geyoodsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyoodsiin
(Geyoodsiin-ta)
Heer ama si gaarsiin, ahaysiin; badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyoodsiin
m.dh la-mid: geyeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyoodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si aanay rabin geyeysiin oo badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyoodsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: geyeysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyoodsii
v.caus: make someone face the result ~ take the consequences; constrain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyoodsii
(fal) cid kale, heer ama si aanay rabin gaadhsii. Dh: gayoodsii, gayaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyoodsii
bw: gayoodsii
cf: gaarsii
de: make s.o. face the result ~ take the consequences; constrain
lx: geyoodsii
pd: (geyoodsiiyey)
ps: v2a=caus
key: geyoodsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gayoodsiin
(Gayoodsiin-ta)
Geyoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayoodsiin
m.dh la-mid: geyoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayoodsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: geyoodsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gayoodsii
v.caus: make someone face the consequences
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gayoodsii
a: geyoodsii
de: make s.o. face the consequences
lx: gayoodsii
pd: (gayoodsiiyey)
ps: v2a=caus
key: gayoodsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiin
m.dh la-mid: bootin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac iska hor keenid dhexdhexaadin la isku dhageysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsiin
m.f.dh eeg moodsii. la-mid: moodsiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moodsiin
m.f.dh eeg moodsii. la-mid: moodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid sida saxda ah si aan ahayn inuu moodo sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodsiin
m.f.dh eeg awoodsii. la-mid: awoodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax karsiin. Awoodsiintaada ayay ku xidhan tahay dhiirranaanta ilmahaagu. Dh: karsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedoodsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gadoodsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyeysiin
(Geyeysiin-ta)
Badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyeysiin
m.f.dh eeg geyeysii. la-mid: gayeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aanu jeclayn, badid. Dh: gayeysiin, malkiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geygeysiin
m.f.dh eeg geyeysii. la-mid: gayeysiin, geyoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismoodsiin
m.f.dh eeg ismoodsii. la-mid: is- moodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismoodsiin
(magac, dhedig, keli) si u malayn ah isu tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biskoodsiin
m.dh eeg biskoodsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsiin
m.f.dh eeg guddoonsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xishoodsiin
m.f.dh eeg xishoodsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xishoodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka xishoodsiin. Gabadha xishoodsiinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: booti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodsii
(fal) labo dhinac talo dhex dhig si uut midba fikirkiisa uga dhiibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedsiin
(Eedsiin-ta)
Xumaan la falay, in le'eg ku gudid; kaggoyn; ka jeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedsiin
m.f.dh eeg eedsii. la-mid: eedsiis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedsiin
-ta: (n) penalty (penalti); punishment ciqaabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaan la falay in le'eg ku gudid; xumaan horay loo galay, ciddii lahayd ka jarid. Eedsiinta saamaxaadda ayaa ka wanaagsan. Dh: aargoosi, eedsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebsiin
m.f.dh eeg gebsii.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godniin
-ka: (n) the act of curving, bending or forming an arc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooddin
m.dh la-mid: gooddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooddin
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabid oo cid kale ka cabsiin. Dh: gooddis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax meel dhaafsiin ama gudbisiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moodsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax meel dhaafsiin ama gudbisiin. m.f.dh, moodsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsii
(fal) cid sida saxda ah si aan ahayn inuu moodo sabab u noqo. In berri uu shaqaynayo moodsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Seydiin
name: Seidean
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Seydiin
de: Seidean
initial: s
lx: Seydiin
ps: name-m
key: Seydiin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydiin
-ta: (n) question (kuwe-shiri); query (kuweeri); questionnaire (kuwe-shin-neer); the act of asking ~ weyddiin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Weydiin
Richiesta
Request
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydiin
-ta: (magac, dhedig, keli) su'aal. Imtixaankii weydiin adag ayaa ku jirtay.
