giyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giyi
(Giyi-ga)
Geyi; gayi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giyi
m.l la-mid: geyi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giyi
m. n., [collective] land, country; domain; world, universe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giyi
-ga: (n) world (wooldh)-, earth (eerath) ~ geyi, gayi. Ex: giyiga aan ku noolnahay..; the earth we inhabit.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giyi
-ga: (magac, lab, keli) eeg geyi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giyi
de: land, country; domain; world, universe
lx: giyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
see: geyi
key: giyi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gii
(ereycodeed) tusmeeya dhawaaq dheer; mid ka mid ah codadka ay nooluhu sameeyaan. Dh: wii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyi
(Ciyi-ga)
1. Gargaar; xoolaggooyo.
2. Hilib, qoladii wax qalataa deriska u qaybiso.
3. Xarad rarada ama weelka la tolayo lagu dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyi
m.l 1. Waqti jiilaal ah, reero shiraystay, hilibka ay siiyaan cid aan wax qalin. 2. Xarar lagu dhigo rarada ama weel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyi
m. n. sharing, distribution of goods; help, assistance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyi
-ga: (magac, lab, keli) xaradh lagu sameeyo harrarada ama weelka la tolayo oo farta lagu hayo.
ciyi -ga: (magac, lab, keli) gargaar iyo taakulo; xoologooyo.
ciyi -ga: (magac, lab, keli) dheef, soor ama hilbo ay labada reer ee deriska ahi isa siiyaan. Waxa caado ah in reerka neef qashaa, si degdeg ah, deriskiisa u gaadhsiiyo. Ciyigii waa ka beryey, ninkii cunay baa ka liita.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyi
cf: gargaar; xoolaggooyo
de: sharing, distribution of goods; help, assistance
lx: ciyi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: ciyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gayi
°(Gayi-ga)
Geyi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayi
m.l la-mid: geyi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gayi
m. n., [collective] country; world, universe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gayi
-ga: (n) world (wooldh); earth (eerath) ~ geyi, giyi. Ex: gayiga aan ku noolnahay... ; the earth we inhabit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayi
-ga: (magac, lab, keli) dunida aynu ku nool nahay. Gayiga Ilaahay meel walba waa la degi karaa. Dh: dhul, adduun, caalam.
gayi-ga: (magac, lab, keli) eeg deegaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gayi
de: country; world, universe
lx: gayi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
see: geyi
key: gayi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyi
(Geyi-ga)
Dal; dhul; arlo (ama gayi, giyi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyi
m.l Dhul; dal. la-mid: gayi, giyi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geyi
m.l Dhul; dal. la-mid: gayi, giyi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyi
m. n., [collective] land, country; domain, milieu, circles; world, universe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geyi
-ga: (n) world (wooldh); earth (eerath) ~ gayi. Ex: geyiga aan ku noolnahay..; the earth we inhabit.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyi
-ga: (magac, lab, keli) dhul ama dal cidi is u leedahay. Geyi nabadeed baa lagu gam'aa. Dh: gayi, dhul, arlo, berri.
