gidaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidaar
(Gidaar-ka)
Derbi, darbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaar
m.l (-rro, m.dh) Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iyo wixi lamida ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gidaar
m.l (-rro, m.dh) Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iyo wixi lamida ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gidaar
m. n. wall
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gidaar
-ka: (n) wall (wool) ~ (derbi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidaar
-ka: (magac, lab, keli) dhisme ka samaysan dhagax ama dhoobo oo sare u taagan lana wareejiyo si uu wax u qariyo ama u kala xidho. Dh: derbi, deyr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gidaar
bw: Arabic
de: wall
lx: gidaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gidaar
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Idaar
Frame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidaar
(Bidaar-ta)
Gelgelin yar oo wareegsan oo timuhu ka dhacaan oo raggu dhalada ku yeesho kolkuu da' gaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidaar
bidaar¹: m.l Nin ay timaha bidaar ka gashay. la-mid: bidaarle, bidaarre.
bidaar²: m.dh Iin madaxa ragga gasha oo timaha hoosha ama wax yar ku reebta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidaar
bidaar¹: m.l Nin ay timaha bidaar ka gashay. la-mid: bidaarle, bidaarre.
bidaar²: m.dh Iin madaxa ragga gasha oo timaha hoosha ama wax yar ku reebta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidaar
f. n. baldness, bald patch, bald head
bidaar m. n. bald person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bidaar
nickname-m bolded. Cf: Hiiraale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bidaar
-ta: (n) bald head; baldness (booldi nes); hairlessness; alopecia (a-la-piisha)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaar
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha oo madaxa ragga qaarkiis ka go'a ama ka daata. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bidaar
أَصْلَع
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fidaar
nickname-m tall and thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fidaar
magac loo baxsho wiil abuur ahaan dhuuban oo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidaad
(Gidaad-ka)
(xoolo, kd.) Gedaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaad
gidaad¹: m.l la-mid: gadood¹.
gidaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: gadood².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gidaad
m. n. anger
gidaad v. be angry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidaad
(fal) uga quuso si necbaani ku jirto. Haddaad maanta goob joogi layd kama gidaadeene.
gidaad -da: (magac, dhedig, keli) haanta caanaha lagu lulaa markay subagga cunto ee ay culayga u baahato.
gidaad -da: (magac, dhedig, keli) guhaadinta cid kale oo ay geydhi ka muuqato.
gidaad-ka: (magac, lab, keli) quusasho si necbaani ku jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gitaar
-ka: (magac, lab, keli) kaman xadhko lagaraaco leh oo miisiga lagu ladho marna keligii miisikadda oo dhan qaabbila. Dh: giitaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kidaar
(Kidaar-ka)
Kimis, muufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kidaar
m.l Nooc kibis ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kidaar
m. n., (mass n.): flat bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kidaar
-ka: (magac, lab, keli) cunto bur iyo hadhuudh la qooshay laga dubo, oo loo sameeyo qaab balbaldhaban oo laxooxda u eg ka se qara weyn. Dh: moofo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kidaar
de: flat bread
lx: kidaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: muufo {N}
key: kidaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midaar
(Midaar-ka)
1. Baaqa dadka dhegaha la' lagula hadlo.
2. Dadka dhegaha la' fartooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midaar
midaar¹: m.l Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la'.
midaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaadhaqaaq baaq ah cid wax ku garan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midaar
m. n. sign language
midaar v. sign, signal, make gestures, converse in sign language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaar
-ka: (magac, lab, keli) qaabka dadka dhegaha la' lagula hadlo.
midaar-ka: (magac, lab, keli) farta dadka dhegaha la' ay wax ku bartaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qidaar
(fal) wax maanka ka qiyaas inta uu le'ekaan karo. Dh: qiyaas, cabbir
qidaar -ka: (magac, lab, keli) weel wax lagu cabiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidaar
-ka: (magac, lab, keli) garyaqaan rug caddaa ah. Dh: garyaqaan.
