gelinhoraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinhoraad
m.l Habeenka oo saddex qaybood loo dhigay qaybtiisa hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellinhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dharaarta ama habeenka qaybtooda hore. Dh: gellinhore. Li: gellindambeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelindhexaad
m.l la-mid: gelindhexe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellindhexaad
-ka: (magac, lab, keli) habeenka badhtankiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweysinhoraad
m.dh Xilliga u dhexeeya siddeedda fiidnimo ilaa sagaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caweysinhoraad
m.dh Xilliga u dhexeeya siddeedda fiidnimo ilaa sagaalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanhoraad
m.l (-dyo, m.dh) Dusha xoolaha la rarto dhankeeda hore ee garbaha xiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dusha xoolaha la rarto dhankeeda hore ee garbaha xiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halhoraad
-ka: (magac, lab, keli) ninka silsilad maanso ama heeso ugu hor bilaaba ee laga daba qaato. Dh: ibafur, bilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalhoraad
m.l (-dyo, m.dh) Dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelin hore
m. n. morning; first half of the night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelin_hore
de: morning; first half of the night
lx: gelin hore
pd: (-ka)
ps: np-m-time
key: gelin_hore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinsocod
m.l Qiyaasta la socdo maalin gelinkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoonhoraad
m.dh (-dyo, m.dh) Haan biyood weyn oo fanhoraadka awrka la saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoonhoraad
-ka: (magac, lab, keli) labada haamood ee awrka dhaanka ku raran midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gows-horaad
m.l (-dyo, m.dh) Ilka gowska ka hormaraya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gows-horaad
m.l (-dyo, m.dh) Ilka gowska ka hormaraya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gows-horaad
m. n. premolar (tooth in front of a molar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gows-horaad
-ka: (magac, lab, keli) gowsaska noolaha kan tiro ahaan ugu horreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-hoosaad
m.l.u Geedaha intooda aan bixidda dheere yeelan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geed-hoosaad
m.l.u Geedaha intooda aan bixidda dheere yeelan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudinqooraar
-ta: (magac, dhedig, keli) gudin yar oo af dhuuban oo weelasha lagu qoro. Dh: gooshaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LEBI-HEERAAD
(Lebi-herad) C,N Sesbania sesban (L) Merr. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelitaan
m.l 1. Irid laga galo meel. 2. la-mid: gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelitaan
m.l 1. Irid laga galo meel. 2. la-mid: gelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelitaan
-ka: (n) entry (in tari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkiraad
m.dh la-mid: inkirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inkiraad
-da: (n) refusal to admit; denial (dinaayel); negation (negeeyshen) ~ dafiraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkiraad
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad wax ka ogtahay ama aad garanayso ama adiguba fashay, diidid. Dh: dafiraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Belgaraad
pr. n., loc. Belgrade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Belgaraad
de: Belgrade
lx: Belgaraad
ps: n0-loc-f
key: Belgaraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaad
galoofaad¹: m.l Daal iyo dhibaata badan oo lagala kulmo socod dheer.
galoofaad²: f.mg1 (-day, -dday) Daal, dhibaato badan socod dheer kala kulmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofaad
-ka: (magac, lab, keli) daal iyo dhibaato badan oo lagala kulmo socod dheer.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gelinayya
introduire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilibhaad
-ka: (magac, lab, keli) hilib harigga lagula hadho oo dadka kale laga qarinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilqooraad
m.l la-mid: ilqooreed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedsaraad
m.l.u Geedaha intooda dhulka aad uga sara-kacda, oo aan saar ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedsaraad
m.l.u Geedaha intooda dhulka aad uga sara-kacda, oo aan saar ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelxeraad
m.l.u Geel loo xerageeyey meel reerka ka fog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geelxeraad
m. n., [collective] camels that have been taken into pastures far from the encampment for the entire dry season
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geelxeraad
de: camels that have been taken into pastures far from the encampment for the entire dry season
lx: geelxeraad
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: geelxeraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinoolaad
-ka: (magac, lab, keli) muddo nolol ku sii jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arǫorhoraad
m.dh (-ddo, m.dh) la-mid: arǫoryohoraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiid-horaad
m.l Fiidka intiisa hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiid-horaad
m. n. early in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiid-horaad
-ka: (v) early evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiid-horaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiidadaw.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GOBAAD
(Ged-gobad) S Turraea nilotica Hotschy & Peyr. Meliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbidhabad
-ka: (magac, lab, keli) degganaansho la'aan. Gelbidhabadka waxa iigu wacan hal ii gaar ah. Li: degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelmidhabad
(Gelmidhabad-ka)
Gelmidhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelmidhabad
m.l la-mid: gelmidhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelmidhabad
-ka: (magac, lab, keli) noole, cayayaanka iska duulduulintiisa iyo ka gilgilashaddiisa. Dh: galmidhabad, gilgilasho.
gelmidhabad -ka: (magac, lab, keli) degganaan la'aan. Dh: galgalasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guddi hoosaad
-ka: (n) subcommittee (sabkomiti)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
well-informed
/wel-infoormidh/ (adj) wax-badan og (macluumaad badan og).