gellindanbeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellindanbeed
-ka: (magac, lab, keli) habeenka ama maalinta qaybtooda dambe. Dh: gallindanbeed, gellindambe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelindambeed
m.dh 1. Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. la-mid: gelindambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelin-dambeed
m.dh 1. Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. la-mid: gelin-dambe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelindambe
m.l 1. Habeenka oo laba meelood loo dhigo qaybtiisa dambe. 2. Maalinta oo laba meelood loo dhigay qaybteeda dambe. la-mid: gelindambeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandanbeed
-ka: (magac, lab, keli) aagaan yar oo biyo ah oo lagu xidho doonta dabadeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaldanbeed
-ka: (magac, lab, keli) marka roobka kaliishu curanayo, maalinka xoolaha ceelka ugu danbeeya ee ay arooraan xooluhu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawsdanbeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg gawscurad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelin dambe
m. n. afternoon; last half of the night
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelin-dambe
m.l 1. Habeenka oo laba meelood loo dhigo qaybtiisa dambe. 2. Maalinta oo laba meelood loo dhigay qaybteeda dambe. la-mid: gelin-dambeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelin_dambe
de: afternoon; last half of the night
lx: gelin dambe
ps: np-m-time
key: gelin_dambe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowsdanbeed
(Gowsdanbeed-ka)
Gowsaha gowska ugu danbeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowsdanbeed
m. n. wisdom tooth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowsdanbeed
-ka: (magac, lab, keli) gowska ugu danbeeya gawsaha uguna soo danbeeya soo bixidda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowsdanbeed
a: gowsdambeed
de: wisdom tooth
lx: gowsdanbeed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gowsdanbeed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kellibadeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kellibadeed
-da: (magac, dhedig, keli) juqraafi ahaan, gacan badeed oo aan aad u ballaadhnayn oo isku xidha labo badood, oo dhex mara labo dhul oo waaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciribdanbeed
(Ciribdanbeed-ka)
Waxa arrini waa danbe keento ama ku dhammaato; aayatiin; cirib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribdanbeed
m. n., [compound] result; destiny, fate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribdanbeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidhibdanbeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribdanbeed
de: result; destiny, fate
lx: ciribdanbeed
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: ciribdanbeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelli-badeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellindhexaad
-ka: (magac, lab, keli) habeenka badhtankiisa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toobin danbaseed
Cinder cone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
berridanbe
(n) 1. after tomorrow ~ berridambe. 2. another day
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandambeed
m.l/dh (-dyo, m.dh) Dusha xoolaha la rarto dhankeeda dambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelindhexe
m.dh Habeenka oo saddex qaybood loo dhigo qaybtiisa dhexe. la-mid: gelindhexe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelindhexe
m.dh Habeenka oo saddex qaybood loo dhigo qaybtiisa dhexe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaldambeed
m.l (-dyo, m.dh) Inta ugu dambeysa xilliga jiilaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulinduleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tusaale: Injirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulinduleed
-ka: (magac, lab, keli) noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbidhabad
-ka: (magac, lab, keli) degganaansho la'aan. Gelbidhabadka waxa iigu wacan hal ii gaar ah. Li: degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelmidhabad
(Gelmidhabad-ka)
Gelmidhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelmidhabad
m.l la-mid: gelmidhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelmidhabad
-ka: (magac, lab, keli) noole, cayayaanka iska duulduulintiisa iyo ka gilgilashaddiisa. Dh: galmidhabad, gilgilasho.
gelmidhabad -ka: (magac, lab, keli) degganaan la'aan. Dh: galgalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowsdambeed
m.l (-dyo, m.dh) Gowsaha gowska ugu dambeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowsdambeed
m.l (-dyo, m.dh) Gowsaha gowska ugu dambeeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keli badeed
Channel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saandambeed
-ka: (magac, lab, keli) wax saaddambe la xiriira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedbirlabeed
-ka: (magac, lab, keli) agagaarka u dhaw birlabta ee laga dareemo xoogga ka imanaya. Birlabtu waxay soo jiidataa jidhiidha biraha ah ee yaalla badbirlabeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribdambeed
m.l Waxa nasiib u noqda ee qof noloshiisa ku dambeyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribdambeed
m.l Waxa nasiib u noqda ee qof noloshiisa ku dambeyso.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gaalis-ineed
Class interval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedqodaxeed
-ka: (magacwadareed) geedaha inta leh qodaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelindhexaad
m.l la-mid: gelindhexe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellinhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dharaarta ama habeenka qaybtooda hore. Dh: gellinhore. Li: gellindambeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guntindareen
m.dh (-no ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntindareen
-ta: (magac, dhedig, keli) nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareenwade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska dareenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaardanbeed
-da: (magac, dhedig, keli) timaha oo qadaadka danbe ka hugma.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) waxa arrini ku dhamaato. Dh: aayatiin, ciribdambeed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirib danbeed
-ka: (n) effect (i fakt); result (rizalt) consequence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalin dayaxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalin dayaxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalin dayaxeed
Lunar day, tidal day
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mooreyn danbeed
Terminal moraines