gidaar-unug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaar-unug
m.l (baayoloji) Lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gidaar-unug
m.l (baay.) Lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidaar'unug
-ga: (magac, lab, keli) lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakteeriya
m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baayoloji) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakteeriya
m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cell wall
Gidaar unug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudo-unug
m.l.u (baayoloji) Unugga dhexdiisa, tusaale ahaan: waxqabadka insaymada badankoodu waxay ka dhacaan unugyada dhexdooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudo-unug
m.l.u (baay.) Unugga dhexdiisa, tusaale ahaan: waxqabadka insaymada badankoodu waxay ka dhacaan unugyada dhexdooda.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaaxnuug
nickname-m sucker of the milk tank
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaaxnuug
magac loo baxsho wiil hooyadii caruurtu ka noqon jirtay ama aanay sannado badan dhalin. gaaxsan: (tilmaame) neef aan goortii la lisi jiray aan la lisine goor kale oo danbe la liso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qidaaran
(tilmaame) qiyaasan; cabbiran. Alaabta tukaanku way wada gidaaran tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gadoodsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudo'unug
-ga: (magac, lab, keli) unugga dhexdiisa sida waxqabadka insaymada badankoodu uga dhacaan unugyada dhexdooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidaarjiif
-ka: (magac, lab, keli) qof danyar ah oo aanan lahayn guri oo gidaarrada seexda. Dh: derbijiif.