansho; gurid.
4. Naftu ka bixid; dhimasho; geryoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'id
m.f.dh eeg go'². la-mid: go'niin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'id
-da: (magac, dhedig, keli) «kala labo u kala qaybsamid; kala tegid. Dh: gu'id.
go'id-da: (magac, dhedig, keli) wax markii hore socday is taagiddii. Dh: joogsi, dhammaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godid
(Godid-da)
Qaab godan u yeelid; wax godan ka dhigid; soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godid
m.f.dh eeg god².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u qodid; hoos u daloolin. Godid ayay u baahan tahay meeshu si biyuhu u fadhiistaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ordid
(Ordid-da)
Lugaha, degdeg socodka ka fudud oo ka dhaqso badan, u qaadid; roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ordid
m.f.dh eeg orod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ordid
-da: (magac, dhedig, keli) caymadid oo orod dheer cararid. Dh: roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ridid
(Ridid-da)
1. Dhulka ku sii deyn.
2. Kufin.
3. Tuurid; ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ridid
m.f.dh eeg rid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ridid
-da: (magac, dhedig, keli) xabbad ganid oo tuurid. Rididda rasaasta ha ku degdegin.
ridid-da: (magac, dhedig, keli) dawlad ama masuul xilka ka qaadid oo xoog ku casilid. Dh: casilid.
ridid-da: (magac, dhedig, keli) dugaag ama tuug wax uu qaatay ka reebid
ridid-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo sharci la'aan lagu haysto badbaadin.
ridid-da: (magac, dhedig, keli) wax meel sare yaal shalwid oo meesha uu yaal hoos uga dhaadhicin.
ridid-da: (magac, dhedig, keli) raaricin oo wax laalaada ka dhigid.
ridid-da: (magac, dhedig, keli) shidid oo dab ka dhalin. Rididda madagtu waxay u baahan tahay xirfad.
ridid-da: (magac, dhedig, keli) wax gacanta lagu hayo dhulka ku si dayn.
ridid-da: (magac, dhedig, keli) wax meel taagan oo qotoma riixid oo dhulka ku tuurid.
ridid-da: (magac, dhedig, keli) ilig jebin oo meeshiisa ka faaruqin.
ridid -ka: (magac, lab, keli) dhawaaq si darandoorri ah iskaga dabadhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere inta uu fadhiisto jaamuda sida sonkorta oo biyo lagu laaqay oo intay badatay fadhiisata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gordis
-ka: (magac, lab, keli) wadaagga labo ilmood hooyo qudha wadaagaan; ri' waxari jaqayso oo ay naaskii kale na waxari qabsatay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sordid
/soordid/ (adj) 1. karaahiyo ah (aad u xun) 2. meel wasakh badan oo heer-hoose ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Go'niin
(Go'niin-ka)
Go'naanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'niin
m.l la-mid: go'id.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
go'niin
-ka: (n) the act of separating; separation (sapareeyshen) ~ kala go'is, go'is
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
go'niin
de: detachment, being cut off
lx: go'niin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: go'niin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gororid
(Gororid-da)
1. (Wax shubma) sida gororka u daadasho, u dindimid.
2. Sanka dhiig ka immaansho.
3. Taagnaan badan ama dhaqdhaqaaq la'aan darteed, dhiiggu meel oogada kamid ah ku soo ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gororid
m.f.dh eeg gorord². la-mid: goror¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gororid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah meel hoose ku shubmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowdiid
(fal) si qaab daran oo xun u fadhiiso. Gogoshiyo falaashyada middii, kala dhex gawdiidday... Dh: gawriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowriir
(Gowriir-ka)
Wax ku kor foorarsad; qandood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowriir
gowriir¹: m.l 1. Qandood. 2. la-mid: gowriirid.
gowriir²: f.g1 (-ray, -rtay) Dul g.: wax ku qandoodsasho; wax ku kor foorarso. la-mid: gowriirso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowriir
v. bend over something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowriir
-ka: (magac, lab, keli) qandood oo wax ku foorarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowriir
de: bend over s.t.
