gemello
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gemèllo
agg. e s.m. - mataan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geello
name-f camel-owner; lucky; rich. Syn: Geelle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelo
m.dh Fiidkii waqtiga geela la maalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geelo
magac loo baxsho gabadh lagu faanayo oo loo jeedo in ay tahay tu qaalinimadeeda darteed geel laga qaadi doona ciddii u soo guur doonata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh mid kale la jaal ah. Dh: saaxiibad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Geelle
name: Geelee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geelle
m. n. camel-owner
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geelle
name-m camel-owner; lucky; rich. Syn: Geello
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geelle
magac loo baxsho wiil dhashay kol uu reerku geel badan yeeshay ama la filayo in uu lexejeclo yeesho oo uu geel dhaqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heello
(Heella-da)
Heesaha jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heello
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc heesaha jacaylka ah ka mid ah oo waayadii hore la qaadi jirey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heello
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc heesaha jacaylka ah ka mid ah oo waayadii hore la qaadi jirey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heello
f. n. love song, lyric
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heello
-da: (magac, dhedig, kali) magac guud oo kulmiya ciyaaraha Soomalida ee sacabka iyo. jiibinta leh intooda badan. Hannaan quruxeey, haweeya acddeey, Horjoogaagu heelo igu dhali. Dh: ciyaar.
heello-da: (magac, dhedig, keli) heesaha jaad ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heello
cf: hees
de: love song, lyric
lx: heello
pd: (/da)
ps: n6-f
key: heello
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teello
m.dh Abaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teello
-da: (magac, dhedig, keli) tudhaale ama kaga doonid abaal danbe..
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
femelle
femelle, n.f. - iyada; qofka dheddigga.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gamelle
gamelle, n.f. - gaweetada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
semelle
semelle, n.f. - sarta hoose ee kabaha
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cammèllo
s.m. - geel.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cervèllo
s.m. maskax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaameelo
-da: (magac, dhedig, keli) dhogor badan oo geelu kuruska iyo garbaha ku yeesho. Gaameelada waxaa laga toshaa koofiyado. Dh: gas, bulbul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geemaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dhogor weyn oo geelu ku leeyahay garbaha iyo kuruska; raan geela ka baxda garbihiisa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gioièllo
s.m. - suuqad, alaab qaali ah, sida: dheemanka, dahabka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
granèllo
s.m. iniin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pennèllo
s.m. - burush yar oo wax lagu sawiro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sgabello
s.m. - gambar, wambar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gemellaire
gemellaire, adj. - la xidhiidha mataanaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Germ cells
Unugyo jinsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eelo
(Eela-da)
Deero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eelo
m.dh Deero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eelo
f. n. antelope, gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eelo
-eelada: (n) gazelle (gazaal) ~ deero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eelo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg deero.
eelo- da: (magac, dhedig, keli) qaranka kiisa quwaaxa macaan leh oo ay midhaha hadhuudhku ka baxaan. Dh: aalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eelo
de: antelope, gazelle
lx: eelo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: eelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geel
(Geel-a)
Xoolaha la dhaqdo kan ugu weyn; wuxuu lee yahay sur aad u dheer, kurus ama labo kurus, addimo dheerdheer, cagfo balballaaran; waxtarkiisa lama koobi karo; waa la rartaa, waa la fuulaa; waxaa laga helaa caano, hilib, subag, xuuko, harag laga samaysto lammooyin, kabo, abxado, kolayo, xargo; dhogor laga dhigto aqallo, busteyaal, dhar, kebdo, kd.; wax badan buu biyaha ka qadaa. ~ Gaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geel
m.l.u (-lal, m.dh) Xoolaha la dhaqdo midka ugu weyn, wuxuu leeyahay hal ama labo kurus, addimo dhaadheer, cago balballaaran; gaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geel
m.l.u (-lal, m.dh) Xoolaha la dhaqdo midka ugu weyn, wuxuu leeyahay hal ama labo kurus, addimo dhaadheer, cago balballaaran; gaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geel
m. n., [collective] camel, camels; herd of camels
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geel
-a: (n) camel (kaamel) or camels (kaamelis)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Geel
(I) Cammello, generico;
(E) Camel, generic
(S) Geel (S. g.: Gel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geel
-a: (magacwadareed) xoolaha la dhaqdo jinsiga ugu weyn oo kurus iyo qoor dheer leh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
geel
جَمَل بعير
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gèlo
s.m. - qabow badan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bèllo
agg. - quruxsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cello
/jelo/ violoncello; (n) seelo (qalab muusiko oo kabanka u eg oo ul lugu garaaco).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ehelo
m.dh la-mid: ehel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ehelo
f. n. relative, kinsman, family; parent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ehelo
-ehelada: (n) a group of persons sharing common ancestry; family (faami-li) ~ qaraabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ehelo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ehel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ehelo
a: ehel
de: relative, kinsman, family; parent
lx: ehelo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ehelo
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Gallo
(E) Cock;
(S) Diiq (S. c. m.; Dig)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gallo
s.m. - diiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geblo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhaqameed Soomaalidu ciyaarto. U googooyaay geblada, u gooyo gam uga sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedo
m.l.u 1. Bari, xidid, caleen, qolof, dhacaan iyo wixi lamida oo dhir laga soo guray oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Caleen, miro bari iyo wixi lamida oo dhirta qaarkeed laga soo guro oo cuntada lagu daro si dhadhan loogu yeelo. 3. eeg geed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedo
m.l.u 1. Bari, xidid, caleen, qolof, dhacaan iyo wixi lamida oo dhir laga soo guray oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Caleen, miro bari iyo wixi lamida oo dhirta qaarkeed laga soo guro oo cuntada lagu daro si dhadhan loogu yeelo. 3. eeg geed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedo
m. n., pl. grass; herbs; spices
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geedo
-geedaha: (n) [plural of geed -ka] 1. trees (this); plants (palaantis). 2. plants used especially in medicine or as food seasoning; herb (heerb or eerb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeso
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun riyaha kaga dhaca madaxa kolka shilintu ay cunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelo
f.mg3 (-eeshay, -eelatay) Wax ku dhowaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelo
(fal) meel ama wax u dhowow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jemel
-ka: (magac, lab, keli) wan ido sumalkood ah oo goodh ku weynaada. Dh: sumal, jamal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelo
(Leela-da)
1. Qiiqu hadduu meel kore oo gudo ah ku ururo oo noqdo wax qiro leh, oo kolkol waxyaalo wargo la moodo ka soo laallaadaan.
