geydhe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geydhe
m.l 1. Nooc aqab ka mid ah. 2. Qurac iyo maraa mirohooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geydhe
-ha: (magac, lab, keli) midhaha uu bixiyo geedka maraaga ah oo dhuudhuuban dhexdana ka xidhxidhan sida dhaameelka ay aad u jecel xoolahu siiba riyaha. Waxa kale oo looga faa'ideystaa aslidda qaridda iyo wixii la mid ah. Dh: gaydhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geydh
-a: (magac, dhedig, keli) oohin, cadhaburbur iyo ciil ah oo uu qofku ciddii lahayd maahee, qof kale kula dhaco. Dh: gaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydhe
-ha: (magac, lab, keli) qabow badan oo jidhku dareemo oo wax la huwado ama la dugsado.
gaydhe -ha: (magac, lab, keli) midhaha geedka maraaga; himbiliisha geedka maraaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geydho
(fal) oohin ciil iyo cadhaburbur ah oo uu qofku ciddii lahayd maahee, qof kale kula dhaco samee. Dh: gaydho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinbil
(Dhinbi-sha)
1. Dhuxul yar oo nool.
2. Abqo; dhaameel; geydhe; mergiyaale; (ama dhinbiil).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqo
-da: (magacwadareed) midho kiish yar ku dhex taxan oo ka baxa dhirta qaarkeed sida qudhaca, maraaga iyo galoolka. Abqada ka baxday geedihii ayaa arladii qarisay. Dh: dhaameel, dheemaal, qabco, geydhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbo
-da: (magac, dhedig, keli) mudho ka baxa dhirta qaarkeed sida qudhaca, maraaga iyo galoolka. Dh: abqo, qabco, dhaameel, dheemaal, geydhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geydhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geydhe gurasho; midho qadhaadh oo wax lagu aslo oo gaydhe la yidhaahdo soo gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mergayaale
-ha: (magac, lab, keli) midhaha geedaha qaarkood sida qudhaca galoolka iyo maraaga oo geydhe laga dhigto. Dh: dhinbil, qabco, gaydhe, dheemaal.
mergayaale-ha: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geedaha ka dhasha ama ka dhexbaxa geedaha kale oon godax lahayn. Sogsogta waxa ka dul bigla mergayaale. Dh: hiddigalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabco
-da: (magac, dhedig, keli) midhaha ka baxa dhirta qaarkeed. Geedka qabco ka soo daadi. Dh: dhaameel, abqo, geydhe.
qabco -da: (magac, dhedig, keli) eeg qabcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwal
-ka: (magac, lab, keli) laydh qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaadda. Walwalku kolkuu maro, adhiga soo carraabiya. Dh: geydhe.
walwal -ka: (magac, lab, keli) walbahaar naftu dareento; wax dhacaya oo laga caloolyoobo. Dh: welwel, werwer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eydh
-a: (magac, lab, keli) gaadiid dadku raaco oo biro iyo qalab kale ka samaysan oo afar shaag leh. Wallee meel caddaan lagu jaraan eydh ka ciyi waayin. Dh: gaadhi, gaari, tamaamuul, baabuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaydh
magac loo baxsho wiil oohin iyo cabaad badnaa kolkii uu yaraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydh
-a: (magac, dhedig, keli) dhaxan qabow oo roobka ku dhaafay soo celiyo. Dh: geydh.
gaydh -a: (magac, lab, keli) dareen cadho iyo ciil aan wax laga qaban karin ku dheehan yahay oo lala calaacalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gende
-ha: (magac, lab, keli) eeg gande.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyre
(Geyra-ha)
Dabayl qabow oo xagga badda ka timaadda; cooli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyre
m.l 1. Dabeyl qabow oo soo dhacda galabnimada xilliga xagaaga. 2. Neecaw udgoon, muddo yar socota, oo galabnimada wakhtiga kulaylaha ka timaadda xagga badda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyre
m. n. cold wind coming from the sea
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geyre
nickname; name-m cold wind coming from the sea. Lit: he who was born while such wind is blowing; nickname: anger, rage. Lit: temperamental man. Syn: Geyro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geyre
-geyraha: (n) cold breeze or wind that blows in the night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyre
de: cold wind coming from the sea
lx: geyre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geyre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meydh
-ka: (magac, lab, keli) dareenka calooshu yeelato kolka ay cunto u baahato. Dh: gaajo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawdhe
-ha: (magac, lab, keli) roob wata dhaxan iyo calaydh xoog badan oo wax eryada siiba xoolaha. Gawdhihii xalay buulkii ayuu nagu dumiyey.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geedde
name-m treesome
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Cunto dhir udgoon ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Cunto dhir udgoon ku darid. m.f.dh, geedayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedee
v. plant (an area) with trees, shrubs ~ food crops
geedee v. season (food) with spices
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geedee
-yey / geedeysay: (v) 1. flavor food with spices; season (sii-zen); spice (ispaayz). 2. afforest (afoorest); afforest open land by planting trees or their seeds ~ dhiree
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gendre
gendre, n.m. - sodog; (ninka gabadhaada qaba).
