geesaguulle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geesaguulle
nickname; name-m victory bearer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagaalle
-ha: (magac, lab, keli) dhir aan deegaanka ahayn oo meel kale laga keenay oo ay dhici karto in lagu sumoobo. Dh: garanwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geesaale
ama Geesood, magac ama naanays loo baxsho wiil salxo dhaadheer jaaha ku leh. Waxa kale oo loo baxshaa wiil koodad soo baxsan leh ama koodadka timo gaar ah ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesaale
-ha: (magac, lab, keli) wan weyn oo mug iyo maqaarba buuxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagure
-ha: (magac, lab, keli) qofka geedaha la isku daaweeyo ama dadka lagu baabo yaqaanna oo soo gura. Dh: geedagur, geeda-gooye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagable
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan looxa cuna oo baalasha sare qolof adag ku leh. Loox ii kaydsanaa geedagable ayaa madhiyey. Dh: xar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedaggable
(Geedaggabla-ha)
Cayayaan yar oo baalal leh, baalkoraadku qolof yahay sida kan geesoolaha; sida bulunbulyada si ka daran buu alwaaxda iyo qoryaha u cunaa, siiba kuwa qoyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedaggable
m.l Cayayaan duula, qolof adag, oo cuna qoryaha iyo alwaaxda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedaggable
m. n., [collective] moth-like insect species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedaggable
de: moth-like insect sp.
lx: geedaggable
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: geedaggable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gees-muusaale
m.l Eelada (deerada) kolkaa la soo baxaysa geesa yar yar oo fiiqfiiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesaley
m.dh.u Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesaley
m.dh.u Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesbuuc
-a: (magac, lab, keli) orgacda kuwa yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesoole
(Geesoola-ha)
Cayayaan sida doorshaammada - kuwa oogada jiidan - u eg, oo qolof adagi baalkoraad u tahay; wuxuu lee yahay labo gees oo dheerdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Geesoole
Polygon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesoole
m. n. cerambycid beetle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEESOOLE
(Gesole) S Citrullus lanatus (Thunb.) Matsum & Nakai Cucurbitacean.
S Cucumis prophetarum L. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesoole
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan labo baad oo ad'adag dusha ku leh madaxana labo gees oo kuwa baranbarada oo kale ku leh. Dh: geesaale.
geesoole-ha: (magac, lab, keli) shaxan qaab toosan oo leh saddex dhinac ama in ka badan oo daliigo toosan oo geeso isku xidha leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesoole
de: cerambycid beetle
lx: geesoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geesoole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuguule
-ha: (magac, lab, keli) shimbir af dhuuban go dhoor dheer madaxa ku leh oo si gaar ah u ciya guu… guu. Guuguulihiiyow haddaad gu'ga u ooyeyso, abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaalle
m.l (-layaal, m.l) Xaashi turub oo sagaal dhibcood leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagaalle
m. n. nine (playing card)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalle
-ha: (magac, lab, keli) shaxan ama wax kale oo sagaal xagal ama gees leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagaalle
de: nine (playing card)
initial: s
lx: sagaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sagaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sandulle
(Sandulla-ha)
1. (xoolo) sanka oo inta la dalooliyo oo xarig ama bir lagu xiro oo lagu wado.
2. Xoog; hawaan; dirqi; khasab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandulle
m.l 1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sandulle
m.l 1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sandulle
m. n. leading an animal by a rope (etc.) attached to the sensitive part of its nose; coercion, domination, power
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sandulle
-sandullaha: (n) 1. the tip of nose 2. force (foorsi); compulsion (kompalshen); obligation (obligeeyshin); coercion (koweershin), constraint (konista-reeynt) ~ khasab, qasab
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sandulle
Obbligatorio
Compulsory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandulle
-ha: (magac, lab, keli) xoolaha oo sankala dalooliyo oo xarig ama bir laqu xidho oo lagu wado.
sandulle -ha: (magac, lab, keli) sandule; xoog; khasab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sandulle
de: leading an animal by a rope (etc.) attached to the sensitive part of its nose; [ext.] coercion, domination, power
initial: s
lx: sandulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sandulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraguul
m.dh (-lo, m.l) Xero xooluhu baryaan marka ay aroorka yihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedaggal
v., [compound] move into the shade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedaggal
de: move into the shade
lx: geedaggal
pd: (geedaggalay)
ps: v1=cmp
syn: dhacamaggal
key: geedaggal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geesigeli
-yey / say: (v) encourage (in-kooreey)-, animate (anameeyt); inspire with courage or confidence ~ dhiirigali. —Syn: cheer, embolden, hearten, inspirit
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grenaille
grenaille, n.f. - macdan jeexjeex ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guugguule
°(Guugguula-ha)
Shinbir cidiisu guu guu tahay; dhoor buu lee yahay; hud'hud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guugguule
m.l Shimbir cidiisu “guu-guu” tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guugguule
m.l Shimbir cidiisu 'guuguu' tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guugguule
m. n., [collective] cuckoo (bird)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guugguule
-guugguulaha: (n) cuckoo (kuukuu)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guugguule
a: hud-hud, shimbir
de: cuckoo (bird) Onomatopoetic for 'guu-guu'
lx: guugguule
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: guugguule
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-DUUGE
(Ged-duge) C Withanis somnifera (L) Dunal. Solanaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagooye
-ha: (magac, lab, keli) qof geedaha dadka ku daweeya ama ku waxyeelleeya.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEESA-XIRE
(Ges-heres) NFD Albizia amara (Roxb.)Boiv. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesigelin
m.f.dh eeg geesigeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesiggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhiirrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesiggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhiirrin. m.f.dh, geesiggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesiggeli
v., [compound] encourage, instill courage in someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesiggeli
de: encourage, instill courage in s.o.
lx: geesiggeli
pd: (geesiggeliyey)
ps: v2a=cmp
key: geesiggeli
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grenouille
grenouille, n.f. - rah, rake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labasuulle
(Labasuulla-ha)
Muruqyada ku yaal cududda docdeed kore iyo bowdada docdeeda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labasuulle
m. n. muscle in the leg (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasuulle
-ha: (magac, lab, keli) muruq caan ah oo geela kaga yaal cududda dhinaceeda kore iyo bawdada dhinaceeda hoose. Muruga labasuulle ninba si la ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labasuulle
cf: afarsuulle
de: muscle in the leg (of animal)
lx: labasuulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: labasuulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerafuglee
f.mg2 (-leeyay, -leeysay) Hiqhiqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesiggelin
m.f.dh eeg geesiggeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeesalugaley
m.dh.u Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.