girrise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girrise
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan ku dhasha geedka qaadka oo cuna. Girrise ayaa ku fadhiya qaadkii oo cunay. Dh: doonishaxar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
irrité
irrité, adj. - cadhoonaya; cadhaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Girgire
(Girgira-ha)
Birjike; burjike; baabuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girgire
m.l (-rayaal, m.l) Shay dhoob ah ama dhagax laga qoro oo qaab mooye leh iyo laba meelood oo la qabsado oo wax lagu karsado; burjike.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
girgire
m. n. charcoal stove
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
girgire
-girgiraha: (n) cooking stove made of limestone ~ burjiko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girgire
-ha: (magac, lab, keli) shay dabka lagu shido inta dhuxusha lagu shubo oo waxna lagu karsado; wuxuu ka samaysan yahay bir ama dhoobo wuxuu leeyahay meel daloosha oo dabayshu ka soo gasho. Waa dhaxane girgiraha dhoobada ah ii soo cammir oo qolka ii soo dhig. Dh: baabuur, burjiko, marakab, birjike.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
girgire
de: charcoal stove
lx: girgire
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: baabuur, birjiko {N}
key: girgire
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaarriye
nickname; name-m a clever man, good man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaarriye
magac ama naanays loo baxsho wiil laga dareemay degganaan iyo aayar u socod.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garrigue
garrigue, n.f. - naqo ama caws gaagaaba oo dhulka qariya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garrison
/gaarisan/ (n) 1. ciidan milateri, oo difaac ahaan loo dejiyo magaalo ama qalcad. (v) 2. ciidan difaac u dirid, siiba qalcad ama magaalo loo diro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gilgishe
m. n. revolutionary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gilgishe
de: revolutionary
lx: gilgishe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gilgishe
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
giurista
s.m. - garyaqaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gurraase
name-m spring dwelling; the cape of spring; blessed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
highrise
/hay-rays/ (n) aad udheer, siiba dhismo-dheer. e.g. He lives in a highrise building.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqsi
m.l la-mid: jirriqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqso
f.mg3 (-saday, -satay) Ilko isku xoqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirriqso
v. grind one's teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriqso
(fal) ilkahaaga xoog iskugu qabo oo kaga jirriqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirriqso
de: grind one's teeth
lx: jirriqso
pd: (jirriqsaday)
ps: v3a=intr
key: jirriqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriyee
(fal) noqo dhuljiif si aad u dhacdo xoolo aanad lahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maîtrise
maîtrise, n.f. - Ilaalin ama kala dabarid; shahaado sare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriqsi
(Mirriqsi-ga)
Neef xoolo ah, mirrijin ku maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqsi
m.l la-mid: mirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqsi
-ga: (magac, lab, keli) xooxsad oo candho caano yar ka dhiijisasho. Mirriqsiga saca ka daa wuu gudhaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqso
f.g3 (-saday, -satay) Neef mirriq ka maalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirriqso
v. milk, press ~ squeeze something to cause something to come out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqso
(fal) xoox ka dayo oo candho aanay caano ku jirin dhiiq ka raadso. Geela waa la lisee bal soo mirriqso. Dh: xiggo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirriqso
de: milk, press ~ squeeze s.t. to cause s.t. to come out (of it, as an animal's udder or some similar thing)
lx: mirriqso
pd: (mirriqsaday)
ps: v3a=tr
key: mirriqso
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
surprise
kedis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
surprise
/sarprays/ (n) 1. yaab (amakaag) (v) 2. ka yaabin (amakaagin).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
surprise
surprise, n.f. - amakaag; yaab; naxdin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
surprise
v.tr., gaad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gargariser
gargariser, se, v. - luqluqid; luqluqasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gargarisme
gargarisme, n.m. - luqluqashada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giririflee
(fal) socod aan fiicneyn oo aan qurux badnayn samee; si taagdaran u tallaabso. Midda gaaban ee garabka iyo guudku wada joogo, ee socodka uma kaadisee giririflaynaysa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
guitariste
guitariste, n.m. - qofka kitaarada garaaca,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giis
(Giis-ka)
Maanso; hees; guluuluc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giis
giis¹: m.l 1. Cod gaaban oo lagu heeso ama lagu gabyo. 2. Maanso; guluuluc. 3. la-mid: giisid.
giis²: f.mg1 (-say, -stay) Cod gaaban ku heesid; guluulucid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giis
m. n. song, poem
giis v. compose a song ~ poem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giis
-ka: (magac, lab, keli) hadal dudubis ah iyo reen aan wax macno ku jiraa la sooci karin oo badanaa dadka gabyaa hordhac uga dhigaan hadalkooga. War ninka giisayaa ee aan maqlaa ma gabay buu wadaa?
giis -ka: (magac, lab, keli) hadal miisaaman oo qaafiyad leh oo lagu luuqeeyo. Dh: maanso, hees.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gris
gris, adj. - midab boodhe ah; midab dameer oo kale; camaajiir.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iris
Kurux
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iris
Kurux
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
iris
(n) the colored, round, membrane of the eye, situated between the cornea and lens.
