go'aangaarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aangaarid
m.dh Isku raacidda la isku raaco go'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaargaarid
-da: (magac, dhedig, keli) nolosha adduun ku silcid oo dab saarid. Dh: holacdhoomi, gubgubasho, cooncoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaangaarid
(Qaangaarid-da)
Qaangaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangaarid
m.f.dh eeg qaangaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligi baaluga gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangarid
m.dh la-mid: garangarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaargaari
(fal) nolosha ku halalmaci oo aad u silci. Dh: gubgub, holacdhoomi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gangaamid
m.f.dh eeg gangaan. la-mid: ganguumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gangaamid
-da: (magac, dhedig, keli) aroos iyo wax la mid ah, diyaarin ama unkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaarid
(Gargaarid-da)
Gargaar siin; taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarid
m.f.dh eeg gargaar². la-mid: gergaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageero u fidin; cid kale, u kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansad
m.l la-mid: go'aansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansad
-ka: (magac, lab, keli) go'aan qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungaarid
m.f.dh eeg gungaar². la-mid: gungaar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaangari
v. make something roll
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaangari
cf: garangar
de: make s.t. roll
lx: garaangari
pd: (garaangariyey)
ps: v2a=tr
key: garaangari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarid
m.f.dh garangar². la-mid: garaangarid, garaangirid, giraangirid, giringirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaansaarid
(Jaansaarid-da)
Wax duugoobey oo karid u baahan, jaan cusub ku tolid, ku dhejin; karkarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaarid
m.f.dh eeg jaansaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaarid
-da: (magac, dhedig, kali) habka kabta loo saaro sar lagu hagaajinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansaarid
m.f.dh eeg gacansaar². la-mid: gacansaar¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gacan u qaadid; faraha isku la tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangarin
m.dh la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangaris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangirid
m.dh la-mid: garangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangirid
f.dh la-mid: garangarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka dukaan hore mid kale lagu daro kaas oo aanay isku wax iibinaynin laakiin wada socon karaan oo wada iibsamayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaanraacid
(Gawaanraacid-da)
Fardo badan oo aan lagu joogin, oo inta kuwo yar loo fuulo, dida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraacid
m.f.dh eeg gawaanraac². la-mid: gawaanraac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaanraacid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, kuwo la fuushan yahay, gurdaanraacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraansaarid
m.f.dh eeg quraansaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fansaarid
(Fansaarid-da)
Fangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaarid
m.dh la-mid: fangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xagga danbe ee muurka aad wadato, korsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamid
m.f.dh eeg gaadaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaandhari
-ga: (magac, lab, keli) nin bunduq ama qori gaadhi saaran rida. Gaandharigii baa la toogtay. Dh: ride.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galgaalid
(Galgaalid-da)
(xoolo, kd.) galgaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgaalid
m.f.dh eeg galgaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgaalid
-da: (magac, dhedig, keli) naag ama neef aan dhalin, oo aad u cayila noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantaalid
(Gantaalid-da)
Gantaal ku ridid, ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gantaal ku ridid ama ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangar
garaangar¹: m.dh la-mid: garangar¹.
garaangar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: garangar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax wareegsan dilindillayn. la-mid: garaangari, garaangiri, giraangiri, girangiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garangari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax wareegsan dilindillayn. m.f.dh, garangarin. la-mid: garaangari, garaangiri, giraangiri, girangiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangari
(fal) wax wareegsan wilaanwili. Shaagga dhankaa u garangari. Dh: giraangiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gergaarid
m.dh la-mid: gargaarid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Go'aan-ka
décision.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosaarid
m.dh la-mid: koosaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku dhirfid; ku jaahwareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maangaabi
(Maangaabi-da)
Maan gaaban lahaan; garaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangaabi
m.dh Caqli iyo garaad yaraan; maangaab ahaansho. la-mid: maangaabnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maangaabi
f. n., [abstract] stupidity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maangaabi
de: stupidity
lx: maangaabi
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: maangaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangadid
m.f.dh eeg maangad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangarad
m.l la-mid: maangarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangarad
-ka: (magac, lab, keli) qof waxa uu qof kali maanka ku hayo sii garta isaga oon loo sheegin. Hooyo waa maangarad oo waxa ilmeheedu u baahan yahay iyada oon loo sheegayn ayay garataa. Dh: indheergarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabid
-da: (magac, dhedig, keli) nacas jahawareersan noqosho.
