gef huban
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gef huban
Error, Random

Gef habaysan
Error, systematic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gafsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefsan
(tilmaame) mid wax gef ku jiro sameeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuban
1. La shubay.
2. (Shuban-ka) Caloosha oo laga baxo; wax badan oo jilicsan oo gadaal laga dhigo; dababbax; caloolbax; xaar; doox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuban
shuban¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
shuban²: m.l (daawo) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iyo wixi lamida. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
shuban³: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho.
shuban⁴: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuban
shuban¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
shuban²: m.l (daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka 'crohn'), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iyo wixi lamida. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
shuban³: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho. m.f.dh, shubmid.
shuban⁴: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho. m.f.dh, shubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuban
der. [adjective] poured; flowing (out)
shuban m. n., [collective] diarrhea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuban
-ka: (n) diarrhea also diarrhoea (dhaay-riya); stomach upset; dysentery (dhesen-taria) ~ xundhur-xannuun, doox
shuban: -shumay /shubantay: (v) to cause diarrhea or dysentery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuban
(fal) calooshu ha ku furanto; dooxan; dacarbax.
shuban: (fal) wax shubmaya noqo.
shuban -ka: (magac, lab, keli) caloolbax; dacarbax; xaar; dababbax; dooxan.
shuban: (tilmaame) la shubay. Shaah shuban bay ii keentay.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shuban
إسهال
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la afduubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la afduubay ahaansho. m.f.dh, afduubnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduuban
(tilmaame) qof afka maro ama wax kale iskaga duubay. Nin afduuban baa dhagarta geystay. Dh: afxidhan.
afduuban: (tilmaame) qof ama dad ku jira gacmo dad kale iyaga oo an raalli ka hayn oo xorriyaddii laga qaaday. Nin afduuban baan ahay, ka xayiran adduunyada. Dh: qafaalan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubguban
-aa: (adj) having burnt (burned) spots
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gugguban
adj., pl. burnt (ones); object with several burn marks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gugguban
-aa: (adj) having burnt (burned) spots or marks
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gugguban
de: burnt (ones); object with several burn marks
lx: gugguban
pd: (Sg: guban)
ps: adj-pl
key: gugguban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefsanaan
m.dh la-mid: gafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii saxda ahaa, weydaarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Qof wax xubnihiisu isu dheeli tiranyihiin ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushuban
(tilmaame) wax markii hore wax isku dhan ahaa dhawrmeelood u kal shushubnaan. Hadhuudh shushuban ayaa meeshaa yaal.