lx: gowriir
nt: gowriir (ka) [vn2-m]
pd: (gowriiray)
ps: v1=
key: gowriir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoordid
-ka: (maga, lab kell) eeg qadaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoririd
m.l Qorituur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoririd
m.l Qorituur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooricid
-da: (magac, dhedig, keli) soo kuusmid oo kor u soo foodhicid. Biqilkii imika uun buu fooricid ku jiraa. Dh: foodhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawricid
m.f.dh eeg gawrac². la-mid: gawricis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gommodid
m.f.dh eeg gommod³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gommodid
-da: (magac, dhedig, keli) adayg noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goodiyid
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn ku samayn; cid kale ka cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorrosid
(Gorrosid-da)
Madaxa hoos u laallaadin, feker iyo islahadal aawadeed; gebida hoos u rogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorrosid
m.f.dh eeg gorros². la-mid: gorros¹ (2).
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUMXIDID
Crotalaria dumosa 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurricid
m.f.dh eeg gurrac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixid
m.f.dh eeg kowrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaridid
m.f.dh eeg raarid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaridid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid kale wax ka dhaadhicin oo si wanaagsan u fahansiin.
raaridid-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo dhaadhicin oo ka soo shalwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaridid
m.f.dh eeg waarid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaridid
-da: (magac, dhedig, keli) dibed ka keeid; alaab ganacsi soo dejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiidid
m.f.dh eeg qoordiid². la-mid: qoordiirid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
corridoio
s.m. saabaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorbidis
-ta: (magac, dhedig, keli) doorashada wax aad jeceshahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'iidid
m.f.dh eeg faa'iid. la-mid: faa'idid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fowriirid
m.dh la-mid: fowliilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaardiyid
(Gaardiyid-da)
Socod lagu gaardiya hayo, socosho; cayaarsiis ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardiyid
m.f.dh eeg gaardi². la-mid: gaardin, gaardis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si ciidan bandhig maraya u socod; gaardi ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gas xidid
m.l (-dyo, m.dh) Kor ka bax hal unugley ah oo dhuumaysan oo ka soo baxa dubka sare ee unugga xididka. Waxa uu leeyahay derbi dhuuban oo had iyo jeer deris la ah carrada. Tiro badan oo gas xidid ah ayaa ka baxa dub duleedka, marka uu xididku sii dheeraadana waxa baaba'a gas xididka gaboobey waxaana soo baxa midcusub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gas xidid
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Kor ka bax hal unugley ah oo dhuumaysan oo ka soo baxa dubka sare ee unugga xididka. Waxa uu leeyahay derbi dhuuban oo had iyo jeer deris la ah carrada. Tiro badan oo gas xidid ah ayaa ka baxa dub duleedka, marka uu xididku sii dheeraadana waxa baaba'a gas xididka gaboobey waxaana soo baxa midcusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawdiidid
m.f.dh eeg gawdiid². la-mid: gawriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawdiidid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan dhaqdhaqaaq lahayn u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawriirid
m.dh la-mid: gawdiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawriirid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan dhaqadhaqaaq lahyn u fadhiyid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
giuridico
agg. - xuquuqda ku saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'doomid
m.f.dh eeg go'doon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gooddiyid
(Gooddiyid-da)
Qof kale, hadal ama wax kale oo cabsi geliya kula kicid; u dhaarasho; cagajugleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooddiyid
m.f.dh eeg gooddi². la-mid: gooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraamid
m.f.dh eeg gooraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorradhig
-ga: (magac, lab, keli) gaadiid la'aan cid ku dhacda. Goradhigaha haamaha hashaan garangarshee xoomay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodjiidid
m.f.dh eeg oodjiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarridid
m.f.dh eeg raarrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonidaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan, kelidii daaqid ama qadhaabsi.