geliimid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geliimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax dhex gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelliimid
(Gelliimid-da)
Cid u ergeyn si heshiis loo helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelliimid
m.f.dh eeg gelliin². la-mid: galliimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelliimid
f. n. apology; peace-making delegation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelliimid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax tabanaysa, u ergeyn si heshiis loo helo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelliimid
de: apology; peace-making delegation
lx: gelliimid
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: gelliimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galliimid
(Galliimid-da)
Gelliimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galliimid
m.dh la-mid: gelliimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galliimid
vl. n. peace-making delegation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galliimid
-da: (magac, dhedig, keli) cid u ergeyn si nabad iyo xasillooni loo helo. Dh: gelliimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galliimid
cf: gelliin
de: peace-making delegation
lx: galliimid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: galliimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallimid
m.dh la-mid: gellimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamiimid
m.f.dh eeg gamiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamiimid
-da: (magac, dhedig, keli) foorar dhaqdhaqaaq la'aan meel la qandoodsado; ciil la foorar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sellimid
(Sellimid-da)
Bixin; dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sellimid
m.dh la-mid: sallimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sellimid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ka gelid; bixin dhiibid: siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyllamid
(Geyllamid-da)
1. Aad u dadaalid.
2. Diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyllamid
m.f.dh eeg geyllan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gilgilmid
m.f.dh eeg gilgilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelid
(Gelid-da)
Wax dhexdi ama gudihi gaarid, tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelid
m.f.dh eeg gal³. la-mid: galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelid
vl. n. entry, entrance, act of entering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelid
-da: (n) the act of entering ~ gelis-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelid
-da: (magac, dhedig, keli) gudaha gelid oo dhexda tegid. Gelidda xeryaha ciidanku amar la'aan waa halis. Li: bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelid
de: entry, entrance, act of entering
lx: gelid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: gelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelmi
(Gelmi-ga)
Cayayaan yaryar oo duula oo qaniinyo kulul; wuxuu u eg yahay dhurdaha iyo dhuunyaalaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelmi
m.l Cayayaan yar oo duusha oo qaniinyo kulul oo dhuurida u eg. la-mid: kelmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelmi
m. n., [collective] small biting insect species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelmi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo qaniinyo kulul oo duulduula. Gelmi baa i qaniinay. Dh: galmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelmi
a: kelmi
cf: dhurde
de: small biting insect sp.
lx: gelmi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: gelmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Limid
(Limid-da)
Yaanbo ama qalab kale beer ku falid; beer, abuurid u darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limid
m.f.dh eeg lin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limid
-da: (magac, dhedig, keli) yaanbo ama qalab kale beer ku falid oo abuur u diyaarin ama geeda ka gurid. Dh: darbid, limis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimid
(Diimid-da)
Yaabid ka timaadda wax aan hor loo arki jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimid
m.f.dh eeg diin³. la-mid: diimis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimid
vl. n. surprise, amazement, being astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad rabitaan awgii aad muujisid dareen oohineed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimid
cf: ku diin
de: surprise, amazement, being astonished at seeing s.t. very strange for the first time
lx: diimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: diimid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedmid
-da: (magac, dhedig, keli) lumitaanka uu wax lumo ama tiro la gefo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geliil
-ka: (magac, lab, keli) ficil muujin.
geliil-sha: (magac, dhedig, keli) geedcaleemeed biyo ku nool ah oo dooxyada ka dhex baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giigid
(Giigid-da)
