gendi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gendi
(Gendi-ga)
Cayayaan diqsiga u eg oo dadka iyo nafleyda kaleba qaniina cudurrona u keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gendi
m.l (cilmiga naflayda) Diqsi weyn oo dhiigga dhuuqa oo laga helo Afrika kana tirsan qaybta “golossina” loo yaqaan “tsé-tsé” oo caarad dheer afka ku leh, maalintii ayuu naaslayda dhiigga ka dhuuqaa, waxayna u gudbiyaan deriskunool keena cudurka hurdada badan. la-mid: gąndi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gendi
m.l (cilmiga naflayda) Diqsi weyn oo dhiigga dhuuqa oo laga helo Afrika kana tirsan qaybta 'golossina' loo yaqaan 'tsé-tsé' oo caarad dheer afka ku leh, maalintii ayuu naaslayda dhiigga ka dhuuqaa, waxayna u gudbiyaan deriskunool keena cudurka hurdada badan. la-mid: gąndi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gendi
m. n., [collective] tse-tse fly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gendi
-ga: (n) two-winged bloodsucking flies found in Africa: tsetse fly, also tzetze fly ~ gandi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gendi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan sida duqsiga u eg oo dad iyo xoolo wixii uu qaniino xannuunya oo dhiba. Dh: dhuug.
gendi-ga: (magac, lab, keli) cudur xoolaha ku dhaca. Gendi iyo dhukaan buu qabaa awrku.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gendi
de: tse-tse fly
lx: gendi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
syn: dhuug, riibi
key: gendi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geni
(Geni-ga)
Lacag dahab ah oo Ingiriisku soo saari jirey, lase joojiyey 1813, oo ka dhignaan jirtey 21 shilin; (ama Gini).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geni
m.l 1. Lacag dahab ah oo Ingiriisku samayn jirey waayadii hore. 2. Lacag waraaq ah oo u dhiganta labaatan shilin. la-mid: gini.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geni
m.l 1. Lacag dahab ah oo Ingiriisku samayn jirey waayadii hore. 2. Lacag waraaq ah oo u dhiganta labaatan shilin. la-mid: gini.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Geni
pr. n., [feminine] Geni, Guinea
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geni
m. n., [collective] guinea; pound (sterling); twenty shillings
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geni
name-f Geni, guinea; pound (Sterling); twenty shillings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geni
-ga: (n) 1. twenty Somali Shilling. 2. British pound
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gandi
(Gandi-ga)
Gendi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąndi
m.l la-mid: gendi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gandi
gąndi: m.l ld. Gendi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gandi
m. n. tse-tse fly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gandi
-ga: (n) two-winged bloodsucking flies found in African; tsetse fly, also tzetze fly ~ gendi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandi
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan duqsiga u eg oo dadka iyo nafleyda kale qaniina cudurana u keena. Dh: gemi.
gandi -ga: (magac, lab, keli) cudur iyo jirro ka dhalata dikhsiga dhiigga nuuga ee xoolaha laaya.
gandi -ga: (magac, lab, keli) reer ama duddo meel wada daggan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gandi
de: tse-tse fly
lx: gandi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: gendi
key: gandi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddi
(Geddi-ga)
(webi, kd.) dhinac, daan, gow, gebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddi
geddi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Webi, tog, iyo wixi lamida labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.
geddi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Is g.: wax laysku ogaa wax ka baddalan muujin. la-mid: gaddi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddi
geddi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Webi, tog, iyo wixi lamida labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.
geddi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Is g.: wax laysku ogaa wax ka baddalan muujin. m.f.dh, geddin. m.f.dh, geddiyid. la-mid: gaddi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddi
v.; v. turn over, overturn, turn upside-down, reverse; spill; transform, alter
geddi m. n. river bank; dry river bed; side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geddi
-yey I say: (v) tip over, upturn (ap teern); overturn (overteern); upset (ap-set), topple (tap-pel) ~ gembi, ganbi, gaddi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddi
(fal) weel iyo wixii la mid ah, rog oo dhanka kale u gembi. Dh: gembi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Genbi
(Genbi-ga)
Dagaal; dirir; geyllan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
genbi
v. turn something upside down, overturn; set at enmity
genbi vl. n. fighting, warfare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
genbi
-yey /say: (v) bring the bottom to the top or vice versa, turn over; invert (inveert) ~ gambi, gaddi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
genbi
(fal) weel godan foorari oo afka dhulka u dhig ama hoos u foorori. Dh: rog, foorari, gambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gende
-ha: (magac, lab, keli) eeg gande.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerdi
m.l la-mid: gardi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuug
(Dhuug-ga)
Cayayaan duula oo qaniinyo kulul oo geela cuna; gendi; riibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gannad
(Gannad-ka)
