giringir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giringir
giringir¹: m.dh (-ro, m.l) la-mid: garangar¹.
giringir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: garangar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giringiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girangir
m.l la-mid: garangar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girangir
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab wareegsan oo isku kor wareegta oo bartanka ku leh meel ay isugu timaado. Dh: giraangir, garaangar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giringirid
m.dh la-mid: garangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giringirin
m.dh la-mid: garangarin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
giringirin
roll
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giringiris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangar
garangar¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Bir wareegsan dhexda ka bannaan oo carruurtu ku ciyaarto. 2. Hab loo dego oo aqallada lagu wareejiyo xoolaha. la-mid: garaangar, garaangir, giraan, giraangir, girangir.
garangar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax si dilindillo ah u socosho. la-mid: garaangar², garaangir², giraangir², giringir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarid
m.f.dh garangar². la-mid: garaangarid, garaangirid, giraangirid, giringirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
roll
girin-girin, giringirin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duub
(fal) wax fidsan isku laablaab. Aloolka duub oo meel ku tiiri. Dh: giringiri. Li: fidi.
duub -ka: (magac, lab, keli) cimaamad iyo wixii la mid ah oo raggu madaxa ku duubtaan. Culimadii hore waxa lagu yaqiin duub.
duub -ka: (magac, lab, keli) bir wareegsan oo gacanta dumarku gashado inta badanna ka samaysan naxaas. Inanta duub u geli oo da'deed raaci. Dh: jijin.
duub -ka: (magac; lab, keli) nin beeshiisu u soo dooratay inuu madax u noqdo oo uu u taliyo. Dh: bogor, hoggaandhaqameed, malaaq, wabar, ugaas, suldaan, islaam.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rouleau
rouleau, n.m. - giringirin; duubid (wax duuban)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
roulement
roulement, n.m. - giringirin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
volute
volute, n.f. - giringirin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hoop
n., giringir, -ti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
roll
v.tr., giringiri; roll up, duub, duuduub.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wheel
n., giringir, -ti, shaag, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangir
giraangir¹: m.dh (-ro, m.l) la-mid: garangar¹.
giraangir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: garangar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giraangir
f. n. wheel, circle; hoop, ring (not for finger)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraangir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg garangar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giraangir
de: wheel, circle; hoop, ring (not for finger)
lx: giraangir
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: garangar
key: giraangir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girangiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girangiri
(fal) sida giraangirta u wad; giraangir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Girgir
(Girgir-ka)
Weelka iyo wixii kale oo la mid ah afkiisa; qar; gow; daan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girgir
girgir¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Wax wareegsan afkiisa sare. 2. Mindi dhankeeda aan wax goyn.
girgir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax xariiqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
girgir
m.l (-rro, m.dh) 1. Wax wareegsan afkiisa sare. 2. Mindi dhankeeda aan wax goyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
girgir
m. n. rim; opening ~ mouth (of jar, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girgir
-ka: (magac, lab, keli) shey kasta oo godan oo wax lagu shubto halka afkiisu ka bilaabmo ee wareegsan una sarraysa. Dh: qar, geer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
girgir
de: rim; opening ~ mouth (of jar, etc.)
lx: girgir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: girgir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gilingil
(Gilingil-ka)
Shinbir yar oo dhalada cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gilingil
m.l Shimbir yar oo leh qoor guduudan iyo dhalo cad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gilingil
f. n., [collective] small bird species, with a white head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gilingil
-ka: (magac, lab, keli) shimbir yar oo midabyada cagaarka iyo cirawga oo isku dhafan dhakadana cad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gilingil
de: small bird sp., with a white head
lx: gilingil
pd: (-ka)
ps: n-f-col
key: gilingil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girigiri
-da: (magac, dhedig, keli) abaar aad u daran oo wax la qaado la waayo. Girigiridu waagay dhacdee gaaladu is laysay. Dh: abaar.
