geesiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesiir
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo aan ninkeeda la dhaqmi karin. Dh: qumayo, basari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesxiir
-ka: (magac, lab, keli) neef aanan la maali karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gesiir
(Gesiir-ka)
Dhex-xir ka samaysan dun iyo cabbaadyo ama kuul yaryar oo midabyo badan, ama wax kale, oo dumarku, xarrago ahaan u qaataan oo sida kuushu surka ugu xiran tahay oo kale, dhexda ugu xirtaan; (ama gasiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gesiir
m.l (-rro, m.dh) Xarig dun ah, si gaar ah loo sooho, cabbaadyo ama kuul yaryar midabo kala duwan leh lagu mardimeeyo oo haweenku dhexda ku xirtaan. la-mid: gąsiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gesiir
m. n. woman's traditional beaded girdle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gesiir
-ka: (magac, lab, keli) dhexir ka samaysan dun iyo cabbaadhyo ama kuul yar oo midabyo badan, oo dumarka qurux ahaan dhexda ugu xidhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gesiir
a: gasiir
de: woman's traditional beaded girdle
lx: gesiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gesiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesxir
1. (Geesxir-ka) Neef toojo ah.
2. (Geesxir-ta) Qof dumar ah oo la qabo oo aan ninkeeda la dhaqmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesxir
geesxir¹: m.l.kh Neef lo' ah oo guri ku xiran oo aan dibad u daaq doonan.
geesxir²: m.dh.kh Haweeney ninkeedii aan la noolayn oo diidaysa. la-mid: geesaxir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesxir
m.l.kh Neef lo' ah oo guri ku xiran oo aan dibad u daaq doonan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesxir
m. n., [compound] restive animal
geesxir [feminine] n., [compound] wife who does not live with her husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesxir
(fal) geesaha ka xir. Geesxir dibiga oo sidaa ku kexee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesaxir
m.l/dh la-mid: geesxir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geseriir
(Geseriir-ka)
Gasariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geseriir
geseriir¹: m.l la-mid: gąsariir¹.
geseriir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: gąsariir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geseriir
m. n. severe drought; emaciation
geseriir v. be emaciated, be deformed by malnutrition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geseriir
-ka: (magac, lab, keli) naxariis la'aan; naxariis darro; jimic darro. Dh: gasariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesi
(Geesi-ga)
Nin aan cabsi aqoon; aan fuley ahayn; aar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesi
m.l (-iyaal, m.l/dh) Nin dhiirran oo aan cabsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesi
m.l (-iyaal, m.l/dh) Nin dhiirran oo aan cabsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesi
m. n. hero, brave man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geesi
-ga: (n) 1. a courageous man: brave (fcraav); hero (hiiroo). 2. geesi ah: (adj) brave (braav). fearless (fiiyerles)-, courageous (koreejes), heroic (hi-row-ik), valiant (yaal-yent)-, bold (booldh). Ex: nin geesi ah; a brave man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesi
-ga: (magac, lab, keli) qofka hoggaamiyaha wanaagsan bulsahdiisa u ah ee dadku u arkaan tusaale dhan walba oo nolosha ah.
geesi -ga: (magac, lab, keli) nin aanan baqan. Dh: halyay, dagaalyahan, soomajeeste, gadac, aar. Li: fulay, fule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesi
cf: aar, dhiirran, labakelyood
de: hero, brave man
lx: geesi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: geesi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
geesi
شُجَاع
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gésir
gésir, v. - jiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiir
(Gasiir-ka)
Gesiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiir
m.l la-mid: gesiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiir
m. n. woman's traditional beaded girdle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiir
-ka: (magac, lab, keli) tax yaryar oo midabyo badan iyo dun ka samysan cabbaadhyo oo ay dumarku xarrago ahaan u qaataan oo surka ku xidhaan,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiir
a: gesiir
de: woman's traditional beaded girdle
lx: gasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gasiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Weel afka u rogid. geddiyid; daadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gebsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Weel afka u rogid. geddiyid; daadin. m.f.dh, gebsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebsii
v. overturn, turn something upside down (as a container of liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gebsii
-yey / say: (v) cause objects to fall out of a container; spill (ispiil)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebsii
de: overturn, turn s.t. upside down (as a container of liquid)
lx: gebsii
pd: (gebsiiyey)
ps: v2b=tr
key: gebsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gediir
(Gediir-ka)
Gadiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gediir
m.l la-mid: gadiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gediir
m. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gediir
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluun goomeedka oo badda ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gediir
a: gadiir
de: fish sp.
lx: gediir
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: gediir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geriir
vl. n. shaking, quake
geriir m. n. bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geriir
-ay / tay: (v) shake (sheeyk); tremble (trimbel); quake (kuweeyk); shiver (shever) ~ gargariir
geriir -ka: (n) shaking (sheeyking). Ex: dhulgeriir; earthquake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gesiin
(Gesiin-ka)
Gasiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gesiin
m.l Cuntada dadka iyo duunyaduba quutaan. la-mid: gąsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gesiin
m.l Cuntada dadka iyo duunyaduba quutaan. la-mid: gąsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gesiin
m. n., [collective] food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gesiin
-ka: (n) food (fuudh) ~ cunno, gasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gesiin
-ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo la quuto, gaar ahaanna badarka. Dh: cunno, calaf, gasiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gesiin
de: food
lx: gesiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
see: gasiin
key: gesiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebsiin
m.f.dh eeg gebsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeljir
m.l la-mid: geeljire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeljir
m. n., [compound] camelman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geeljir
-ka: (n) a person who tends or drives camel; cameleer (kam-el-liiyer) ~ geeljire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeljir
-ka: (magacwadareed) dadk ainta geela ilaalisa. Geeridu nimaad garanayn iyo geeljirkay ku roon tahay. Dh: geeljire, geelraac.