naanaabid-da: (magac, dhedig, keli) meehannaabid oo carcaraaf ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangamid
m.f.dh eeg saangan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgaarid
m.f.dh eeg salgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wax la mid, gunteeda iyo xaqiiqdeeda, ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaangabid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo falcelis muruq iyo orod u baahan ka hadhid. Odaygu xaangabid uma dhawa. Dh: itaaldarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarid
(Xanbaarid-da)
1. Ilmo yar dhabarka ku qaadid.
2. Kor u qaadid, u sidid, u bilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar ama wax kale dhabarka ku qaadid. Dh: xanbaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaangaad
-ka: (magac, lab, keli) awr. gaadhi ama wax kale oo hayin ah oo bukaanka iyo dadka liita lagu qaado. Awr bukaangaad ah dhayal looma bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalsaarid
m.f.dh eeg caalsaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarcaarid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u silcid; dulloobid, leelleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamid
(Daandaamid-da)
Daandaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamid
m.f.dh eeg daandaan². la-mid: daandaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu dhacay dartiis, la wareerid. Dh: daandaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daardaarid
(Daardaarid-da)
1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid.
2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daardaarid
m.f.dh eeg daardaar². la-mid: daardaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal iyo wixii la mid ah, kolba shidid. Dh: shidshidid.
daardaarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, faragelin ku samayn oo gardarro ku doonad. Daardaaridda duga ka daa haddii kale dacar baad ka leefi. Dh: juqjuqayn, daandaansad, maagid.
daardaarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, talo u jeedin oo waanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanfaanid
m.f.dh eeg faanfaan². la-mid: faanfaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanfaanid
-da: ( magac, dhedig, keli) tookhid iyo isfaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarfaarid
m.dh la-mid: farfarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarfaarid
-da: (magac, dhedig, keli) daldalloollo yaryar u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaangaambi
(fal) si xarrago ku jirto iyo aayar u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacnabarid
m.f.dh eeg gacnabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadawaarid
m.f.dh eeg gadawaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildilleyn. la-mid: galgali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaangali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildilleyn. m.f.dh, galaangalin. la-mid: galgali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarin
m.f.dh eeg garangari. la-mid: garaangarin, garangaaris, garangaris, garaangirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xarago leh, wax u dhaqdhaqaajin. Garangarinta laafyaha, xubnaheega gaarka ah...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangaris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraangiri
(fal) wilaanwili oo rogrog; sida giraanta u wareeji ama u kaxee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanadid
(Gunaanadid-da)
1. Qof dhimanaya gunaanad u samayn; yaasiimin.
2. (arrin; kd.) dhammaystirid; ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadid
m.f.dh eeg gunaanad². la-mid: gunaanad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaanadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof sii dhimanaya quraan ku dul'akhrin.
gunaanadid -da: (magac, dhedig, keli) hadal ama hawl socotay, soo afjarid. Gunaanadidda shirka ha ka maqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haashaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xarragood iyo socosho hannaan quruxsani ka muuqdo. Dh: taxtaxaashid, mardaaddiyid, shoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurid
m.f.dh eeg jaanguur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof wareersan u noolaansho oo dhaqan sillanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaanqaadid
(Jaanqaadid-da)
1. (qof kabo qaba) qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin.
2. Saanqaadid; socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanqaadid
m.dh eeg jaanqaad². la-mid: jaanqaad¹ (3).