xayuubka midabka leh ee wereegsan isha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
iris
/ayris/ (n) 1. bu'da isha (birta isha) 2. ubax qurxoon.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
iris
iris, n.m. - qaybta madow ee isha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irre
-ha: (magac, lab, keli) qof aan camalkiisa la bixin karin, Irre aayar kuma dhaafo. Dh: kibraani, cawaandi, muusanaadi, sannaadi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rise
/rays/ (v) 1. soo bixid (sida qorraxda iwm) 2. kor u kicid (kor usoo kicid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rise
v.i., kac, sara kac, toos.
rise, rising, n., toosniin, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arise
/araays/arises, arising, arose, arisen/araysan/ (v) soo baxay, bilaabmay, dhashay ama soo shaac baxay. e.g. We will request his services if the need arises.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arise
/araays/ (v) 1. surumow, kahow. 2. athuuthumow, ha bambahow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
arise
v.i., ka, sara kac, toos.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biris
-ta: (magac, dhedig, keli) hurinta dab yar. Dh: bidhis, daaris, huris. Li: demis, bakhtiis.
biris-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhid.
biris -ta: (magac, dhedig, keli) leexista ama laabista walax fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birre
(Birra-ha)
1. Ubaxa cawska.
2. Qolofta badarka qaarki, (sida bariiska) ku rogan; bariiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birre
m.l 1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida bariiska ku rogan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birre
m.l 1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida bariiska ku rogan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Birre
name: Beerey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birre
m. n., [collective] spear of grain (with husk); grass flower
birre m. n., [collective] grass species, with thorny offshoots
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birre
-ha: (magac, lab, keli) ubaxa ka baxa doogga dheeraada. Meel birre leh lo'da daaji. Dh: bile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birri
(Birri-ga)
Dhulka intiisa engegan; inta aan baddu ku fadhiyin; dhul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birri
m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul. la-mid: berri¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birri
m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birri
m. n., [collective] land (as opposed to sea)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birri
-ga: (n) land (laandh) ~ dhul. Ex: badda iyo birriga; the sea and the land
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birri
a: berri
de: land (as opposed to sea)
lx: birri
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: birri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ciise
name: Issa, Jesus
Ciise m. n. major Somali clan located in Djibouti
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciise
name-m saviour; Jesus; Prophet in the holy Qur'an
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
crise
crise, n.f. - Ka gaylin dhibaato; ka mudaharaadid; Qalalaase.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diise
Compressor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diris
(Diris-ta)
Meel u dawis; meel aadsiis; dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diris
m.dh la-mid: dirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diris
vl. n. act of sending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diris
de: act of sending
lx: diris
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: diris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirri
(Dirri-da, Dirri-ga)
Ban aan wax ku yaal la arag; aan cidi joogin; bannaan; digdigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirri
m.l/dh 1. Ban diiran oo aan cidi ku nooleyn. 2. Digdigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirri
f. n. open ground ~ country, stretch of hard barren land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirri
(tilmaame) meel adag. Dh: adayg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirri
cf: bannaan
de: open ground ~ country, stretch of hard barren land
lx: dirri
pd: (-da ~ -ga)
ps: n1-f, n2a-m
key: dirri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiise
m. n. visa
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiise
-fiisaha: (n) visa (vii za) ~ dalkugal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiise
-ha: (magac, lab, keli) oggolaanshaha dal lagu galo. Dh: dalkugal, fiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiise
de: visa {Eng}
lx: fiise
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fiise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firis
-ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo wax la mid ah, saqaf ama wax kale ku kala saarid. Dh: fidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garre
(Garra-ha)
Kalluun badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garre
m.l Nooc kalluunka ka mid ah oo badda ku nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Garre
m. n. Somali clan of southern Somalia and northern Kenya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garre
m. n., [collective] ocean fish species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Garre
name-m ocean fish sp., plaintiff, lawsuit, verdict; justice, the law
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garri
m.dh 1. Dhagxan yaryar oo wax lagu dhiso; quruurux; jaay. 2. Turumbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garri
m.dh 1. Dhagxan yaryar oo wax lagu dhiso; quruurux; jaay. 2. Turumbo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garri
Gravel
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GARRI
(Garri) N Barbeya oleoides Schweinf. Barbeyaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garri
-da: (magac, dhedig, keli) walax gees goodir ka samaysan oo la afuufo xilliga dareen colaadeed jiro oo la isku war geliyo. Dh: caroog.
garri -da: (magac, dhedig, keli) ciid aan dhagax lahayn oo kolka la qodayo madaraqa ku adag sida malaasta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garse
(tilmaame) neef aad u weyd ah oo itaaldarro la gallalay. Dh: garso, kaldho. Li: joome.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
givre
givre, n.m. - ciiryaamo dhibco baraf ah wadata.