girigiri -da: (magac, dhedig, keli) jaad sixirka iyo falka ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
girin-girin
roll
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Giringir-ta
bicyclette.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraangiri
(fal) wilaanwili oo rogrog; sida giraanta u wareeji ama u kaxee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girangirin
m.dh la-mid: garangarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girangirin
-ta: (magac, dhedig, keli) si giraangirta u wadid; giraangirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girifgirif
m.dh.sh.r G. leh: cod lagu muujiyo ordidda degdegsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
girifgirif
f. n. resistance, obstinacy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girifgirif
-ta: (magac, dhedig, keli) goor ay dhibaato dhacday kolba dhinac u cararid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
girifgirif
de: resistance, obstinacy
lx: girifgirif
pd: (-ta)
ps: n-f
key: girifgirif
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirindiir
-ta: (n) caterpillar (kata-pilar) ~ diirdiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirindiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangir
garaangir¹: m.dh (-ro, m.l) la-mid: garangar¹.
garaangir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: garangar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirinqiir
m.l la-mid: qiiraqiiro.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qirinqiir
Critical
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qirinqiir
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo digaagga ku dhasha; dirxi ku dhasha baadadka digaagga. Dh: injir.
qirinqiir -ka: (magac, lab, keli) halis. Ninku qirinqiir ayuu u geliyay oo uu i dili gaadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangirid
f.dh la-mid: garangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangirin
m.dh la-mid: garangarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraangirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wilaanwillin oo rogrogid ku samayn. Dh: warwareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangiris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biriir
(Biriir-ta)
1. Wejiga bartankiisa: salaan.
2. Wejitub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriir
m.dh 1. Gaashi weyn, cad oo ku taal neef lo' ah oo midab aan caddaan ahayn leh. 2. Caro ama naxdin laga dareemo qofka wejigiisa. la-mid: bariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biriir
f. n. forehead; white mark on the forehead of cattle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biriir
-ta: (n) a lines or crease in the forehead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biriir
-ka: (magac, lab, keli) dubnax iyo dareen walaalnimo. Bakhaylkaan biriir yaabahayn, waa bakhtoo kale'e. Dh: caro, cadho, hiil.
biriir-ka: (magac, lab, keli) shishlaan aan isdhimin. Bidhiidh iyo ninkii xoog leh bay bah isku raacaane. biriir -ka: (magac, lab, keli) badhtanka wejiga: xero wadaagaha wejiga. Biriir qurxoon iyo waxaa la arkaa qosol fariiddoone. Dh: bidhiidh, salaan.
biriir-ka: (magac, lab, keli) wejiga oo la ururiyo. Dh: jirxumo, wejikaduud, wejitub.
biriir -ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal didmo iyo foojignaan ah. Orgigu bahal buu arkayoo biriirtuu kiciyay.
biriir -ta: (magac, dhedig, keli) eegmo fariidnimo iyo weji gureex. Cabdi waa wiil biriir qurxoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biriir
de: forehead; [ext.] white mark on the forehead of cattle
lx: biriir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: biriir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciriir
m. n., [abstract] difficulty; tightness, narrowness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciriir
-ah: (adj) narrow (naarow) ~ cidhiidhi. Ex: jid ciriiri ah; a narrow street
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciriir
de: difficulty; tightness, narrowness
lx: ciriir
pd: (-ka)
ps: n2-m; n0-m-abs
key: ciriir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariir
(Gariir-ka)
Ruxasho xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariir
gariir¹: m.l 1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. la-mid: gallayr. 3. la-mid: gariirid.
gariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cabsi, dhaxan iyo wixi lamida awgeed la ruxasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gariir
gariir¹: m.l 1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. la-mid: gallayr.
gariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cabsi, dhaxan iyo wixi lamida awgeed la ruxasho. m.f.dh, gariirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariir
Vibration
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariir
Quake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariir
v. shake, tremble, quake, shiver
gariir vl. n. trembling, quaking; pulse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gariir
-ay / tay: (v) shake (sheeyk), tremble (trimbel); quake (kuweeyk); shiver (shever) ~ gargariir.
