gelinsocod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinsocod
m.l Qiyaasta la socdo maalin gelinkeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatinsocod
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaatif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalinsocod
m.l 1. Fogaan dhan in qof socod ku gaari karo hal maalin. 2. Socod dharaarta la sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalinsocod
m. n., [compound] one day travel, distance that can be covered in a day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinsocod
-ka: (magac, lab, keli) in uu qofka lugaynaya een safar wadani uu maalin keliya ku socon karo. Labada magaalo maalinsocod bay isku jiraan.
maalinsocod-ka: (magac, lab, keli) socod dharaarta la sameeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalinsocod
de: one day travel, distance that can be covered in a day Pl: maalmosocod (ka)
lx: maalinsocod
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: maalinsocod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellinsoor
-ka: (magac, lab, keli) caano godol ka badan gaaxna ka yar oo lo'du markay galab is jaqdo laga maalo subaxa danbe. Haduu gaax iyo, gallinsoor qabo, gooha ma ceshade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinhoraad
m.l Habeenka oo saddex qaybood loo dhigay qaybtiisa hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geesood
name-m horned. Lit: he who was born with lumps on his forehead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geesood
magac ama naanays loo baxsho wiil salxo dhaadheer jaaha ku leh. Waxa kale oo loo baxshaa wiil koodad soo baxsan leh ama koodadka timo gaar ah ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsocod
-ka: (magac, lab, keli) shay dushiisa marid.
dulsocod -ka: (magac, lab, keli) waxa lagu kordhiyo deyn la kala amaahdo ee duldhigga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid wax ka dhaadhicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelinsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid wax ka dhaadhicin. m.f.dh, gelinsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelinsii
v.caus: convince, persuade, make someone understand
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelinsii
de: convince, persuade, make s.o. understand
lx: gelinsii
pd: (gelinsiiyey)
ps: v2a=caus
key: gelinsii
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weligood
n. phr., [conjunction] they ... still ~ always / never
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weligood
de: they ... still ~ always / never = weli + kooda
initial: w
lx: weligood
ps: np / conj
key: weligood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinsiin
m.f.dh eeg gelinsii. la-mid: gelinsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinsiis
m.l la-mid: gelinsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasocod
-ka: (magac, lab, keli) habsami iyo hawluhu sida ay u kala horreeyaan u kala wadid.
kalasocod-ka: (magac, lab, keli) is khilaafid oo cadho ku kala tegid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul socod
Heat flow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonisocod
-ka: (magac, lab, keli) qof ama neef raxantiisa raacin oo cidla'joog ah. Li: bushaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurasocod
m.l Socodka habeenkii la socdo; dheelmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellinhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dharaarta ama habeenka qaybtooda hore. Dh: gellinhore. Li: gellindambeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorxunsocod
-ka: (magac, lab, keli) qof guryo yimid xilli dad seexday ama wakhti aan habboonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaansocod
m.l (-dyo, m.dh) 1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bukaansocod
m.l (-dyo, m.dh) 1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaansocod
m. n., [compound] out-patient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukaansocod
-ta: (n) outpatient (awtpeeyshant); patient (peeyshant) ~ jirran -bukaan socod eegto: (n) clinic (kilinik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaansocod
-ka: (magac, lab, keli) qof xanuun qaba oo aan weli u jiifsan, xanuunkaasi wuxu noqon karaa ku la ogyahay iyo ku aan la ogaynba. Dh: bukaanjiif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaansocod
de: out-patient
lx: bukaansocod
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: bukaansocod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaar'usocod
-ka: (magac, lab, keli) keli socoshooo dadka ka fogaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardisocod
-ka: (magac, lab, keli) gaardi u socod; xarrago u socod. Dh: gaardi.