geeska afrika
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Geeska Afrika
f. n. the Horn of Africa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Geeska_Afrika
de: the Horn of Africa
lx: Geeska Afrika
pd: (-da)
ps: np-f
key: Geeska_Afrika
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gees
-ka: (n) 1. comer (koorner)-, side (saaydh); edge (eej) ~ dhinac, hareer, daraf, dacal. 2. horn (hoorn).
Geeska Afrika: (expression) Horn of Africa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaali
-da: (magac, dhedig, keli) quruunta ku hadasha afka uu ereykoobahani ku qoran yahay; waa ummad ka mid ah quruumaha Geeska Afrika oo deggan dhul aad u ballaadhan oo kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Soomaali been way sheegtaa, beense ma maahmaahdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xabash
-ka: (magac, lab, keli) magac magacyadii hore ee Geeska Afrika loo yaqaannay ka mid ah. Dh: Xabashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawan
(tilmaame) wax aloosan oo xilliga la joogo ifafaalihiisu muuqdaan. Gobolka Geeska Afrika colaado ayaa ka aawan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarsoon raadintii, si runtiisa loo gaadho ama xog badan looga ogaado. Baadhid badan ka dib, waxa la ogaaday in uu Islaamku Madiina horteed Geeska Afrika soo gaadhay. Dh: baarid, raadin, ji, fatishid, baadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal faan iyo iska dheh ah.
boolo-da: (magac, dhedig, keli) ku wareejinta qaybinta turubka tartamaha laga tiro roonaaday. Boolo turub ma aan baran taniyo yaridiiye.
boolo-da: (magac, dhedig, keli) lacag hore oo ka socon jirtay Geeska Afrika. Dh: bawlad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garanuug
-ta: (magac, dhedig, keli) ugaadh u gaar ah geeska afrika oo u eg deerada kase waaweyn oo aad u qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaan
-ka: (magac, lab, keli) xabag udgoon oo geedka beeyada la yidhaa uu bixiyo oo la uunsado. Geeska Afrika wuxu caan ku yahay dhoofinta libaanka. Dh: foox, beeyo, maydi, lubaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaadin
-ta: (magacwadareed) wixii khayraad ah ee dhulka hoostiisa ku jira gaar ahaan kuwa aan dhirta ahayn. Dhulka geeska Afrika macaadin badan oon weli la ogayn ayaa ka buuxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muhaajiriin
-ta: (magacwadareed) asxaabtii Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, ee ka haajiray Maka ee Madiina u haajiray. Jacfar bin Abii Daalib wuxu ahaa muhaajiriintii timid geeska Afrika.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) cadxeedda oo iftiinkeeda la waayo marka dayaxu innagaga tooso ilayskeeda. Sannadkii siddeetankii qarnigii labaatanaad qorraxmadoobaad weyn ayaa Geeska Afrika ka dhacay. Dh: cadceedmadoobaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesasaarid
m.f.dh eeg geesasaar².
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ceelka aartiis
Artesian well
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
gees ka tuurid
corner throw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heesta qaranka
(n) the national anthem (naashinal aan tham) hektar -ka: (n) hectare (hekteer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geed'adari
-da: (magac, dhedig, keli) jaad xawaashka dheriga lagu udgooneeyo ka mid ah oo ah iniinyo yaryar oo buurbuuran oo udgoon. Dh: uurawaawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-adari
m.l Dhir cuntada lagu daro si ay udgoon ama kulayl u siiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geed-adari
m.l Dhir cuntada lagu daro si ay udgoon ama kulayl u siiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geed-adari
m. n., [collective] seasoning spices
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-ADARI
(Ged-adari) N, Og Petroselinum crispum (Mill) Nym.ex A.W.Hill. Umbelliferae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedakaris
(Geedakaris-ka)
Aqoon ku saabsan sida geedaha, inta la karkariyo, dadka loogu daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedakaris
m.l 1. Aqoonta isku daridda iyo diyaarinta geedaha laysku daweeyo. 2. Qof yaqaan geedekariska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedakaris
m.l 1. Aqoonta isku daridda iyo diyaarinta geedaha laysku daweeyo. 2. Qof yaqaan geedekariska.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedakaris
m. n., [compound] technique of preparing medicinal herbs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedakaris
-ka: (magac, lab, keli) aqoon ku saabsan inta geedaha la karkariyo dadka lagu daaweeyo. geedaqore -ha: (magac, lab, keli) qof geedaha qora oo farshaxan ah. Dh: geedaqor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedakaris
de: technique of preparing medicinal herbs
lx: geedakaris
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: geedakaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesacarro
m.dh Neef leh geeso aan jirriddooda lafta madaxa haysan oo marka la taabto ruxanayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesacarro
-da: (magac, dhedig, keli) neef leh geeso aan jirriddooda lafta madaxa haysan oo marka la taabto ruxanayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeskalaad
m. n., [compound] corner-kick {sports}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeskalaad
de: corner-kick {sports}
lx: geeskalaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: geeskalaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesabaraar
-ka: (magac, lab, keli) saca geesihiisu liiqliiqasho dhalan ah leeyihiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seefta cirka
Coronet
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keebka ammaanka
m. n. safety-catch (of gun)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weelka-qashinka
(n) the dustbin; trash can, waste basket; garbage can
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka kalgalka
Periodic law