giijiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giijiso
f.g3 (-stay, -satay) Xarig, maro iyo wixi lamida si tognaan ah u qabasho u xirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giijiso
f.g3 (-stay, -satay) Xarig, maro iyo wixi lamida si tognaan ah u qabasho u xirasho. m.f.dh, giijisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giijis
(Giijis-ka)
Giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giijis
m.l la-mid: giijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giijis
-ka: (magac, lab, keli) wax giigsan ka dhigid; xoog u adkayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunti
-ga: (magac, lab, keli) maro raggu qaarka hoose ku xidho sida gundhataha iyo macawista. Socod baad gelaysaaye guntiga giijiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giijisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: giigsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giijisan
(tilmaame) mid la giijiyey; wax dhuuqsan; mid giigsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiji
f.g2 (-iyay, -isay) Xarig iyo wixi lamida xoog u togid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giiji
f.g2 (-iyay, -isay) Xarig iyo wixi lamida xoog u togid. m.f.dh, giijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giiji
v. tighten, make taut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giiji
-yey I say: (v) 1. stretched out tightly ~ giigtir, gigtir. 2. tight (taayt); fastened firmly in place ~ dhuuqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiji
(fal) adkee oo dabacsanaanta ka ilaali; jiid oo gigtir. Singibtir harrarka oo xadhigga giiji. Li: debci.
giiji: (fal) iska giiji; ha dabcin; iska caabbi oo ha u liicin; iska difaac. Ninku yaanu ku legdine iska giiji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giiji
de: tighten, make taut
lx: giiji
nt: giijis (ka) [vn2a-m]
pd: (giijiyey)
ps: v2a=tr
key: giiji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiijis
fiijis: m.l la-mid: fiijin.
fįijis: m.l la-mid: fįijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiijis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giijin
(Giijin-ta)
Wax giigsan ka dhigid; xoog u togid; adkayn; dhuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giijin
m.f.dh eeg giiji. la-mid: giijis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giijin
-ta: (magac, dhedig, keli) gigtir ku samayn; adkayn oo jiidid. Li: dabcin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Giijin
Xirid sugan, wareeg u xirid, wareeg u dhuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miijis
m.l 1. Suuq aan sharciyeysnayn. 2. la-mid: miijin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miijis
m.l 1. Suuq aan sharciyeysnayn. 2. la-mid: miijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miijis
-ka: (magac, lab, keli) buuxin oo aad u curjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijiso
f.g3 (-stay, -satay) Badar la tumay haldhan, buunsho iyo wixi lamida u kala baxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiijis
-ka: (magac, lab, keli) hiinraagsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiriso
-da: (magac, dhedig, keli) weel cuntada lagu dhigto oo aan qaboojin. Shuurada diirisada iigu rid hadhaw baan cuniye. Dh: kulayliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjiso
f.g3 (-stay, -satay) Wax culus qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiifiso
(fal) qof ama wax taagnaa, dhulka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirjiso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: tirigso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giijisasho
m.f.dh eeg giijiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariiriso
(Gariirisa-da)
1. Wax gariirisa.
2. Qandhada daran oo oogadu la gariirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariiriso
m.dh Qandho, xummad iyo gariir badan oo duumo keento.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariiriso
f. n. shivering; severe fever causing shivering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariiriso
-da: (magac, dhedig, keli) xummad keeno xanuunku ama maaddo markii dadka lagu duro ka jarcaysiisa ama ka gariirisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariiriso
de: shivering; severe fever causing shivering
lx: gariiriso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gariiriso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagiijis
m.l la-mid: fagiijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagiijis
-ka: (magac, lab, keli) indhaha si xoog ah u kala qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lagiijis
m.l la-mid: lagiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciliso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: miciyaliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miijisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley wax cunaha la qabtay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miijisan
der. [adjective] strangled, choked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miijisan
de: strangled, choked
lx: miijisan
pd: (miijisnaa)
ps: adj-der
key: miijisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiijisan
(tilmaame) hiinraagsan oo xuurtaysan ah. Nin xiijisan ayaa soo galay. Dh: xiiqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giijisnaan
m.dh la-mid: giigsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giijisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la giijiyey ahaan. Dh: giigsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiifjiifso
(fal) is leged oo kolba seexo. Jiifjiifso mar hadaanay hawli kuu ool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giis
(Giis-ka)
Maanso; hees; guluuluc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giis
giis¹: m.l 1. Cod gaaban oo lagu heeso ama lagu gabyo. 2. Maanso; guluuluc. 3. la-mid: giisid.
giis²: f.mg1 (-say, -stay) Cod gaaban ku heesid; guluulucid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giis
m. n. song, poem
giis v. compose a song ~ poem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giis
-ka: (magac, lab, keli) hadal dudubis ah iyo reen aan wax macno ku jiraa la sooci karin oo badanaa dadka gabyaa hordhac uga dhigaan hadalkooga. War ninka giisayaa ee aan maqlaa ma gabay buu wadaa?