gariir -ka: (n) shaking (sheeyking). Ex: dhulgariir; earthquake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariir
-ka: (magac, lab, keli) lulan cabsi ama qabow keeno; ruxan jirka ku dhaca cabsi ama qabaw awgii. Tiirku gariir buu leeyahay.
gariir -ka: (magac, lab, keli) socod walhadeedka walxuhu sameeyaan marka wax lagu dhufto.
gariir -ka: (magac, lab, keli) cudur inta badan da'du keento oo waaxyaha qaarkood la gariiraan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gariir
زِلْزَالَ، ارتجاف
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garnir
garnir, v. - qurxin; qalabayn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geriir
vl. n. shaking, quake
geriir m. n. bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geriir
-ay / tay: (v) shake (sheeyk); tremble (trimbel); quake (kuweeyk); shiver (shever) ~ gargariir
geriir -ka: (n) shaking (sheeyking). Ex: dhulgeriir; earthquake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giigid
(Giigid-da)
1. Ka joogsasho; iska qabasho; iska buusid; ka jigasho.
2. Aad u dhergid; ka dibbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giigid
m.f.dh eeg giig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giigid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka giigid; ka hadhid kolkii la kari waayay dabadeed; ka caagid; ka maagid; ka joogsasho baqdini ku jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giingo
-da: (magac, dhedig, keli) iin xagga haddalka ah oo aanu qofku hadalka si taxan u wada odhan karin. Dh: gaangi, gango, hagahago.
giingo -da: (magac, dhedig, keli) sibidh saafi ah oo inta biyo lagu walaaqo, korka lagaga shubo oo lagu simo meel hore qaldad sibidhaysan loo mariyay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ginger
/jinjer/ (n) 1. san-jabiil, sin-jibiil (n) 2. midabka guduudka iyo kafeega isku jirka ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ginger
n., sinjibiil, -shi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gingin
(Gingin-ka)
Gingimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gingin
gingin¹: m.l la-mid: gingimid.
gingin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Hab iyo qaab wanaagsan u yeelid (aqal).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gingin
v. put in order, set right, improve
gingin vl. n. improvement, righting, ordering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gingin
-ka: (magac, lab, keli) hab iyo qaabka wanaagsan ee wax ama hawl loo yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giriif
(fal) cabasho muuji; muddaaharaad samee; shaqada jooji. Dh: shoobabaree.
giriif -ka: (magac, lab, keli) muddaaharaad muujin; cabasho muujin; shaqojoojin samayn; si wadar ah oo dad meel ka wada shaqeeyaa ay wakhti shaqada u hakiyaan si ay cabashadooda u muujiyaan. Annagoo giriif wada dhignaad garan lahaydeene. Dh: shoobbaro, mudaaharaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giriig
-ga: (n) jack (jaak); lifter (lif ter)- a tool for raising heavy objects ~ dallace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giriig
-ga: (magac, lab, keli) qalab noocyo badan ah oo waxa culus dhulka lagaga fujiyo siiba baabuurta markay banjaraan. Dh: jeeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
giving
siinaya
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
giving
n., dhiibniin, -ti, dhiibasho, -adi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grigio
agg. - cawl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriir
(Jiriir-ta)
Wax la tumay, iniinaha ugu yaryar oo hara oo bur buri waaya; iniin; burbur; (ama jariir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriir
m.dh.u la-mid: jariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriir
f. n., [collective] granule; powder
jiriir m. n., [collective] molecule
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JIRIIR
Cassia ellisae 40
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiriir
-ta: (n) grounded grain; granule (garaan yul) ~jareer, jariir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriir
-ta: (magac, dhedig, keli) mudhaha la ridqayo inta budada noqota ma ahee, inta yaryar ee buurbuuran. Dh: jariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiriir
m. n. grain of seed, pip; corpuscle