go about
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
go about
/ (v) gudasho, fulin, samayn. e.g. How do I go about it?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
go
v.i., tag, soco, baydh; go together, is raaca; let us go together, aan is raacno; I cannot go, ma tegi karo; he is gone, teg; they are gone, tagay; go that way, xagga u kac, dawgaa qabso; go on foot, lug ku soco; he has gone a journey, waa sodcaalay; how goes your health? caafimaadkaaga ka warran? so the world goes, dunidaa sidaas ah, or dunidu waa sidaa; how go your concerns? iska warran? so the report goes, warku waa sidaa; he went unpunished, casiraad la’aan buu ku tagay; let go, sii daa; let go the anchor, baroosinka sii daa; go about, wareeg, soo wareeg, soo warwareeg; go about the world, dunida soo wareeg; I shall go about it, waan kaga qaban; go about your business, orod oo shuqulkaaga qabso; such a report goes abroad, warkaas meel walba gaadhayaa or ka baxayaa; thou art able to go against him, ninka waa iska cadaadin karta or waa qaabili kartaa; go along, mar; go along the house, aqalka dhaaf, or aqalka hor mar; go along with..., ninka sii raac; he goes aside, gees buu u baydhayaa, or dawga xun buu qabsanayaa; he goes astray, waa is hallaynayaa; they go asunder, waa kala socdaan or soconayaan; go away, tag, iska tag, iska bax, guur, ina kala wad; he went away with a thing, wax buu la tagay; go back, noqo; go back with, la noqo; he goes back from his word, hadalkiisi buu asaraarayaa, or dafirayaa; go backward, dib u noqo, dib u soco; go before, hor soco, hor u mar, ka hore, go behind, dambee, ka dambee, go between, dhex gal; I went between them, anigu waa dhex galay; go beyond, ka shishay; go beyond the hill, buurta shishadeeda mar; they went beyond my hopes, intaan sugayay yay i dulmartay; go by, ag mar; I will see the prisoners go by, maxaabisti oo i ag maraysaa arki doonaa; the time goes by, goortu dhakhso u soconaysaa; the wind goes contrary to us, dabayshi baa ina haysa; go down, hoosta u deg, hoosta tag, u dhaaf; go down the stairs, sallaanka sii mar, sallaanka kasoo deg; go down again, deg mar kale; no meat will go down with him, midna or waxba ka degi maayo; the sun goes down, qoraxdi waa dhacaysaa; go first, horay, hor u soco, sii tag, sii soco; go for, u kac; go for help, qayla gee, or macaawinad u kac; go for the governor, serkaalka doon or u yeedh; he goes for a robber, tuug baa la moodaa; that goes for nothing, waxba kuma filla; he went forth, tamashlay teg; the news went forth yesterday, shalaa lugu warramay; he went forth last week, todobaadkii buu dhashay; go forward, horo u wad; he goes forward in learning, barashadiisii waa wadanayaa; go from, ka tag; he goes from the service (work), shuqulki buu ka tagayaa; go in, gal, u dhaaf; go near, u durug, ag tag, u dhowee; I went near to be devoured, in la igu liqo baan u dhowaaday; he went off yesterday, shalay buu dhintay; these goods will never go off, xoolahaasi kolley iibsami mayaan; hear the great guns go off, maqal! madaaficdi la rid; go on, soco, wad; he goes on an embassy, erguu u kacayaa; go on your way, dantaada raac; board the ship, markabka fuul; go on as you have begun, sidaad ugaga qabatay u wad; how does your business go on? dantaa or hawshaa ka warran? go over the river, durdurka ka talaab; he goes out of the way, dawgi buu ka baydhayaa, dawgi aan toosnayn buu marayaa; the fire goes out, dabkii wa bakhtiyayaa; go through the crowd, buuqa dhex mar; he went through many dangers, cabsi badan buu si dhex maray; go through the town, magaalada xul or soo xul; go round, xeer, meer, soo meer, kusoo wareeg, meerayso; make him go round, meeri, meermeeri; go to, tag, u tag, u bax, gaadh, u kac, u soco; go to Bulahar, Buulaxaar qabo; I shall not go to that price, ganacdaa gadi maayo; go up, sare u bax, dusha tag; go up and down, dul iyo hoosba mar; go upon him, aamin; go with, raac.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
go out
/ (v) 1. bixid, guriga ka bixid siiba madadaalo darteed (v) 2. isla-bixid, waqti wada-qaadasho. e.g. She has been going out with him for two years. (v) 3. socdaalid, meel dheer u-bixid. e.g. Alex went out to the east coast for a holiday. (v) 4. damid, sida dab, nal iwm. e.g. The fire will soon go out.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
go around
/ (v) 1. wareegid, fidid, sida cudur ama war oo kale (v) 2. la-wareegid, sida cid lala'saaxiibo oo lala war-wareego. e.g. Why does she go around with such bad people?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
set about
/set abawt/ (v) diyaar u ahaansho (diyaarsanaan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
round about
/rawndh abawt/ (n) 1. is-goys baabuurtu aysan toos u socon karin, oo dhismo dhexda ku yaal ay kusoo kala wareegtaan 2. fardo gacanta lagu sameeyay oo mashiin wareejiyo, oo madadaalo loo fuulo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
about
/abbowt/ (prep) 1. ku saabsan. e.g. This is a book about Somalia. 2. qiyaastii. e.g. There were about ten students in the class.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
about
/abaawt/ (prep) 1. ky saabsyng. A story about foxes. 2. ing dhowaan. It is about four o'clock. 3. inty i heggy. The children were running about in the street.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
about
prp.; the soldiers were about him, askarti waa ku xeertay; it was about night, habeenki waa dhowaa; when I saw him, he was about to die, markaan arkay inuu dhinto yuu u dhowaa; I have no money about me, anigu lacag ma sito; he is somewhere about the house, aqalkuu meel ka joogaa; it is about the house, aqalkay meel ka taal; all about, meel walba, or meel kasta; look about and about, meelaha eeg, or ka day; I visited all the country round about, magaalada oo dhan ku soo wareegay; I am about to go away, anigu inaan iska tago baan u dhowahay; look about you, war! is jir.
about, ad.; for three leagues round about there is no game, saddexda saacadood ee hore ugaadhi ma joogto, or ugaadh arki maysid; do you know a short cut about? daw yar meesha ma ka ogtahay? is there a long (i.e. round-about) way? daw weyn meesha ma leedahay? drink about, mid waliba markiisa ha cabo; a tree of about seven cubits round, geed toddoba dhudhun ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
go along
/ (v) 1. wadid, sida shaqo la wado oo kale. e.g. I like to do the checking as I go along. (v) 2. ku waafiqid, ayidid. e.g. I'll go along with your idea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolbooto
-da: (magac, dhedig, keli) naag dagaal badan. Goolbooto lama guursado. Dh: bido.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gouge out
/gowj awt/ (v) 1. duleelin. e.g. She gouged out a hall in the wood. (v) 2. ka-goyn ama ka-soo bixin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hereabout
/hiyerabawt/ (adv) meelahaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
think about
/think abawt/ (v) ka fakarid (ka fiirsasho).