xidaar -ka: (magac, lab, keli) qof aad u yaqaan xidigiska iyo cilmiga xiddigaha. Dh: xidigiye. Wa: xidaarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Derbi
(Derbi-ga)
Dhis kor u taagan oo qori ama dhagax ama wax kale laga sameeyey oo meel xereeya ama kala gooya ama tiirsha ama dhawraarin u ah; gidaar; deyr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaydaan
(Xaydaan-ka)
Derbi; gidaar; xero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakteeriya
m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baayoloji) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidhib
cidhib¹: m.dh (-dhbo, m.l) la-mid: cirib.
cidhib²: m.l (-byo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxis
dibaaxis¹: m.l la-mid: dubaaxin.
dibaaxis²: m.dh (cilmiga naflayda) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la' ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. la-mid: dubaaxis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaar-unug
m.l (baayoloji) Lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibitiiliyam
m.l (-mo, m.dh) (baayoloji) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaytiin
m.l (-no, m.dh) Walax geeso oo kale ah oo laga helo gidaarada unugyada fangi farabadan; waxaana uu ka koobanyahay boolisakaraydhyo. Waxa uu ka mid yahay walxaha daboola jidhka cayayaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandheer
m.dh (cilmiga naflayda) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. la-mid: maldheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiq
miiq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Liilan dun ah. 2. la-mid: miiqid.
miiq²: m.l (-qyo, m.dh) 1. (cilmiga naflayda) Dhisme kala jaadjaad ah oo duno oo kale ah oo laga helo jidhka xayawaanka, sida miiqyada muruqyada, miiqyada dareenwadka, ama miiqyo kollayiin. 2. (baayoloji) Unug dhireed dheeraaday oo gidaaradiisa ay adkaysay xabag ku dahaadhani.
miiq³: f.g1 (-qay, -qday) 1. Suuf dun ka samayn. 2. Dun iyo wixi lamida caarad dhuuban u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murud
m.l Caano, subag, malab iyo wixi lamida inta ku dhegta gidaarka ama salka weel. la-mid: murug² (2), mudur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodaal buureed
m.l (-dyo, m.dh) Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seluloos
m.l (baayoloji) Bolisakraydh ka kooban halbeegyo gulukows ah, oo ah silsilad dheer oo aan faracyo lahayn. Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin gidaarrada unugga ee dhirta sare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-wadneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakteeriya
m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidhib
m.l (-byo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibaaxis
m.dh (cilmiga naflayda) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la' ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. la-mid: dubaaxis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gidaar-unug
m.l (baay.) Lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibitiiliyam
m.l (-mo, m.dh) (baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaytiin
m.l (-no, m.dh) Walax geeso oo kale ah oo laga helo gidaarada unugyada fangi farabadan; waxaana uu ka koobanyahay boolisakaraydhyo. Waxa uu ka mid yahay walxaha daboola jidhka cayayaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaar
m.dh 1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaar
-ta: (magac, dhedig, keli) haan duug ah.
gaadaar -ta: (magac, dhedig, keli) weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo, lagu shubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giitaar
-ka: (magac, lab, keli) nooc kamanka la tumo ee lagu heeso ka mid ah oo ka kooban loox ama wax kale oo si loo qaabeeyay iyo xadhko lagu taxay oo codad sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godxaar
m. n., [compound] latrine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godxaar
de: latrine
lx: godxaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: godxaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdaar
(Liqdaar-ka)
Si dherer ah meel isu taag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaar
liqdaar¹: m.l Taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn.
liqdaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Si aan dhaqdhaqaaq lahayn u istaagid. la-mid: isliqdaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqdaar
m. n. stability, being erect ~ upright and fixed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqdaar
-ay / tay: (v) stand something vertically.
ku liqdaar -ay / tqy: (v) block or retain in place a piece of a hard substance, such as wood; wedge
ka liqdaaran -ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaar
(fal) «ku si dherer ah, oo aan dhinacna uga dhicin, ku taag.
liqdaar -ka: (magac, lab, keli) si dherer ah meel iyo wixii la mid ah, ugu taagnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqdaar
cf: lig
de: stability, being erect ~ upright and fixed
lx: liqdaar
pd: (-ka)
ps: n-m
key: liqdaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daar
(Daar-ta)
Aqal dhagax laga dhisay; sar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daar
daar¹: m.l 1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.
daar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iyo wixi lamida). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.