geyi-ga: (magac, lab, keli) dhul ka unkan abuurro kala sinji ah ah oo isdhexgalkoodu keenayo habdhis ismeertaynaya oo xasilloon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyi
bw: gayi ~ giyi
cf: dal; dhul; arlo
de: land, country; domain, milieu, circles; world, universe
lx: geyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: geyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gini
m.l la-mid: geni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gini
pr. n., loc. Guinea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gini
ama Giniyo, magac loo baxsho gabadh la jecel yahay oo qiimaheega aawadii lagu metaalay lacagta Ingiriiska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gini
-da: (magac, dhedig, keli) lacag warqad ah oo dalal badan laga isticmaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Gini
de: Guinea
lx: Gini
ps: n0-loc-f
key: Gini
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gisi
(Gisi-da)
Lo' dibadeed; jaamuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gisi
m.dh.u Naasley lo'da la bah ah oo duurjoog ah; lo'gisi; lo'gesi. la-mid: gesi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gisi
f. n., [collective] wild cattle, buffalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gisi
-da: (magac, dhedig, keli) nooc lo'da ka mid ah oo leh jaadad duurjoog ah. Gisi badan ayaa laga soo dhoofshay suuriya. Dh: jaamuusi, lo'gisi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gisi
a: gesi, lo'gisi
de: wild cattle, buffalo
lx: gisi
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: gisi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyi
(Hiyi-ga)
Kasha dadka oo wax waliba ku soo dhacaan; kal; laab; qalbi, cindi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyi
m.l Laab; kal; qalbi; niyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiyi
m.l Laab; kal; qalbi; niyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiyi
m. n., [abstract] sense, heart, center of emotion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiyi
-ga: (n) feeling (fal ling); emotion (imowshen); sense (sen-si)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiyi
-ga: (magac, lab, keli) maanka ama maskaxda uu dareenku ku dhaco. Dh: maan, maskax, kash, niyad, kal, laab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiyi
de: sense, heart, center of emotion
lx: hiyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: hiyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miyi
(Miyi-ga)
Dhul aan la degganayn oo magaalooyinka ka fog; baaddiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyi
m.l Dhul magaalooyinka ka fog oo xoolo dhaqatadu ku noolyihiin; baadiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyi
m.l Dhul magaalooyinka ka fog oo xoolo dhaqatadu ku noolyihiin; baadiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyi
m. n., loc. countryside, the interior; rural area; savanna, grassland
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Miyi
rural.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyi
-ga: -ha: (n) countryside (kaan 'tirisaaydh); country (kaan-tiri); boondocks (buundhakis); rural area; an area outside of cities and towns ~ baaddiye, baadiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyi
-ga: (magac, lab, keli) meelaha aan magaalooyinka ahayn ee adeegga magaalana ka magan yahay. Miyi ayaan ka imid oo magaalaan ku socdaa Dh: baadiye. Li: balad, magaalo, bandar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyi
de: countryside, the interior; rural area; savanna, grassland
lx: miyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-loc
key: miyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyid
(Ciyid-da)
Cida xoolaha oo kale samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyid
m.f.dh eeg ci'².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyid
vl. n. crying (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyid
-da: (n) the act of making a wail or cry, especially by animals; growl (growl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyid
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da riyaha samayn; codka xayawaanka oo kale samayn; ciyis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyid
de: crying (of animals)
lx: ciyid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-m
key: ciyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ciyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, cid kale xalaal u ahaan inuu guursado. Dh: gayitaan, falxalaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyid
(Geyid-da)
(guur) kuf u ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyid
m.f.dh eeg gey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyid
-da: (magac, dhedig, keli) guur ahaan, labo isu qalma oo dhaqan iyo diin ahaanba isu bannaan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibil
1. (Gibil-ka) a) Oogada nafleyda dubkeeda; jirka dadka. b) Wixii ballaaran oo wax isku gudba oo qarsha; hir. c) Culays oogadu iska dareento; habbiso.
2. (Gibi-sha) Marka awrka rarka la wada saaro, sarta lagu dedo; lammo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibil
gibil¹: m.l Haragga ama maqaarka sare ee dadka iyo xoolaha.
gibil²: m.l (jooloji) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoomo.
gibil³: m.dh (-llo, m.dh) Saan korka laga saaro awrka marka rarka loo dhammeeyo; lammo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gibil
gibil¹: m.l Haragga ama maqaarka sare ee dadka iyo xoolaha.
gibil²: m.l (jool.) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoomo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibil
m. n., [collective] skin, complexion
gibil [feminine] n. mat covering a loaded camel's back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibil
(fal) gibisha ku hagoog; rarka awrka saaran saanta dusha kaga ded. Dh: lammo.
gibil-ka: (magac, lab, keli) dubka sare ee dadka. Raggaa lagu gataatacahayee gibil madoobaadey.