1. Bahal gendiga u eg oo xoolaha cuna, siiba geela.
2. Raadka jiilaalka ama abaarta ama gannadka cuniddiisu xoolaha ku reebto; jaynaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riibi
(Riibi-ga)
Bahal duula oo xoolaha cuna; dhuug; gendi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debingendi
m.l Kiish yar oo maro shabaq ah ka samaysan, afka garangar yar ku leh oo gendiga lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gannad
gannad¹: m.l 1. Cayayaan u eg gendiga oo xoolaha dhiigga ka nuugta ayadoo geela ku reebta cudurka dhukaanka. 2. Caatoobidda xoolaha siiba geela marka dhukaanka ku dhaco ama abaari hesho; jaynaf. 3. la-mid: gannadid.
gannad²: f.mg1 (-day, -dday) Nafley kacsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gol
m.dh (-lo, m.l) 1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.

riibi
m.l.u Dhuug; gendi.

takar
m.dh.u Gendi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gol
m.dh (-lo, m.l) 1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riibi
m.l.u Dhuug; gendi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
takar
m.dh.u Gendi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debingendi
-ga: (magac, lab, keli) kiish yar oo maro shabaq ah ka samaysan, afka garangar yar ku leh oo gendiga lagu qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuug
(fal) nuug. Dhuug naaska. Dh: jaq.
dhuug-ga: (magac, lab, keli) cayayaan diqsiga waaweyn u eg oo waxa uu qaniino dhiigga ka jaqa. Dh: gendi, riibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gol
-sha: (magac, dhedig, keli) jidhka inta bogga ah ee laabta ilaa dhabta isku xidhan. Ilmaha gosha ku qabo.
gol -sha: (magac, dhedig, keli) dhul dib u ceshan oo ay baddu soo dhexgasho. Goshaa waxaa ku soo caaryey nibiri.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) dix yar oo buur kor u gasha; laagta buur ku taalla.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) daaddegga buuraha.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga.
gol -sha: (magac, dhedig, keli) maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran. Dh: nabas.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) (~ lahaan) dan; ujeeddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riibi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan duula oo xoolaha cuna. Dh: dhuug, dhuu, gendi.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GENDIID
(Gandid) C Commiphora corrugata Gillett & Vollesen. Burseracese.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
agenda
/ajenda/agendas;(n) waxyaabaha looga hadlayo shir ama kulan; waxyaabaha la qabanayo. e.g. What is the next point on the agenda?
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Agenda
Arrin, xaajo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
agenda
agenda, n.m. - Waxyaabaha la gabanaayo; waxyaabaha lagaga wada hadlayo shir ama kulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddin
m.f.dh eeg geddi². la-mid: geddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddin
-ta: (magac, dhedig, keli) rogid oo dhanka kale u gembin. Dh: gembin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddis
(Geddis-ka)
Rogrogad; ganacsi; geddisasho; doorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddis
m.l 1. Rogrogis; ganacsi. 2. la-mid: geddiyid. la-mid: gaddis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddis
m.l 1. Rogrogis; ganacsi. 2. la-mid: gaddis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddis
vl. n. change, exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg geddin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geddis
de: change, exchange
lx: geddis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: geddis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeddi
(Geeddi-ga)
1. Beel ama dad kale oo daban oo wadajir meel inta ka guura meel kale u guura; socodka inta cid meel laga raro meel kale loo raro.
2. Xarig yaryar oo dheer oo rarada iyo kebdaha, kd., lagu sameeyo ama siyaalo kale wax loogu qabsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddi
geeddi¹: m.l 1. Socod meel la degganaa lagaga guuro oo meel ka durugsan laga dego. 2. Dad iyo xoolo guuraya oo aan weli degin. 3. Fogaan gelin socod ah. 4. Xarig dhuuban oo hal mar raro la mariyo. 5. Duub xirig ah, dhuuban oo rarada lagu sameeyo.