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gundhe
Madax-baanadeed lix-xaglood ah oo aan lahayn samay iyo gacanqabsi toona.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heedhe
Erey qofka lala hadla hayo lagu yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay hee dheh; iga wargur, i maqal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heedhe
fk. la-mid: hee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heedhe
inter. say yes!; right?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heedhe
(falkaabe) qof lala hadlayo lagu yidhaahdo oo ulajeeddadiisu na tahay, 'hee i dheh', 'warka iga gur' 'i dhegeyso'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heedhe
de: say yes!; right? Word used to encourage a person to pay attention to one's speech
lx: heedhe
ps: intj
key: heedhe
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QEYDHO
(Geido) May, S May Sansevieria powellii N. E. Br. Agavaceae.
May Sansevieria robusta N.E.Br. Agavaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhe
-ha: (magac, lab, keli) harrar gaaban oo lagu dhiso aqalka halka u hoosaysa. Dh: dadab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Arrin sahlasho. 2. Wax caato ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydee
v. cause to become thin ~ waste away; make lose a lot of weight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydee
(fal) itaal darraysii; taag darraysii, wax weyd ah ka dhig. Ninkaan taada weynayn waydee tiisa. Dh: waydee, waydey, dhuubnee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydee
cf: caatee
de: cause to become thin ~ waste away; make lose a lot of weight
initial: w
lx: weydee
pd: (weydeeyey)
ps: v2b=tr
key: weydee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhe
-ha: (magac, lab, keli) qof waxyeellada dadka ka damqada oo had iyo jeer gurmadkooda isku mashquuliya. Yeedhe hadduu yeedho dhibbaa jirtee eega. Dh: yeere, yeedheyeedhe.
yeedhe -ha: (magac, lab, keli) qof waxyeellada dadka ka damqada oo had iyo jeer gurmadkooda isku mashquuliya.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEYDHEY
(Deidei) S Albizia anthelmintica Brongn. Mimosaceae.
S Newtonia erlangeri (Harms) Brenan. Mimosaceae.
May, NFD Dalbergia eremicola Polhill. Papilionaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeydheyn
Lubrication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhee
(fal) eeg caydhay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GAHEYDH
(Gaheir) N Blepharispermum fruticosum Klatt. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydhan
(fal) xaamxaamo oo cartan dagaal muuji.
gaydhan -ka: (magac, lab, keli) xaamxaamashada iyo cartanka uu werwerku weheliyo. Gidhligaanka iyo reyfalkaa gaydhan dirireed leh. Dh: geydhan.
gaydhan -ka: (magac, lab, keli) kulayl nafta gala marka wax lakala boobaayo. Dh: gadhasho, gasangas, xamaasad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedbey
-ga: (magac, lab, keli) jaad geedaha la isku daweeyo ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: geeddiggeli.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
geindre
geindre, v. - taahid; jibaadid; talalid
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geyfane
nickname-m the state of being ready for action. Lit: he who is always alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geyfane
magac loo baxsho wiil hawlkar ah oo heellan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (xisaab) Xarriiq toosan oo la xiriirta toobineed. Fogaanta xarriiqdani ay u jirto bar kasta oo ku taalla toobineed oo loo qaybiyey fogaanta ay barmaguuraan ah u jirto bar taasi waa saami madoorsoome ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (xisaab) Xarriiq toosan oo la xiriirta toobineed. Fogaanta xarriiqdani ay u jirto bar kasta oo ku taalla toobineed oo loo qaybiyey fogaanta ay barmaguuraan ah u jirto bar taasi waa saami madoorsoome ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhee
(fal) eeg weedhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydhee
(fal) xaydh mari. Dh: xaydhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedhee
(fal) xeedho casuumad ah cid u samee. Qaraddaa imanayee u xeedhee. Dh: xeedhay, daraaree, casuun.
xeedhee: (fal) xeedho diiqa ah oo aroos loo diiqayo samee. Inantu intaanay afartan bixin u xeedhee. Dh: diiq, xeedhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedxidhe
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid masuul ka ah ee wixii uu dhib geysto loo raaco. Dh: xidhe, geedxire, weli, aabbo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gendershe
nickname-m he who brings people together or unites. Cf: Shiriye