1. Ka joogsasho; iska qabasho; iska buusid; ka jigasho.
2. Aad u dhergid; ka dibbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giigid
m.f.dh eeg giig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giigid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka giigid; ka hadhid kolkii la kari waayay dabadeed; ka caagid; ka maagid; ka joogsasho baqdini ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giirid
(Giirid-da)
Giir u yeelid; wax giir leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirid
m.f.dh eeg giir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirid
-da: (magac, dhedig, keli) giir u yeelid; wax giir leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giisid
(Giisid-da)
Giis tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giisid
m.f.dh eeg giis². la-mid: giis¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giisid
-da: (magac, dhedig, keli) giis tiring; heesid; guluulucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liicid
(Liicid-da)
Doc u dheelliyid; dhicid ku dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicid
m.f.dh eeg liic. la-mid: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicid
-da: (magac, dhedig, keli) doc u dheelliyid oo janjeedhsad. Dh: liicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liidid
(Liidid-da)
Wax liid ah ka dhigid; tixgelin la'aan; quursasho; yasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liidid
m.f.dh eeg liid².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liidid
-da: (n) humiliation (hiyumili-yeey-shin); degradation (dig ra-dheeyshin); contempt (kontemt) disparagement (dispaarej-ment); humility (hiyuumiliti) ~ liidniin-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax liid ah ka dhigid tixgelin la'aan iyo quudhsasho; waa rumaysnaanta in dad ay dadnimo ahaan kaa derejo hooseeyaan. Dh: yasid, liidis, quudhsasho, quudhsi, xaqirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liifid
(Liifid-da)
Liif cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifid
m.f.dh eeg liif². la-mid: luufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig, dun ama wax la mid ah, furfurid oo liifaf u kala saarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liigid
-da: (magac, dhedig, keli) weel dareere ku jiro oo xidhan oo haddana wax ka socdaan oo wixii ku jiray wax ka sii deynaya. Dh: liigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilid
-da: (magac, dhedig, keli) dun soohid oo miiqid. Dh: liilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lismid
m.f.dh eeg lisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lismid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi iyo wixii la mid ah, soofaysmid.
lismid -da: (magac, dhedig, keli) is xoqidda labo walxood kolkay is xoqaan. Dh: xoqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riimid
m.f.dh eeg riin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riimid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimid
m.f.dh eeg siin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiimid
(Xiimid-da)
Orod daran oo xiin ka yeero, ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimid
m.f.dh eeg xiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimid
-da: (magac, dhedig, keli) xiin bixin. Dh: guuxid.
xiimid -da: (magac, dhedig, keli) orod xooglehoo xiin ka baxayo ordid. Dh: ordid, xiimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqiimid
-da: (magac, dhedig, keli) salaad horey. loogu addimay oo xilligeedii la joogo isu kicin; jamac u wada kicitaanka salaadda. Dh: iqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiimid
(Dhiimid-da)
Dhiin ka soo bixid; dhiin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimid
m.f.dh eeg dhiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimid
-da: (magac, dhedig, keli) liinbixid oo fasaqmid. Dharka aan tayada lahayn ayaa dhiimid sameeya. Dh: fasaqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gediyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rogid; wax beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelliin
(Gelliin-ka)
Dad wax isu qaba midkood oo ergo loogu tago, si heshiis loo helo; gargelyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelliin
gelliin¹: m.l 1. Gelid. 2. Heshiisiinta laba dhinac oo dhibaato dhex taal. la-mid: galliin¹.
gelliin²: f.g/mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) U g.: Laba dhinac ee dhibaato dhex taal heshiisiin. la-mid: galliin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelliin
gelliin¹: m.l 1. Gelid. 2. Heshiisiinta laba dhinac oo dhibaato dhex taal. la-mid: galliin.
gelliin²: f.g/mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) U g.: Laba dhinac ee dhibaato dhex taal heshiisiin. m.f.dh, gelliimid. la-mid: galliin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelliin
vl. n. entry, act of entering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelliin
-ka: (n) the act of entering or inserting (in seerting) ~ gelis-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelliin
-ka: (magac, lab, keli) dad wax isu qaba midkood oo egro loogu tago, si heshiis loo helo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelliin
de: entry, act of entering = gal + -niin
lx: gelliin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: gelliin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelniin
m.l la-mid: gelid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GENDIID
(Gandid) C Commiphora corrugata Gillett & Vollesen. Burseracese.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gesiimo
f.g3 (-iintay, -iimatay) Cunto cunid. la-mid: gasiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gesiimo
-da: (magac, dhedig, keli) raashin, quudasho oo dheefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifmid
m.f.dh eeg liifan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifmid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhiq, dun ama wax la mid ah, furfurmid oo liifaf u kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajiimid
(Cajiimid-da)
Cajiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajiimid
m.f.dh eeg cajiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiimid
-da: (magac, dhedig, keli) qooshidda iyo rufaaqidda budo iyo wax la mid ah. Dh: xashid, cajiimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daliigid
(Daliigid-da)
1. Faraha ku tuujin; duugid.
2. (ku daliigid) Ul ama wax kale oo sida daliigta u toosan, ku dhufasho, ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliigid
m.f.dh eeg daalig³. la-mid: daliig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliigid
-da: (magac, dhedig, keli) timo, maydhax, xig iyo wixii lamid ah, gacmaha ku duugid. Dh: daliigis.
daliigid-da: (magac, dhedig, keli) cunto badnaanta si aan habboonayn wax loo cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliiqid
m.f.dh eeg daliiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniimid
m.dh la-mid: diddimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galdi'id
m.f.dh eeg galda'.