giblid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giblid
-da: (magac, dhedig, keli) rar awr saaran saan ku hagoogid; awr raran saanta dusha kaga dedid. Alaabtu giblid bay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibli
m.l (c.cimi.) Dabayl qallalan oo kulul, kana dhacda dalka Libiya ee Woqooyiga Afrika oo gaarta ilaa Yurub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gibli
Gibli
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gild
/gildh/ (v) dahab ku dheehid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gild
v.tr., (cover with gold) biyo dahab ah mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilid
(Bilid-da)
1. Kor u qaadid.
2. Qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilid
m.f.dh eeg bil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax suusuubbin oo qurxin.
bilid-da: (magac, dhedig, keli) wax bidhid oo kor u qaadid. Bilid buu ku qaaday ooddii loo dhiibay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cibid
-da: (magac, dhedig, keli) meel daloosha, cub ku gufayn. Dh: awdid, cufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilid
(Dilid-da)
1. Fal geeri ama dhimasho keena falid; naf goyn.
2. Dagaal cid wax ku yeelid; farasaarid; garaacid; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilid
m.f.dh eeg dil². la-mid: dilniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dilid
-da: (n) the act of killing or beating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, nafta ka saarid; qudha ka jarid. Dh: dilis.
dilid -da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar, xawdin oo yara xanuunin. Dh: ulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filid
(Filid-da)
Malayn, moodid; u qaadsasho; ku wadid; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filid
m.f.dh eeg fil². la-mid: filitaan (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rajayn. Li: filanwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabid
(Gabid-da)
Wax ama hawl lays faray in la sameeyo, qaban waayid, maaro u waayid, ka soo bixi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabid
m.f.dh eeg gab. la-mid: gabniin, gebid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gabid
Fatigue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaban lahaa, karti u waayid; ku fillaan waayid oo tamar beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galid
-da: (magac, dhedig, keli) meel gudaha u gaadhid.
galid -da: (magac, dhedig, keli) dugsi ama meel wax lag abarto, ku biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebid
m.dh la-mid: gabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelid
(Gelid-da)
Wax dhexdi ama gudihi gaarid, tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelid
m.f.dh eeg gal³. la-mid: galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelid
vl. n. entry, entrance, act of entering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelid
-da: (n) the act of entering ~ gelis-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelid
-da: (magac, dhedig, keli) gudaha gelid oo dhexda tegid. Gelidda xeryaha ciidanku amar la'aan waa halis. Li: bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelid
de: entry, entrance, act of entering
lx: gelid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: gelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibil
1. (Gibil-ka) a) Oogada nafleyda dubkeeda; jirka dadka. b) Wixii ballaaran oo wax isku gudba oo qarsha; hir. c) Culays oogadu iska dareento; habbiso.
2. (Gibi-sha) Marka awrka rarka la wada saaro, sarta lagu dedo; lammo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibil
gibil¹: m.l Haragga ama maqaarka sare ee dadka iyo xoolaha.
gibil²: m.l (jooloji) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoomo.
gibil³: m.dh (-llo, m.dh) Saan korka laga saaro awrka marka rarka loo dhammeeyo; lammo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gibil
gibil¹: m.l Haragga ama maqaarka sare ee dadka iyo xoolaha.
gibil²: m.l (jool.) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoomo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibil
m. n., [collective] skin, complexion
gibil [feminine] n. mat covering a loaded camel's back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibil
(fal) gibisha ku hagoog; rarka awrka saaran saanta dusha kaga ded. Dh: lammo.
gibil-ka: (magac, lab, keli) dubka sare ee dadka. Raggaa lagu gataatacahayee gibil madoobaadey.
gibil-ka: (magac, lab, keli) halbeeg cadaadis oo leh lakabyo haweed isdul saaran oo ku gadaaman meel oo ka kooban celcelis 78% naytarojiin 21% ogsajiin, 1% argon iyo xaddi aad u yar oo kaarboon-laba'ogsajiinle, niyon, hiilyam, kareybton iyo sanon.
gibil-sha: (magac, dhedig, keli) saan geel oo aqalka dhinaca lagaga xidho marka awrka la rarana dusha rarka oo dhan lagaga hagoogo. Dh: dedmo, lammo, hagoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibin
(Gibin-ka, Gibin-ta)
1. Wax tiro yar; xig; xoogaa.
2. Wax fil yar; aan da' weyneyn.
3. Aan buurreyn; lixaad yar; (ama gaban).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibin
gibin¹: m.l la-mid: gaban¹.