weydiin -ta: (magac, dhedig, keli) su'aalid. Weydiin xumi jawaab ma leh. Dh: su'aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysiin
m.dh la-mid: waasiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax ay rabtay seejin. Weysiinta imtixaanku waa qalad weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid karti ay wax ku qabato u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awoodsii
v.caus: give someone power ~ ability to do something; authorize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodsii
(fal) karsii; karti u yeel. Awoodsii ilmaha in uu daaradda ku ciyaari karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awoodsii
de: give s.o. power ~ ability to do s.t.; authorize
lx: awoodsii
pd: (awoodsiiyey)
ps: v2a=caus
key: awoodsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayodhiin
m.l (daawo) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayodhiin
m.l (daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobsiin
m.f.dh eeg boobsii. la-mid: boobsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiis
m.l la-mid: bootin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydniin
-ka: (magac, lab, keli) feyditaanka wax qarsoonaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedoodid
m.dh la-mid: gadoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid dhibaato badid. la-mid: gayeysii, geyoodsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyeysii
v.caus: compel, force someone (to do something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geyeysii
-yey / say: (v) result (ri salt); follow (faloo) as a consequence. Ex: nolashoodii xisaab la'aanta ahayd waxay geyeysiisay fakhrinimo; their profligate [wasteful] lifestyle resulted in bankruptcy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyeysii
(fal) wax daran bad... Oo lagu gayeysiin wixii halacba loo gaystey. Dh: bad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyeysii
bw: geyeysiin (ta) [vn-f]
de: compel, force s.o. (to do s.t.)
lx: geyeysii
pd: (geyeysiiyey)
ps: v2a=caus
syn: bad
key: geyeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyoobid
m.f.dh eeg geyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid oo maskaxguurid. Ha geyoobin weligaa, garaadkaagu yuu lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsiin
(Hoobsiin-ta)
Si hoobsi ah, qof caano u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsiin
m.f.dh eeg hoobsii. la-mid: hoobsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) si hoobsi ah, qof caano u siin.
hoobsiin-ta: (magac, dhedig, keli) dhinaca u hooseeya marin. Dharka uskagga ah hoobsiinta ka daa oo sarraysii. Li: sarraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedsiin
m.f.dh eeg jeedsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koodhiin
m.dh (-nno, m.dh) (daawo) Dawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koodhiin
m.dh (-nno, m.dh) (daaw.) Dawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koodhiin
-ta: (magac, dhedig, keli) daawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meyoosis
m.l (baayoloji) Nooc ka mid ah qaybsanka unugga, kaas oo soo saara afar unug taran, mid kastaana uu wato tirada koromosoomyada unugga waalidka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meyoosis
m.l (baay.) Nooc ka mid ah qaybsanka unugga, kaas oo soo saara afar unug taran, mid kastaana uu wato tirada koromosoomyada unugga waalidka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meyoosis
-ka: (magac, lab, keli) nooc qaybsanka unugga ka mid ah, kaas oo soo saara afar unug taran, mid kastaana uu wato tirade koromosoomyada unugga waalidka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg moodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsiis
m.l la-mid: moodsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg moodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogeysiin
(Ogeysiin-ta)
Ku og ama war haya ka dhigid; war gaarsiin; dareensiin; u warramid; u sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogeysiin
m.f.dh eeg ogeysii. la-mid: ogeysiis (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogeysiin
-ta: (n) notification (noo 'ti fikeeyshin); notifying (noo 'tifaaying); notice (now'tis); announcing (a nawns ing); informing (in-foorming) ~ ogaysiin, wargelin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ogeysiin
Avvisare
To give notice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xog ka wargelin. Dh: ogaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orodsiin
(Orodsiin-ta)
Orod ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orodsiin
m.f.dh eeg orodsii. la-mid: ordisiin, ordisiis, orodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si xoog ah u caymadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka ordisiin. Dh: roorsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyddiin
(Weyddiin-ta)
Qof hadal u jeedin si jawaab looga helo; su'aalid; warin; warsad; haybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyddiin
m.f.dh eeg weyddii. la-mid: weyddis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyddiin
vl. n. inquiry, asking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyddiin
-ta: (n) question (kuwe-shin); query (kuweeri); questionnaire (kuwe-shin-neer); the act of asking ~ weydiin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyddiin
de: inquiry, asking
initial: w
lx: weyddiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: weyddiin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weyddiin
سُؤَال، اسْتِفْهام
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydniin
-ka: (magac, lab, keli) cid kale xaydid marada u gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayodhiin
m.l (kiimika) Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayodhiin
m.l (kiim.) Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka 7aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayodhiin
-ka: (magac, lab, keli) curiye adke ah oo uu midabkiisu yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsiin
m.f.dh eeg aqoonsii.