gerger
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gerger
(Gerger-ka)
Kaalmo wadajir loo bixina hayo, qaybta qofkiiba ku soo abbaaranta; xoolaggooyo; kaalo; taageero; diiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerger
m.l 1. Xoolo la siiyo qof tol ah oo baahan. 2. Wax sadaqo loo bixiyo; qurbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gerger
m. n. collection to help a person in need
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gerger
-ka: (magac, lab, keli) kaalmo wadajir loo bixiyo inta qof ku soo aadda. Dh: kaalo, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gerger
de: collection to help a person in need
lx: gerger
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gerger
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gérer
gérer, v. - maamulid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
berger
berger, n.m, - Arijir; Qofka ariga raaca.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gerber
gerber, v. - la isku xidho; la isdul dhigo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gercer
gercer, v. - jajabka, qallalka, qolofaysiga bishinta.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
germer
germer, v. - marka geeduhu dhashaan ee ugu horaysa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gorger
gorger, v. - buuxin; ka badin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
merger
/marjar/ (n) isu-tag (isku-darsan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
verger
verger, n.m. - meel ama beer midho la cuno ka baxaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
goberger
goberger, v. - fadhiisi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
égorger
égorger, v. - qalid; gawricid; dhuun daloolin (marka geela la qalayo)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
emerger
emerger, V. - soo bixid (wax meel ku qarsoonaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargeer
m.l/dh la-mid: gargoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargeyr
(Gargeyr-ta)
Waayeello; madax; qaafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargeyr
m.dh.u Duqow; guurti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gargeyr
m.dh.u Duqow; guurti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargeyr
f. n., [collective] elders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargeyr
-ka: (magacwadareed) duqaytida guurtida beesha ah. Dh: waayeello, madax, qaafo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargeyr
de: elders
lx: gargeyr
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: gargeyr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gergaar
gergaar¹: m.l la-mid: gargaar¹.
gergaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: gargaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gergaar
m. n. help, aid, assistance, support
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gergaar
-ka: (n) aid in time of danger or need; relief (riliif); aid (eeydh) ~ gargaar, caawimo, macaawino
u gergaar -ay I tay: (v) give a helping hand; give assistance; aid (eeydh)
Gergaarka deg-degta ah: (expression) emergency aid; the first aid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gergaar
(fal) cid kale taageero u fidi oo kaalmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gergaar
de: help, aid, assistance, support
lx: gergaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gergaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eger
m.dh la-mid: igar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geer
-ka: (magac, lab, keli) caarada weel, jar ama wax kale. Dh: qar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eager
/iiger/ (v) danayn, rabid, xiisayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
eager
a., dhaqso badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) Farriin, war iyo wixi lamida tol, qolo dawlad iyo wixi lamida u qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) Farriin, war iyo wixi lamida tol, qolo dawlad iyo wixi lamida u qaadid. m.f.dh, ergayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergee
v. send an envoy; go as envoy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ergee
-yey ergaysay: (v) authorize and send another person as one's representative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergee
(fal) qof, cid kale, ergo ahaan ugu dir; qof, cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergay, ergi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergee
de: send an envoy; go as envoy
lx: ergee
pd: (ergeeyey)
ps: v2b=
key: ergee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ergey
(Ergey-ga)
Qof farriin ama war ama arrin gaar ah loo dhiibto oo tol, qolo, dad kale u geeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergey
m.l (-go, m.dh) 1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tusaale: “Saalax waa ergeyga Soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergey
m.l (-go, m.dh) 1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tusaale: Saalax waa ergeyga Soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergey
f. n. envoy, representative, delegate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ergey
-ga: (n) envoy (en vooy); delegate (del e gaayt); emissary (emas seri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergey
(fal) qof ergo ahaan cid kale ugu dir; qof cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergee, ergi, ergay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergey
de: envoy, representative, delegate
lx: ergey
pd: (-ga Pl: ergo)
ps: n2-f, n1-f
key: ergey
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
errer
errer, v. - warwareegis (socod) aan ujeeddo lahayn; warwareegga aan u jeeddo lahayn
errer à l'aventure - is biimayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gager
gager, v, - marka wax rahan loo dhigo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garer
garer, v. - soo galid; imaatin; baabuur istaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geber
m.dh la-mid: gabar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gefer
(Gefer-ka)
1. Wax la sii daayey; aan xirnayn (fardo).
2. Ceelka lagu sii daayo (wadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefer
gefer¹: m.l.kh 1. G. ah: u tuuridda xarig loo tuuro ceel dheer. 2. G. ah: fardo aan la ilaalin oo banjoog ah.
gefer²: f.g1 (-fray, -fertay; -fri) Xarig dheer ceel u tuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gefer
v. run loose
gefer vl. n. act of casting a bucket into a well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefer
-ka: (magac, lab, keli) ceel dheer, xadhig u tuurid.