2. Wixii biyuhu sidaas oo kale gebiyada iyo godadka gudohooda ugu sameeyaan: kolkol waxay yeeshan filgimmo dheerdheer oo waaweyn oo xagga dhulka u soo laallaada.
3. Xayaabo biyaha deggan korkooda ka samaysanta.
4. Cunnada la karshey oo qaboobaysa, xayaabo ama xuub dusha ama hoos kaga samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelo
m.dh 1. Xayaabada dusha ka fuusha cuntada la kariyo. 2. Xaafoodka kor fuula biyo in badan meel ku jirey; saaruq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leelo
f. n., [collective] muck; coagulated substance (at bottom of a pot); soot, smut; moss; mold ~ mould, rot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelo
-da: (magac, dhedig, keli) labeen cagaaran oo ku dhalata meel ay biyo ku raageen. Biyaha leelo ayaa qarisay. Dh: saaruq.
leelo-da: (magac, dhedig, keli) cuntada la karshey oo qabowday xayaabo ama xuub dusha ama hoos kaga samaysma.
leelo -da: (magac, dhedig, keli) wixii biyuhu gebiyada iyo godadka gudohooda ku sameeyaan: kolkol waxay yeeshaan filgimmo dhaadhdheer oo waaweyn oo xagga dhulka u soo laadlaada.
leelo -da: (magac, dhedig, keli) qiiqa meel kore oo gudo ah ku urura oo noqda wax qaro leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelo
de: muck; coagulated substance (at bottom of a pot); soot, smut; moss; mold ~ mould, rot
lx: leelo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: leelo
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Smell
Urin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
smell
(v) to perceive the scent of something.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
smell
/smel/ (n) 1. ur (v) 2. urin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
smell
n., ur, -ti, udgoon, -ki; bad smell, ur qudhmuun; v.tr., urso; v.c., ursi; v.i., ur; the meat smells, hilibku waa urayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teelo
m.dh la-mid: teeleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeelo
(Xeela-da)
Xeel; xeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeelo
m.dh la-mid: xeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeelo
f. n. trick, cunning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelo
-da: (magac, dhedig, keli) garoome iyo tab waaya aragnimo iyo hibo Eebbe ku salaysan oo hawlaha la qabanayo lagu farsameeyo oo lagu fududeeyo. Dh: tab, sir, xirrib, xeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeelo
de: trick, cunning
initial: x
lx: xeelo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: xeelad
key: xeelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelo
f.g3 (-eeshay, -eelatay) 1. Hanti ama wax kale lahaan. 2. Ku y.: dayn cid ku lahaan. 3. U y.: wax aad u danayn. 4. Kab iyo wixi lamida suun u samaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yeelo
f.g3 (-eeshay, -eelatay) 1. Hanti ama wax kale lahaan. 2. Ku y.: dayn cid ku lahaan. 3. U y.: wax aad u danayn. 4. Kab iyo wixi lamida suun u samaysasho. m.f.dh, yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yeelo
v. hold, have; acquire; possess, own
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yeelo
-yeeshay / yeelatay: (v) obtain (ob-teeyn); acquire (a-kuwaayer); earn (een); get by effort; possession of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelo
(fal) kab go'an hagaajiso oo dib u tolo. Dani waa seetee kabtaada yeelo. Dh: karo,
yeelo: (fal) wax kuu gaar ah hanti ahaan u lahaw Baabuurkii aad iga ergisatay waan ku siiyee yeelo. Dh: lahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yeelo
de: hold, have; acquire; possess, own
initial: y
lx: yeelo
pd: (yeeshay)
ps: v3b=
key: yeelo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
anèllo
s.m. - faraati, kaatun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedelo
(fal) wax kale ku doorso. Shaiiska bedelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelyo
(Beelya-da)
Haadka waaweyn tu kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelyo
m.dh Haadda waaweyn nooc ka mid ah, dafadana la bah ah, midab madaw leh oo buuraleyda ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beelyo
m.dh Haadda waaweyn nooc ka mid ah, dafadana la bah ah, midab madaw leh oo buuraleyda ku nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelyo
f. n., [collective] large bird of prey species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelyo
-da: (magac, dhedig, keli) haadka waaweyn mid ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelyo
cf: haad
de: large bird of prey sp.
lx: beelyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: beelyo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
duèllo
s.m. - dagaal laba qof isaga hor yimaadaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geeddo
name-f treesome
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Geel-a
chameaux.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geel_1
cf: awr, hal
de: camel, camels; herd of camels
hm: 1
lx: geel
pd: (-a Pl: geelal (ka))
ps: n0-m-col, n4-m
key: geel_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geel_2
de: chameleon (lizard that changes color); [ext.] turncoat, fickle ~ changeable person
hm: 2
lx: geel
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geel_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Lo' subax maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geenyo
(Geenya-da)
Fardaha midda dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geenyo
m.dh (-ooyin, m.l) Faras dheddig.