geeljir-ka: (magac, lab, keli) wiil geel ilaaliya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeljir
de: camelman
lx: geeljir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: geeljir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesmar
(fal) dhinac mar; dhan ka mar.
geesmar -ka: (magac, lab, keli) fay ka marid; gees ka marid; dhinac socod.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geesinimo
-da: (n) bravery (bareeyvari); courage (koreej)-, gallantry (gaalantri)-, heroism (heroiizim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesinimo
-da: (magac, dhedig, keli) baqdin la'aan uu sameeyo qofka dagaallamaya. Dh: halyaynimo, dagaalyahannimo. Li: fulaynimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesxir_1
de: restive animal
hm: 1
lx: geesxir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: geesxir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesxir_2
de: wife who does not live with her husband
hm: 2
lx: geesxir
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: geesxir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerseriir
gerseriir¹: m.l la-mid: gasariir¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyeysiin
(Geyeysiin-ta)
Badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyeysiin
m.f.dh eeg geyeysii. la-mid: gayeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aanu jeclayn, badid. Dh: gayeysiin, malkiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqsiin
(Deeqsiin-ta)
Wada gaarsiin; ku wada fillaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsiin
m.f.dh eeg deeqsii. la-mid: deeqsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yar ku fillaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqsiis
(Deeqsiis-ka)
Deeqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsiis
m.l la-mid: deeqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqsiis
vl. n. act of giving satisfaction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsiis
-ka: (magac, lab, keli) cid wax wada gaadhsiin oo ku fillaysiin. Dh: fillaysiis. deeqsinimo -da: (magac, dhedig, keli) ku fiicanaanshaha wax isa siinta. Li: bakhaylnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqsiis
de: act of giving satisfaction
lx: deeqsiis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: deeqsiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedsaar
(Geedsaar-ka)
Geed aan gooni u bixin oo isu taagi karin oo dhirta kale isku mara oo kor u raaca; saar; saaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedsaar
m.l.u Dhirta inteeda aan keli u istaagi karin oo geedaha isku marta; saar; saaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedsaar
m.l.u Dhirta inteeda aan keli u istaagi karin oo geedaha isku marta; saar; saaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedsaar
m. n., [compound] climbing plant, creeper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geedsaar
-ka: (n) creeper (kiriiper); type of spreading plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedsaar
-ka: (magac, lab, keli) geed aan gooni u bixin oo dhirta kale isku mara oo dul saarma.
geedsaar -ka: (magac, lab, keli) qofka dhirta soo saara ee kala yaqaanna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedsaar
de: climbing plant, creeper
lx: geedsaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: geedsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeljire
(Geeljira-ha)
Kan geela ilaaliya ama haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeljire
m.l.u (-rayaal, m.l/dh) Nin geela raaca ama dhaqaaleeya. la-mid: geelijir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeljire
m.l.u (-rayaal, m.l/dh) Nin geela raaca ama dhaqaaleeya. la-mid: geelijir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeljire
m. n., [compound] camelman, camel driver
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geeljire
-geeljiraha: (n) a person who tends or drives camel: cameleer (kam-el-liiyer) ~ geeljir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeljire
-ha: (magac, lab, keli) eeg geeljir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeljire
de: camelman, camel driver
lx: geeljire
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: geeljire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gees-hor
-ka: (magac, lab, keli) lo'da kolka aan bannaanka lagu soo kala horine, darka lagu geesgaraaco marka biyaha loogu shubayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesaari
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib si degdeg ah dab ugu dubasho. la-mid: geesasaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesaari
(fal) hilib si degdeg ah dab ugu dubasho. Dh: geesasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesatif
-ka: (magac, lab, keli) caws la daaqay oo xabbad xabbadi ka sii joogto. Adhigii wuxuu u foofay meel geesatif leh.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Geesi-ga
homme courageux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesiyad
m.dh (-do, m.l) Haweeney dhiirran oo aan cabsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesiyad
f. n. heroine, courageous woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geesiyad
-da: (n) a courageous woman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesiyad
de: heroine, courageous woman
lx: geesiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: geesiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid dhibaato badid. la-mid: gayeysii, geyoodsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyeysii
v.caus: compel, force someone (to do something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geyeysii
-yey / say: (v) result (ri salt); follow (faloo) as a consequence. Ex: nolashoodii xisaab la'aanta ahayd waxay geyeysiisay fakhrinimo; their profligate [wasteful] lifestyle resulted in bankruptcy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyeysii
(fal) wax daran bad... Oo lagu gayeysiin wixii halacba loo gaystey. Dh: bad.