gefer -ka: (magac, lab, keli) fardo aan la ilaalin oo banjoog ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
geler
geler, v. - biyo fadhiisin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gêner
gêner, v. - dhibid; joojin; u diidid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gerbe
gerbe, n.f. - xidhmo (ubax iwm).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gèrme
s.m. - jeermi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
germe
germe, n.m. - bilawga noolasha; jeermi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gorge
Bohol dhagax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gorge
/goorj/ (n) 1. waadi, tog (v) 2. ka-haagid, ka-dhargid. e.g. She gorged herself on desserts at the party.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gorge
gorge, n.m. - hunguri; dhuunta,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
léger
léger, adj. - Dhumuc yar; Dhuuban; fudud.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
merge
/merji/ (v) 1. ku dhex-qarsoomid (ku dhex-dhumid). 2. ku darsamid (isku-tagid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
serge
serge, n.f. - maro suuf (dhogor) ah oo adag
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
verge
/verj/ (n) 1. qarka-u-fuulid (ku sigasho).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
verge
verge, n.f. - gus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weger
weger¹: m.l Geed qorigiisu aad u bixi adagyahay.
weger²: e.d Erey la yiraahdo kolka la arko wax lala yaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weger
e.d Erey la yiraahdo kolka la arko wax lala yaabo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WEGER
(Weger) N Olea europaea L. Oleaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weger
(ereydhawaaq) la yidhaahdo kolka la arko wax lala yaabo. Dh: jaw! naw! joo! kaw!
weger -ka: (magac, lab, keli) geed qorigiisu aad u biixi adag yahay. Dh: ajarse.
weger -ka: (magac, lab, keli) qori gaaban oo madax balan oo geedka ajarsaha laga qoro oo marka ay dumarku umulaan ay qaatan. Ummusha weger sii ilmaha madaxa ha u dhigtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berber
berber¹: m.l la-mid: barbar¹.
berber²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: dardar³.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bercer
bercer, v. - Yiddidiilo gelin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
burger
/bargar/ (n) rooty hilib leh (hamburgar).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cerner
cerner, v. - Hareerayn (Cadaw); Xerayn; Kusoo wareejin; Agagaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derder
derder¹: m.l la-mid: dardarid.
derder²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: dardar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derder
(fal) cid kale, waalli ku rid adiga oo adeegsanaya fal ama farsamo kale.
derder -ka: (magac, lab, keli) waalli aan caadi ahayn oo sidii wax jin taabtay uu qofku dhaqmo.
derder-ka: (magac, lab, keli) u fiirsila'aan iyo is jidhjiidh. Derder la isku laayiyo intaan weerar daba joogno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derged
m.dh Dhisme ka samaysan tiir adag iyo qoryo dusha ciid laga saaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
derged
m.dh Dhisme ka samaysan tiir adag iyo qoryo dusha ciid laga saaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eereer
-ka: (magac, lab, keli) hadba dhinac nafta ula ordid degganaansho la'aan aawadeed; kadeed iyo leelleel la baaxaallidegid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ériger
ériger, v. - taagid; sare joojin; dhisid; xannaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ferged
-ka: (magac, lab, keli) madaxanuun xummad leh.
ferged -da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo geeri. Dh: dhimasho. Li: nolol.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fermer
fermer, v. - xidhid; oodid; albaabid; furayn; gufayn; jufid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ferrer
ferrer, v. - bir galin sida marka faraska qoobka birta loo galiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forger
/forjer/ (n) been-abuur sameeye, foorjari-sameeye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
forger
forger, v. - tumaalid; birtumid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garder
garder, v. - waardiyeyn; dhawrid; xanaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargar
-ka: (magac, lab, keli) kaalmo dhaqasho ama dhaqaale la isku caawiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garter
/garter/ (n) laastiko, sida duluc laastiko ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebgeb
(ereycodeed) tusmeeya sanqadha wax la baadhayo oo aan la garanayn meesha uu yaal oo hadba meel loo cararo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gember
m.l la-mid: gambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gember
m.l la-mid: gambar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gember
-ka: (magac, lab, keli) barjin yar oo gaaban oo lagu fadhiisto. Inta badan, waxa laga sameeyaa saan iyo afar qori oo gaagaaban. Dh: ganbar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gender
/jendhar/ (n) jinsi (jaadka qofku yahay, sida dheddig ama lab).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gender
n., (sort) cayn, -ki, tol, -ki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geriir
vl. n. shaking, quake
geriir m. n. bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geriir
-ay / tay: (v) shake (sheeyk); tremble (trimbel); quake (kuweeyk); shiver (shever) ~ gargariir
geriir -ka: (n) shaking (sheeyking). Ex: dhulgeriir; earthquake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gersur
gersur¹: m.l Ciyaar qof meel sare oo uu gacmaha ku hayo garka la surto.
gersur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ka g.: Qof, meel sare oo uu gacmaha ku hayo garka saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gersur
m.l Ciyaar qof meel sare oo uu gacmaha ku hayo garka la surto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gersur
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar qof meel sare oo uu gacmaha ku hayo gadhka saaro. Dh: gadhsudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gexgex
m.f.sh.r Cod lagu muujiyo qof lagu qoslayo si joogta ah.