giirtaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirtaag
giirtaag¹: m.l Orgi yar oo da'diisu u dhexeyso shumbul iyo uguufaa.
giirtaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Neef riyo ah oo neef kale la diriraya dhogor kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirtaagid
m.f.dh eeg giirtaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giitaar
-ka: (magac, lab, keli) nooc kamanka la tumo ee lagu heeso ka mid ah oo ka kooban loox ama wax kale oo si loo qaabeeyay iyo xadhko lagu taxay oo codad sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirnaan
m.f.dh eeg giiran. la-mid: giirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la giiray ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaan
-ka: (magac, lab, keli) dirxi noocyo badan leh oo xiidmaha gudahooda ku dhasha. Dh: gooryaan, mascalooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirtaagan
m.l (tiirotaagan, m.l) (jooloji) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiirtaagan
m.l (tiirotaagan, m.l) (jool.) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiirtaagan
Stalagmite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiritaan
-ka: (magac,lab, keli) ku darsamitaan. Isku biiritaan meeshii laga sugayey miyey kala tageen. biirjeex -a: (magac, lab, keli) qof aan dhibta ka cabsoonin oo ka waaban, wax kastana u birdhiga. Biirjeex geesiyoo wacan, Allaw yaanu baas dilin. Dh: birjeex, hawlkar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiritaan
-ka: (magac, lab, keli) liicitaan; dheelliyitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giiryaale
(Giiryaala-ha)
Qof aan geesi ahayn; fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiryaale
m.l Qof aad fuley u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giiryaale
m. n., [compound] coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaale
-ha: (magac, lab, keli) qof fule ah.Li: geesi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giiryaale
de: coward
lx: giiryaale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: giiryaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiirtaayo
(Hiirtaaya-da)
Dhib; harreef (ama hiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiirtaayo
m.dh Xusuusashada ama gocoshada dhib hore u dhacay. la-mid: hiitaanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiirtaayo
f. n. trouble, difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiirtaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib; harreef; hiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiirtaayo
a: hiir
de: trouble, difficulty
lx: hiirtaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhib, harreef
key: hiirtaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiritaan
-ka: (magac, lab, keli) dareere wax kale oo uu ku jiro ka nadiifitaan oo ka shubitaan; wax miiran ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la tolayo afafka dhuudhdhuuban ka jeexjeexid oo serjiyadooda simid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiritaan
-ka: (magac, lab, keli) xiiridda lafteeda. Dh: xiiris, xiirniin, xiirriin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiran
f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax midab giir ah leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giiran
f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax midab giir ah leh ahaansho. m.f.dh, giirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiran
(tilmaame) wax midab isku dhafan oo madaw iyo caddaana leh.
giiran: (tilmaame) wejiga giir ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giraam
m. n. gram (weight)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giraam
-ka: (n) gram (garaam) ~ garaam, hal-beeg culays oo la mid ah 1/1000 Kg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giraam
a: garaamme
de: gram (weight)
lx: giraam
pd: (-ka)
ps: n -m
key: giraam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraan
m.dh (-nno, m.l) la-mid: garangar¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Giraan
Ring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraan
-ka: (magac, lab, keli) cidhifyada waxa wareegsan sida masafta. Geyigaannu lahaynba giraankiisii dhammaynaye... Dh: geftin, wareeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gitaar
-ka: (magac, lab, keli) kaman xadhko lagaraaco leh oo miisiga lagu ladho marna keligii miisikadda oo dhan qaabbila. Dh: giitaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Iiraan
pr. n., loc. Iran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Iiraan
de: Iran
lx: Iiraan
pd: (-ta)
ps: n0-loc-f
key: Iiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaag
(Istaag-ga)
(qof, kd.) Fadhiga ka kaca oo joogsada, ama socona hayey oo joogsada; joogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaag
istaag¹: m.l Taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn. la-mid: istaagid.
istaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ahaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istaag
istaag¹: m.l Taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn.
istaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ahaasho. m.f.dh, istaagid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
istaag
stand
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istaag
v. stand up, rise, arise
istaag: v. stop; stop raining
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istaag
-ay/tay/een/nay: (v) 1. stand (istaandh); get up (get ap) ~ sara u joogso. 2. stop (is top) ~ joogso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaag
(fal) fadhiga ka kac oo sare u joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibtaag
m.dh la-mid: dabataag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibtaag
f. n. Clarke's gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibtaag
-ta: (n) gazelle (ge-zaal) ~ dabtaag, deero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibtaag
-ga: (magac, ab, keli) eeg dibqallooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibtaag
de: Clarke's gazelle
lx: dibtaag
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: dibtaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiraan
-ka: (magac, lab, keli) fiiro iyo garasho; kasmo iyo aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giirbaq
(Giirbaq-a)
Midab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirbaq
m.l Midab giir ah oo midabbo kale ku dhafanyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giirbaq
m. n., [collective] indistinct ~ streaked color (of cattle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirbaq
-a: (magac, lab, keli) midabka giirka ee caddaan iyo madaw oo ay midabyo kalena weheliyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giirbaq
de: indistinct ~ streaked color (of cattle)
lx: giirbaq
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: giirbaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirbay
-ga: (magac, lab, keli) midab giir iyo madaw isku dhafan. Lo'da cali giirbay bay u badan tahay. Dh: giirbey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giircad
m.l Midab madow oo caddaan badani ku dhafanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giircad
-ka: (magac, lab, keli) midabka giirka oo madaw caddaan badani fadhxay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giircas
m.l Midab guduudan oo caddaan yari ku dhafanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giircas
-ka: (magac, lab, keli) midabka giirka oo casaan uu caddaan badani fadhxay ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraal
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hiiraan
pr. n., loc. Hiran [region in south central Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Hiiraan
(n) name of a central region of Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hiiraan
cf: Beledweyne
de: Hiran [region in south central Somalia]
lx: Hiiraan
ps: n0-loc
key: Hiiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinraag
(Hinraag-ga)
Neeftuur, xuurto; hafto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinraag
hinraag¹: m.l 1. Cod weyn oo qof aad u jirran ka so baxa. 2. Cida libaaxa. la-mid: hiinraag¹.
hinraag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Qof aad u jirran cod weyn soo saarid. 2. Libaax ciyid. la-mid: hiinraag².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinraag
v. pant, gasp, be short of breath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hinraag
-ay / tay: (v) wheeze (wiiz) ~ see also [eeg] hiinraag, neeftuur
hinraag -ga: (n) wheezing sound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinraag
-ga: (magac, lab, keli) eeg hiinraag.
hinraag: fal) neeftuur oo xuurtoo; haftoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinraag
bw: hiinraag
de: pant, gasp, be short of breath
lx: hinraag
nt: hinraag (ga) [vn-m]
pd: (hinraagay)
ps: v1=intr
key: hinraag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hortaag
f.lg1 (-gay, -gtay) Wax dhanka hore istaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hortaag
f.lg1 (-gay, -gtay) Wax dhanka hore istaajin. m.f.dh, hortaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hortaag
(fal) wax horjooji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is taag
v. arise, stand up
is taag v. stop
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiraan
(Jiiraan-ka)
Deris; jaar; (ama jaaraan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiraan
m.l (-nno, m.dh) Dad guryohoodu isu dhawyihiin; deris; ollog. la-mid: jaaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiraan
m.l (-nno, m.dh) Dad guryohoodu isu dhawyihiin; deris; ollog. la-mid: jaaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiiraan
m. n. neighbor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jiiraan
name-m neighor; lit: he who was born at the home of a neighbor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiiraan
-ka: (n) neighbor (neeybar) ~ daris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jiiraan
magac loo baxsho wiil ku dhashay guri jaarka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiraan
-ka: (magacwadareed) inta guryahoodu isu dhawyihiin ilaa 40 guri. Dh: deris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiiraan
a: jaaraan
de: neighbor
lx: jiiraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jiiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiryaan
m.dh la-mid: ceeryaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciiryaan
f. n. cloud, fog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciiryaan
-ta: (n) fog (foog) ~ ceeryaamo, ciiryaamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiryaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceeryaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciiryaan
a: ciiryaamo
de: cloud, fog
lx: ciiryaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: ciiryaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirnaan
m.f.dh eeg dįiran². la-mid: dįirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diiran oo qalkii ka qaadmay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigtaal
(Fiigtaal-ka)
Fiige ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigtaal
m.l.kh 1. F. ah: neef tood ama fiige ah oo ay adagtahay in la maalo. 2. F. ah: neef didsan oo aan la qaban karin. la-mid: fiigaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigtaal
m. n., [compound] (adj.): untamed domestic animal; wild
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigtaal
-ka: (magac, lab, keli) neef aan si fudud lagu maali karin oo dadka ka carara. Dh: fiigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigtaal
de: untamed domestic animal; [atr.] wild
lx: fiigtaal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: fiigtaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giinbaar
-ta: (magac, dhedig, keli) sariir saanta lo'da ka samaysan oo afar rukun oo qoriyo ah leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goortaan
(conjunction) during the time at which; while (waayl)-, when (ween) ~ waagaan. Ex: goortaan yaraa, waan ciyaar baadnaa; when (while) I was young, I was playful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinraag
hiinraag¹: m.l la-mid: hinraag¹.
hiinraag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Wax meel tuuran noqosho (alaab). la-mid: hinraag².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiinraag
vl. n. panting, gasping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiinraag
-ga: (n) labored breathing of a very ill person; wheeze (wz'zz); pant (paant) ~ neeftuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinraag
-ga: (magac, lab, keli) neeftuurid iyo hiinfaadh ku yimaad orod dheer ama socod kadar iyo taagsin laga baxayo. Dh: xuurto, hafto