giis -ka: (magac, lab, keli) hadal miisaaman oo qaafiyad leh oo lagu luuqeeyo. Dh: maanso, hees.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiso
(Jisa-da)
Abaalmaris; mutays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiso
m.dh Abaal marinta uu ka mutaysto qof fal uu sameeyey. la-mid: jisad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiso
m.dh Abaal marinta uu ka mutaysto qof fal uu sameeyey. la-mid: jisad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiso
f. n. reward, payment in gratitude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiso
-jisada: (n) reward (ri woordh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiso
(fal) samayso hoy. Dh: dhiso.
jiso-da: (magac, dhedig, keli) abaalgud iyo same-celin. Dh: jisad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiso
a: jisad
bw: Arabic
cf: abaalmari
de: reward, payment in gratitude
lx: jiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiji
-da: (magac, dhedig, keli) cudur faruurta hoose xanuuniya oo ay caddaato. Wiilka biji ayaa faruurta ka haysee ha la daweeyo. Dh: barraaqdo, bajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biijo
(Biija-da)
Cudur bushinta hoose docdeeda kore ku dhaca; barraaqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biijo
m.dh Cudur bushimaha ku dhaco oo caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biijo
m.dh Cudur bushimaha ku dhaco oo caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biijo
f. n., [collective] lip disease
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biijo
-biijada: (n) disease that affects lips
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biijo
-da: (magac, dhedig, keli) cudur bishinta hoose xanuun ku dhaca oo caddeeya, malaxaysta. Dh: barraaqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biijo
cf: barraaqdo
de: lip disease Caused by lack of vitamins
lx: biijo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: biijo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: ceeji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiji
(fal) cunaha qabo oo neefta ku dheji. Dh: ceeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiji
fiiji: f.mg2 (-iyay, -isay) Fooryid.
fįiji: f.g2 (-iyay, -isay) Wax didid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiji
f.mg2 (-iyay, -isay) Fooryid. m.f.dh, fiijin.
fįiji: f.g2 (-iyay, -isay) Wax didid. m.f.dh, fįijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiiji
v. put to flight, cause (people) to panic
fiiji v. whistle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiji
-yey / say: (v) 1. cause someone to experience fear; terrorize (ter raraayz); terrify (terafaay) ~ baji. 2. whistle (wisal) ~ foori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiji
(fal) fiigtaal ka dhig; baydadi.
fiiji: (fal) afka ka foodhi; foori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiijo
-da: (magac, dhedig, keli) afka ka foodhi; foori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dalkugal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiro
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Calaamado kala duwan wax u yeelasho. 2. (f.mg) Ku g.: wax in la fuliyo la isku ogaa iyadoo xanaaq la muujinayo ka bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giiro
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Calaamado kala duwan wax u yeelasho. 2. (f.mg) Ku g.: wax in la fuliyo la isku ogaa iyadoo xanaaq la muujinayo ka bixid. m.f.dh, giirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiro
-da: (magac, dhedig, keli) magac riyaha loo yaqaan. Adna giirooy, ka gu'weynide, garbacas daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujis
(Gujis-ka)
Markab dagaal oo quusa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujis
m.l (-syo, m.dh) 1. Markab dagaal oo quusa. 2. la-mid: gujeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gujis
m.l (-syo, m.dh) 1. Markab dagaal oo quusa. 2. la-mid: gujayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gujis
-ka: (n) 1. submarine (sabmariin) ~ markab quusa 2. torpedo (tor piidow) ~ hub maraakiibta lagu gano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujis
-ka: (magac, lab, keli) markab badda hoosteeda quusa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiijo
(Hiija-da)
Utun; gashi; aano; godob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiijo
m.dh Nac iyo colaad ku dhalata qof wax la gaarsiiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiijo
f. n. grudge, grievance, resentment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiijo
-da: (magac, dhedig, keli) aano cid laga galay. Hiijo qabe isaga ayaa u hoogi. Dh: utun, gashi, godob, aano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiijo
bw: aano, godob, utun
de: grudge, grievance, resentment
lx: hiijo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: xiqdi
key: hiijo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ifiso
(Ifisa-da)
1. Iftiin ka dhigta; wax aan muuqan muujisa.
2. Wax la qoro ama la akhriyo oo wixii lumay lagu helo; birbiriso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifiso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Wax la qoro ama la akhriyo oo wixii lumay lagu helo, birbiriso. 2. Xabbad iftiin bixisa oo habeenkii cadowga lagu yoolbaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ifiso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Wax la qoro ama la akhriyo oo wixii lumay lagu helo, birbiriso. 2. Xabbad iftiin bixisa oo habeenkii cadowga lagu yoolbaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ifiso
f. n. illumination, light
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifiso
-da: (magac, dhedig, keli) rasaas marka la rido olol bixisa oo iftiinta. Dh: midhcas, tarayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ifiso
de: illumination, light
lx: ifiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ifiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibis
(Iibis-ka)
Iibinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibis
m.l la-mid: iibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibis
vl. n. buying, selling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibis
-ka: (n) the act of selling (seeling) ~ gadid -da, iibin -ta.
soo iibiska: (n) the act of purchasing (peerjaasing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibis
de: buying, selling
lx: iibis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: iibis