gibin²: m.dh la-mid: gaban².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibin
m. n. small thing ~ amount; child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gibin
-ta / ka: (n) not fully grown, very young, usually a small child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibin
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo aan badneyn ama da' yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gibin
de: small thing ~ amount; child
lx: gibin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m, n3-f
see: gaban
key: gibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibir
m.l Cashuur dadka laga qaado sannadkiiba mar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gibir
m.l Cashuur dadka laga qaado sannadkiiba mar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibir
-ka: (magac, lab, keli) lacag ay dawladdu dadka uga qaaddo canshuur ahaan. Intaan gibir bixin miyaan geelayaga raacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubid
(Gubid-da)
Dab saarid oo wax ku yeelid; wax gubtey ka dhigid; dab ku dhejin, qabadsiin; dab ku shidid; (cunno) bisayl dhaafin; kulayl badan dareensiin, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubid
m.f.dh eeg gub². la-mid: gubis, gubniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubid
vl. n. arson, burning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubid
-da: (n) the act of burning ~ gubis-ta, gubniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubid
-da: (magac, dhedig, keli) kulayl badan meel gaadhsiin. Cudurrada badhkood gubiddaa u daawo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubid
de: arson, burning
lx: gubid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: gubid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gubid
حرق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilid
(Hilid-da)
Alaabo, kd., dusha iska saarsaarid; taallayn; meel tuumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilid
m.f.dh eeg hil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilid
-da: (magac, dhedig, keli) xaabo iyo wax la mid ah, rasayn oo si habaysan isku duldhigid. Dh: taallayn, nidaamin.
hilid -da: (magac, dhedig, keli) wax af bannaan afka ka aabudhid oo ka awdid. Dh: hilis, daboolid, daboolis, aabudhis, aabbudhid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Iblis
le Diable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilid
(Iilid-da)
Barbar u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilid
m.f.dh eeg iil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilid
(Jilid-da)
1. Qof aan ciddiisii la joogin oo badanaa waxbarana haya (arday, xer), hayn, cunno siin; qof cid ku taxan, ka yeelid.
2. Canjilid; dhaajin.
3. Kaltirin; miilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilid
m.f.dh eeg jil². la-mid: jil¹ (5).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilid
m. n. binding, cover, wrapper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilid
-da: (magac, dhedig, keli) xerow ama arday waxbarta dhuuni siin.
jilid-da: (magac, dhedig, keli) marka la matalayo wax aan run ahayn sida filin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilid
de: binding, cover, wrapper
lx: jilid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: jildi
key: jilid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milid
m.f.dh eeg mil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milid
-da: (magac, dhedig, keli) wax milmay ka dhigid; adke hoore u beddelid. Dh: milis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilid
(Xilid-da)
Xil saarid, xiloodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilid
m.f.dh eeg xil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilid
-da: (magac, dhedig, keli) xil guur ama xil masuuliydeed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yibid
(Yibid-da)
Yib cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yibid
m.f.dh eeg yib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibid
-da: (magac, dhedig, keli) bub ama yib ciyaarid. Nin yibidda ku xariif ah ayaa tartankeeda ka qayb gala. Dh: bubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlid
m.f.dh eeg biqil². la-mid: biqil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlid
-da: (magac, dhedig, keli) soo bixidda abuurka ama shinnida marka dhulka rayska leh lagu aaso ama lagu saydho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diblad
m.dh la-mid: dublo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilid
m.f.dh eeg diil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiilid
-da: (magac, dhedig, keli) geed soo bixid; soo bilqid. Dh: fiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabcid
m.f.dh eeg gabac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabrid
(Gabrid-da)
Wax qof jid u lahaa, wada siin la'aan, wax ka dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabrid
m.f.dh eeg gąbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabrid
vl. n. part-payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabrid
-da: (magac, dhedig, keli) qof waxa uu xaq u lahaa, wax ka dhimid ama wax siinla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabrid
de: part-payment rw: gabar
lx: gabrid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: gabrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabxid
m.f.dh eeg gabax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabyid
(Gabyid-da)
Gabay tirin; maansood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabyid
m.f.dh eeg gabay².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabyid
-da: (magac, dhedig, keli) gabay samayn; hal'abuurid maanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giigid
(Giigid-da)
1. Ka joogsasho; iska qabasho; iska buusid; ka jigasho.
2. Aad u dhergid; ka dibbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giigid
m.f.dh eeg giig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giigid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka giigid; ka hadhid kolkii la kari waayay dabadeed; ka caagid; ka maagid; ka joogsasho baqdini ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giirid
(Giirid-da)
Giir u yeelid; wax giir leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirid
m.f.dh eeg giir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirid
-da: (magac, dhedig, keli) giir u yeelid; wax giir leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giisid
(Giisid-da)
Giis tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giisid
m.f.dh eeg giis². la-mid: giis¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giisid
-da: (magac, dhedig, keli) giis tiring; heesid; guluulucid.