geyrasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyrasho
(Geyrasha-da)
Carasho; guhaadood; gedoodid; dharsid; dhirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyrasho
m.f.dh eeg geyro. la-mid: geyrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyrasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciil dartii wax u burburin. Dh: carasho, dhirfid, gayrasho, guhaadid, gedoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayrasho
-da: (magac, dhedig, keli) si aad ah u gadoodid ama u diririd. Dh: gaydhasho, dhirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geysasho
m.f.dh eeg geyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedaadid
(Gedaadid-da)
Carasho; dhirfid; dharsid; wax diidid; geyrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyrad
(Geyrad-ka)
Carasho; geyrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyrad
m.l la-mid: geyrasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyr
-ka: (magac, lab, keli) dareen cadho oo wax laga xumaado. Dh: dhirif, geyrasho, geyrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyrad
-ka: (magac, lab, keli) ciil dartii wax u baabi'in. Dh: carasho, geyrasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyro
de: get angry, become enraged, rage on
lx: geyro
nt: geyrad (ka) [vn-m], geyrasho (/da) [vn-f]
pd: (geyrtay)
ps: v3b=
key: geyro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyrsasho
m.f.dh eeg cayrso. la-mid: ceyrsad, ceyrsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eerasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg eerad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garasho
(Garasha-da)
Kartida wax lagu kala aqoonsado oo wax lagu maleeyo; aqoon; kasmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garasho
m.f.dh eeg garo². la-mid: garad, garowsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garasho
vl. n. understanding, wisdom; recognition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garasho
-garashada: (n) understanding (andharstaandhing); comprehension (komprahensheri); judgment (jaaj ment) ~ fahan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garasho
Conoscenza
Knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garasho
-da: (magac, dhedig, keli) xiska wax lagu fahmo. Awowgay weli garashadu kama lumin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garasho
de: understanding, wisdom; recognition
lx: garasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garasho
فَهُم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geerash
-ka: (magac, lab, keli) goobta baabuurta iyo matoorada lagu sameeyo ama lagu hagaajiyo. Saakaan geerash geeyey baabuurkaygii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
genasho
m.dh la-mid: ganasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurasho
(Gurasha-da)
1. In la qaato ama la lahaado wax u gurid.
2. (kala gurasho) cayaar ama wax kale, kala badinwaa; barbarradhac; is le'ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurasho
m.f.dh eeg guro². la-mid: gurad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurasho
vl. n. collecting ~ gathering for oneself; picking, plucking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurasho
-gurashada: (n) collecting (kolekting); reaping (riiping)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku daadsan, urursasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurasho
de: collecting ~ gathering for oneself; picking, plucking
lx: gurasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gurasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerasho
(Beerasha-da)
Beer ka dhigasho; abuurasho, tallaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerasho
m.f.dh eeg beero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerasho
vl. n. farming, planting (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerasho
-beerashada: (n) farming, cultivating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, beer ka dhigasho. Beerashaa loo banbaxay oo bannaanka loo hurdaa. Dh: abuurasho, beerfalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerasho
de: farming, planting (for oneself)
lx: beerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: beerasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deymasho
-deymashada: (n) borrowing (baaroowing); something borrowed; repayable loan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deysasho
m.f.dh eeg deyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deysasho
-da: (magac, dhedig, keli) in la tiro uga bi'id. Deysashada timuhu hablaha waa u sharaf raggana waa u foolxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerasho
(Feerasha-da)
(time, kd.) Firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerasho
m.f.dh eeg feero. la-mid: feerad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feerasho
vl. n. act of combing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feerasho
-feerashada: (n) the act of combing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iyo wax la mid ah, shanlayn. Dh: feedhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feerasho
a: firasho
de: act of combing
lx: feerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: feerasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feydasho
(Feydasha-da)
Is qaawin; muujin; xeydasho; rogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feydasho
m.f.dh eeg feydo². la-mid: feydad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabrasho
(Gabrasha-da)
(xoolo) meel wadajir u farfariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabrasho
m.f.dh eeg gabro. la-mid: gabaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabrasho
vl. n. act of lying down in a group (animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabrasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wixii la mid ah, meel wada fadhiisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabrasho
de: act of lying down in a group (animals)
lx: gabrasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gabrasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedmasho
(Gedmasha-da)
Tiro ama wax kaloo la tirina hayey, gefid, isku darmid, meeshi la joogey illaawid; qaldamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmasho
m.f.dh eeg gedmo. la-mid: gedmed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedmasho
-da: (magac, dhedig, keli) jidkii aad u jeedday ka lumid ama tiro gefid. Dh: gadmasho, gedmid, hallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefsasho
m.f.dh eeg gefso. la-mid: gefsad, gefsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gensasho
(Gensasha-da)
Dareensasho; qoonsasho; kahasho (ama gansasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gensasho
m.f.dh eeg genso. la-mid: gansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gensasho
-da: (magac, dhedig, keli) qoonsashada wax diidista. Dh: kahasho, dareensasho, gansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layrasho
(Layrasha-da)
Dhabashada layrta; babbasho; ruxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrasho
m.f.dh eeg layro. la-mid: layrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layrasho
-da: (magac, dhedig, keli) laydha ku qabowsasho. Dh: neecawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayrasho
(Mayrasha-da)