gibil-ka: (magac, lab, keli) halbeeg cadaadis oo leh lakabyo haweed isdul saaran oo ku gadaaman meel oo ka kooban celcelis 78% naytarojiin 21% ogsajiin, 1% argon iyo xaddi aad u yar oo kaarboon-laba'ogsajiinle, niyon, hiilyam, kareybton iyo sanon.
gibil-sha: (magac, dhedig, keli) saan geel oo aqalka dhinaca lagaga xidho marka awrka la rarana dusha rarka oo dhan lagaga hagoogo. Dh: dedmo, lammo, hagoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibin
(Gibin-ka, Gibin-ta)
1. Wax tiro yar; xig; xoogaa.
2. Wax fil yar; aan da' weyneyn.
3. Aan buurreyn; lixaad yar; (ama gaban).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibin
gibin¹: m.l la-mid: gaban¹.
gibin²: m.dh la-mid: gaban².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibin
m. n. small thing ~ amount; child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gibin
-ta / ka: (n) not fully grown, very young, usually a small child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibin
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo aan badneyn ama da' yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gibin
de: small thing ~ amount; child
lx: gibin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m, n3-f
see: gaban
key: gibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibir
m.l Cashuur dadka laga qaado sannadkiiba mar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gibir
m.l Cashuur dadka laga qaado sannadkiiba mar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibir
-ka: (magac, lab, keli) lacag ay dawladdu dadka uga qaaddo canshuur ahaan. Intaan gibir bixin miyaan geelayaga raacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibli
m.l (c.cimi.) Dabayl qallalan oo kulul, kana dhacda dalka Libiya ee Woqooyiga Afrika oo gaarta ilaa Yurub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gibli
m.l (c.cimi.) Dabayl qallalan oo kulul, kana dhacda dalka Libiya ee Woqooyiga Afrika oo gaarta ilaa Yurub.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gibli
Gibli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giddi
Wax aan kala maqnayn; wadajir; oo dhan; kur-; dhammaan; kulli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giddi
m.l Wax aan kala maqnayn; wadajir; dhammaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giddi
m.l Wax aan kala maqnayn; wadajir; dhammaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giddi
num., [adjective] whole, complete, entire; all
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giddi
-ga: (n) entirety (intaarati); whole (hool); all (ool); gross (garows); total (tootal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giddi
(tilmaame) wax dhan ahaan. Raggii giddi way dhoofeen. Dh: dhammaan, idil.
giddi-ga: (magac, lab, keli) wax aan kala maqnayn. Dh: kulli, dhammaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giddi
de: whole, complete, entire; all Generally used with possessive pronouns
lx: giddi
pd: (-ga)
ps: num-adj-m
xe: dhan, dunji
xv: kulli, kur
key: giddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidir
(Gidir-ta)
(neef, naag, kd.) aan caano qumman lahayn; baaqimo; badho; gabno; hooto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidir
m.dh Dheddig aad u naasa yaryar oo aan ilmaheeda caano deeqsiin karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gidir
f. n. woman ~ female animal that gives no milk
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gidir
name-m dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidir
(tilmaame) haweenay dhib ka qabta ilmagaleenka oo aan la filayn inay dhasho.
gidir-ta: (magac, dhedig, keli) gabadha aan hilibka lahayn ee aan naaxin. Li: golweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gidir
cf: baaqimo
de: woman ~ female animal that gives no milk
lx: gidir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: gidir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gifin
(Gifin-ka)
Wax yar; gibin; gaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gifin
gifin¹: m.l la-mid: gaban¹.
gifin²: m.dh la-mid: gaban².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gifin
m. n. small thing ~ amount
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gifin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yar; gibin; gaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gifin
a: gaban ~ gibin
de: small thing ~ amount
lx: gifin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m, n3-f
key: gifin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gigni
-da: (magac, dhedig, keli) afarta addin oo fidsan meel sare ku tigtignaan. Dh: gignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiji
f.g2 (-iyay, -isay) Xarig iyo wixi lamida xoog u togid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giiji
f.g2 (-iyay, -isay) Xarig iyo wixi lamida xoog u togid. m.f.dh, giijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giiji
v. tighten, make taut