geeddi²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Guurin, guurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeddi
m.l 1. Socod meel la degganaa lagaga guuro oo meel ka durugsan laga dego. 2. Dad iyo xoolo guuraya oo aan weli degin. 3. Fogaan gelin socod ah. 4. Xarig dhuuban oo hal mar raro la mariyo. 5. Duub xirig ah, dhuuban oo rarada lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeddi
m. n. traveler; caravan; migration, traveling (on a journey)
geeddi m. n. thin string used for weaving pack-saddles ~ large camel mats, etc.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geeddi
name-m traveler; caravan; migration, traveling (on a journey) Lit: he who was born during a trans-humance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geeddi
-ga: (n) caravan (karavaan); or movement of pack animals, usually by the nomads, from one place to another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geeddi
magac loo baxsho wiil dhashay reerka oo guuraya ama safar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddi
-ga: (magac, lab, keli) muur raran oo raxanku saaran yahay iyo xoolo socda oo meel ka soo guurey. Dh: hayaan, qayaad, guurid.
geeddi -ga: (magac, lab, keli) xadhig ama xarriiq dhuuban oo lagu sameeyo harrarka. Geeddi fiican bay aamina soohday.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
geeddi
انتقال
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geledi
name-m insertion; inserter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
genbin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel godan ama wax kale, afka dhulka u dhigid ama hoos u foororin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
genbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg genbin.
genbis -ka: (magac, lab, keli) guri dhisme ahaan dusha sare ka dadan. Guri genbis ah ayuu dhisatay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gendel
nickname-m tall and curved
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gender
/jendhar/ (n) jinsi (jaadka qofku yahay, sida dheddig ama lab).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gender
n., (sort) cayn, -ki, tol, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gendre
gendre, n.m. - sodog; (ninka gabadhaada qaba).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gènesi
s.f. - sinji, tafiir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gentil
gentil, adj. - qof wanaagsan; edeb leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhi
(Gundhi-ga)
Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo gowl leh, oo kabaha iyo funaanadaha kd. lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhi
gundhi¹: m.l 1. la-mid: gundhis. Bir yar oo caarad dhuuban iyo gawl leh oo kabaha iyo wixi lamida lagu tolo. 2. la-mid: gundhin.
gundhi²: f.g2 (-iyay, -isay) Xarig, madax iyo wixi lamida si tartiib ah oo aan joogto ahayn u nuuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundhi
v. lift, raise, jerk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhi
(fal) degdeg u jiid: shey meel tagaan rix, in yar soo dhufo ama halkiisii ka dhaqaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundhi
de: lift, raise, jerk
lx: gundhi
pd: (gundhiyey)
ps: v2a=
key: gundhi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pendio
s.m. - hoobad, degaandeg.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
end
/endh/ (n) 1. dhammaad (v) 2. dhammayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
end
n., aakhir, -ki, idlaan, -ti; last or breath (death), ugu dambays, -ti; the end of the year, sanadda aakhirkeedi or idlaantii; go to the further end of the street, surinku meeshuu ku go’o tag; he draws towards his end, ugu dambaystiisii buu u dhowyahay; the ultimate end is death, judgment, heaven or hell, kolki ugu dambaysay, or dugta ugu dambaysa waa geeri, iyo xisaab, iyo janno ama cadaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ged
(Ged-da)
Dhalanka iyo baxaalliga qof u gaar ah; alab; baxaalli; dabeecad; falfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ged
m.dh (-do, m.l) 1. Dhaqanka iyo baxaalliga qof leeyahay; dabeecad. 2. G.diisa: caadadiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ged
m.dh (-do, m.l) 1. Dhaqanka iyo baxaalliga qof leeyahay; dabeecad. 2. G.diisa: caadadiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ged
f. n. character, norm, aspect, standard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ged
-da: (n) habitual practice of a person: habit (hab it); custom (kas-tem). Ex: waa geddiisii; it is his habit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ged
-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad shey leeyahay ama lagu yaqaan. Dh: gad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ged
de: character, norm, aspect, standard
lx: ged
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ged
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gen
f.g1 (-nay, -ntay) la-mid: gan³.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bend
qallooc
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bend
/bendh/bends, bending, bent;(v) 1. qalloocin (laabid), leexin 2. hal meel xoogga saarid (meel dadaalkaaga u jeedin). e.g. She could not bend her mind to her studies.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bend
/bend/ (v) 1. dughow. 2. laabow, gothow.
/bend/ (n) wal laabbyng.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bend
v.tr., (make crooked) qallooci, bend a bow, qaanso soo god; bend the body, jidhka foorori; bend the knee, rugga soo laab, or jilibka dhig; bend the stick against the wall, usha derbiga ku tiiri, bend the brow, huruuf; bend your self, bow, v.i., foororso, tiirso; bend on, ku tiirso; bend to drink water, raq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beni
(Beni-ga)
Cariish dhagax iyo dhis qoryo ah oo isku dhafan ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.