dąar: m.dh (-ro, m.l) Guri, shub, dhagax, jaajuur iyo wixi lamida ka samaysan; sar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daar
dąar: m.dh (-ro, m.l) Guri, shub, dhagax, jaajuur iyo wixi lamida ka samaysan; sar.
daar: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iyo wixi lamida). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd. m.f.dh, daarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daar
f. n. stone house ~ building
daar v. light, kindle, ignite
daar v. touch, strike; annoy ~ disturb someone
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daar
nickname; name-m igniter; ignite, instigate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daar
-ay/tay: (v) turn on (teen on)-, switch on. Ex: nalka daar; turn on the light bulb ~ shid. 2. kindle (kin-dhal)-, ignite (ignaayt)
daar -ta: (n) stone house ~ sar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daar
magac loo baxsho wiil u dhashay reer gabdho badan oo hooyadii u aragtay in uu yahay dabdaare ama iftiinshide.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daar
(fal) dab, nal iyo wixii la mid ah oo densan, shid ama noolee. Dabka innoo daar dhaxan baa jirtee. Dh: huri.
daar: (fal) cid kale, farogelin kula kac. Kuma daaree ha i daarin. Dh: gardarrayso.
daar: (fal) koox wax u billow sida ciyaar, legdin ama orod. Xantaysiga noo daar Daahiraw.
daar-ka: (magac, lab, keli) dalool yar oo loo yeelo daboolka dhiilaha caanaha lagu lulo oo qori ama maydhax iyo wixii la mid ah lagu juqaalo. Marka la rabo in la ogaado ciirtu inay cagaartay ama baxday, intii laga qaado juqaalka ayaa caanaha lagu soo dhiijiyaa ama lagu soo daariyaa gacanta si looga fiiriyo inay subag dhashay iyo in kale ciirtu. Daarka juf caauhu yaanay daadanine.
daar -ka: (magac, lab, keli) cad yar oo wareegsan oo weelasha qaarkood sida dhiilaha, dabool looga dhigo oo afkooga la le'egaysiiyo.
daar -ka: (magac, lab, keli) meel halbawle ah oo jidhka ka tirsan. Dh: halbowle.
daar-ka: (magac, lab, keli) maddiil aad u afbadan oo wax lagu jaro. Dh: muus, sakiin, mandiil.
daar -ka: (magac, lab, keli) sal dhinaca dhulka xiga u ballaadhan oo gorfaha dabaqyada iyo wixii la mid ah, xagga danbe lagaga tolo si ay ugu joogsadaan. Marakabka daarka waxa loogu tolay meel ha joogsado e. Dh: sariirta.
daar-ka: (magac, lab, keli) hilib jiidh ah oo sararta inteeda dambe ee adhaxda xigta saaran.
daar-ta: (magac, dhedig, keli) dhisme ka samaysan dhagax. Nin daar ku jiraa daruur ma arkee, illeyn xalay roobkii baa da'ay.
daar-ta: (magac, dhedig, keli) caano ama dareere kale, wax yar oo laga shubo.
daar-ta: (magac, dhedig, keli) sallaanka meesha malabku ku jiro lagu fuulo ama lagu gaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaar
(Gaar-ka)
a) Waxa uu ka dhashay ama uu la magacwadaago, ka baxsan; aan u ekayn; duwane. b) Dhinac, gooni. c) (naxwe; magac guud iyo magac gaar) magac guud = nin, magaalo, bad; magac gaar: Liibaan, Xamar, Afrika. d) Hurguun ka yimaada nabar aan dhiig ka iman, siiba kan qodaxdu muddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaar
gaar¹: m.l 1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iyo wixi lamida. 3. G. ah: khaas ah.4. Dhaawac callirsan.
gaar²: m.l (naxwe) Magac guud iyo magac g.
gaar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel tegid. 2. (f.g) Cid, cid ka horreysa ka daba tegid. 3. (f.g) Jir cananno ku suntid. 4. (f.g) Dhiil, abxad iyo wixi lamida dahaarid. 5. (f.mg) Wax, wax ku filnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąar
m.l 1. Xuub ku dahaaran ilmo dhashay. 2. Dhiil, abxad iyo wixi lamida wax korka looga dahaaro. 3. Urun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaar
gaar¹: m.l 1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iyo wixi lamida. 3. G. ah: khaas ah.4. Dhaawac callirsan.