1. Dhar ama wax kaloo la mid ah oo uskag leh, biyo ku qasaalasho.
2. Biyo isku rogid; qubeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayrasho
m.f.dh eeg mayro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayrasho
vl. n. washing, bathing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mayrasho
-mayrashada: (n) the act of washing, showering or bathing ~ mayridh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayrasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar, jidh ama meel dhaqasho oo fadufsasho, Mayrashada naftaa ku raaxaysata.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayrasho
de: washing, bathing
lx: mayrasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: mayrasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerasho
m.f.dh eeg seero. la-mid: seeraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerasho
-da: (magac, dhedig, keli) seer samaysasho; meegaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerasho
m.f.dh eeg weero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerasho
-da: (magac, dhedig, keli) weer madaxa ku qaadasho; astaan geeriyeed xidhasho. Naag ninkeedii dhintay weerasho waa loo oggol yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeydasho
(Xeydasha-da)
(gunti, kd.) kor u qaadasho; xanjeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydasho
m.f.dh eeg xeydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada gaabsasho. Dh: xeydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeerasho
m.f.dh eeg yeero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeerasho
-da: (magac, dhedig, keli) au cid wacasho, cid u qaylsasho. Dab demiska wuxu ku yimaad yeerasho. Dh: yeedhasho,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agmeerasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan ka fogayn, kolba dhinac kaga imaatin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysasho
m.f.dh eeg cageyso. la-mid: cageysad, cageysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeysasho
m.f.dh eeg ergeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof ergey ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gersurasho
m.dh eeg halqaad (2): Shax la degay si loo ciyaaro hog u banneyn. la-mid: gersurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeysasho
m.f.dh eeg gujeyso. la-mid: gujeysad, gujeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumeysasho
(Gumeysasha-da)
1. Gun ka dhigasho.
2. * Addoonsasho; beelaysasho; isticmaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumeysasho
m.f.dh eeg gumeyso. la-mid: gumeysad, gumeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeysasho
(Hogeysasha-da)
Hilib ama cunno kale, hog ku dubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogeysasho
m.f.dh eeg hogeyso. la-mid: hogey-sad, hogeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeysasho
m.f.dh eeg jugeyso. la-mid: jugeysad, jugeysi, jukeysad, jukeysasho, jukeysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayrsasho
-cayrsashada: (n) the act or an instance of chasing or pursuing ~ eryasho, bursasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsasho
m.f.dh eeg dayrso. la-mid: dayrsad, dayrsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynsasho
m.f.dh eeg deynso. la-mid: deynsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deynsasho
vl. n. borrowing for oneself, act of contracting a debt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg deynsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deynsasho
a: deynsad (ka) [vn2-m]
de: borrowing for oneself, act of contracting a debt
lx: deynsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: deynsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guursasho
(Guursasha-da)
Qof kale guur isugu xirid; qof wax qaba ama la qabo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursasho
m.f.dh guurso. la-mid: guursad, guursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursasho
-da: (magac, dhedig, keli) guri iyo xaas yeelasho; reer yeelasho. Gaabsi guursashaa ka macaan. Dh: guursi, xaasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ileysasho
m.f.dh eeg ileyso. la-mid: ilaysad, ileysi.