gaar²: m.l (naxwe) Magac guud iyo magac g.
gaar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel tegid. 2. (f.g) Cid, cid ka horreysa ka daba tegid. 3. (f.g) Jir cananno ku suntid. 4. (f.g) Dhiil, abxad iyo wixi lamida dahaarid. 5. (f.mg) Wax, wax ku filnaansho. m.f.dh, gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaar
v. reach, attain, achieve; overtake, catch up with, arrive
gaar v.aux: nearly do (X), almost did (X)
gaar m. n. (adj.): singularity, specialness, differentness, individuality; special, particular, proper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaar
-ay / tay: (v) 1. reach (riij); achieve (a-jiiv); arrive (arraayv); attain (a teeyn); gain (geeyn) ~ gaadh. 2. touch (taaj). Ex: gacantiisii baa i gaartay; his hand has touched me. 3. (adv) almost but not quite: almost (ool-moost); nearly (niyar-li). Ex: waan garni gaaray; I was almost asleep
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaar
Particolare; speciale
Particular; special
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaar
(tilmaame) wax is ah oo ka soocan inta kale ee la midka ah. Hiddo iyo dhaqan baynu gaar u leennahay. Dh: gooni, khaas, is.
gaar -ka: (magac, lab, keli) dahaadh maas ah; shiraac ama wax kale oo adag oo xagga hoose lagaga tolo masafta ama dabaqa si aanu dhulku u xoqin.
gaar -ka: (magac, lab, keli) laabta kurayga ama jinta foodlayda oo qori yar lagu xoqxoqo oo nabarro yaryar oo is daba taxan loo yeelo ka dibna dhaacaanka dharkaynka la mariyo. Haddaan shaadhka iska saaro waad arki kartaa gaarka laabta igaga yaalla.
gaar -ka: (magac, lab, keli) eeg gaadh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaar
خاص
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaar
-ka: (magac, lab, keli) geed carriseed xoolaha iyo ugaadhu ba daaqaan oo udgoon. Waxa uu u kala baxaa, adaarriyaad iyo adaarbiciid. Adaar badan baa ballayga ka dul baxay. Dh: adaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adaar
de: thornless medicinal plant with fruit resembling coffee beans
lx: adaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: adaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidir
(Gidir-ta)
(neef, naag, kd.) aan caano qumman lahayn; baaqimo; badho; gabno; hooto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidir
m.dh Dheddig aad u naasa yaryar oo aan ilmaheeda caano deeqsiin karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gidir
f. n. woman ~ female animal that gives no milk
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gidir
name-m dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidir
(tilmaame) haweenay dhib ka qabta ilmagaleenka oo aan la filayn inay dhasho.
gidir-ta: (magac, dhedig, keli) gabadha aan hilibka lahayn ee aan naaxin. Li: golweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gidir
cf: baaqimo
de: woman ~ female animal that gives no milk
lx: gidir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: gidir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idaad
(Idaad-da)
Xarig adag oo yaryar oo inta jilib lacaaf leh afka lagaga xiro, badda, kd., lagu tuuro oo kalluunka lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaad
idaad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo.
idaad²: f.mg1 (-day, -dday) Laqanyo dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idaad
f. n. fishing line, tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idaad
-da: (magac, dhedig, keli) dareen uu keeno cunitaanka baruurta idaha iyo wax la mid ah. Dh: laqanyo, ladaadyo.
idaad-da: (magac, dhedig, keli) xadhig dhuuban oo aad u adag oo callaafta lagu xidho marka la kalluumaysanayo. Waan soo kalluumaysan lahaaye, idaaddii baa iga luntay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idaad
de: fishing line, tackle
lx: idaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: idaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idaan
m. n., (mass n.): seasoning, condiment, gravy
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IDAAN
(Idan) May Croton menyhartii Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idaan
bw: Arabic
de: seasoning, condiment, gravy
lx: idaan
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
syn: goosaar ~ koosaar
key: idaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Igaar
(Igaar-ka)
Wiil; kuray; inan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igaar
m.l (igaar, m.dh) Wiil, kuray, inan.