gees ... u
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gees ... u
adv-loc: sideways
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexasho
(Leexasha-da)
Meeshii loo socdey ama dhabbihii la hayey doc ama gees uga weecasho, uga bayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesee
f.g/mg2 (-seeyay, -seysay) 1. (f.g) Wax gees u yeelid. 2. (f.mg) U g.: meel, magaalo iyo wixi lamida dhinac uga xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeer
janjeer¹: m.l Wax gees u iilan. la-mid: janjeedh.
janjeer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax gees u qalloocsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sambuusi
m.l 1. Bur saddex gees leh oo hilib shiidan iyo qudaar basbaas leh gudaha uga jiraan oo lagu shiilo. 2. Guri saqafkiisu weji waliba saddex-gees u egyahay. la-mid: sambuus, sambuuse.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeer
janjeer¹: m.l Wax gees u iilan. la-mid: janjeedh.
janjeer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax gees u qalloocsamid. m.f.dh, janjeerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sambuusi
m.l 1. Bur saddex gees leh oo hilib shiidan iyo qudaar basbaas leh gudaha uga jiraan oo lagu shiilo. 2. Guri saqafkiisu weji waliba saddex-gees u egyahay. la-mid: sambuus, sambuuse.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aside
/asaydh/ (adv) 1. gees isaga wareejin ama gees iska dhigid. e.g. She threw the books aside. 2. in qof aad wadada u banaysid ama gees uga bayrtid (dhan u wareegid). e.g. Can you move the table aside? 3. hadal gees ula bixid ama la faqid. e.g. She took me aside and told me about her fiance. 4. waxaas ama hadalkaas gees iska dhigoo ama iskaba daayoo. e.g. All jokes aside, he really is a nice person.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
askew
/askiyuu/ (adj) wax ama dhar jactadan isku laablaaban, jajaban ama gees u janjeera. e.g. His shirt was askew.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
comer
/kornar/ (n) 1. gees (dacal) (v) 2. gees U Cayrin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oscillate
/osaleyt/ (v) hadba gees u dhaqaaqid (sidii wiifowgii kolba gees u weecasho); leexaysad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sidle
/saydhal/ (v) gees-u bayrid (dhinac-u bixid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afardhegood
-ka: (magac, lab, keli) sagaarada keega lab oo ay kolkaa uun labadii gees u soo baxeen oo la moodo inuu afar dhegood leeyahay.
afardhegood -ka: (magac, lab, keli) digir markaa uun dhulka soo jiidhay oo afar caleemood leh. afardhegood -ka: (magac, lab, keli) fallaadhahal jaad ka mid ah oo labo tarfaaq leedahay ama afar geesood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afargeesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaxan, afar gees u yeelid; afarta dhinac ba isle'egaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydh
(fal) dhinac ama gees u leexo. Hablayahow dhanqankii ka baydhee, maad is badhqabataan. Dh: weeco, bayr.
baydh -ka: (magac, lab, keli) weel aan weynayn oo wax lagu qiyaaso waxna lagu cabbiro. Laba baydh oo burcad ah haddaad shiisho hal baydh oo miid ah ma noqdaan. Dh: afkulibidh, bayr, bidhiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhi
(fal) wax meel aan la la rabin u socda, gees u du'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carsaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) nafley qolofleyda badda ka mid ah oo xeebaha dhow lagu arko. Waxay leedahay siddeed lugood iyo labo farood, oo birqaab oo kale u eg. Waxay awood u leedahay in ay hore iyo dib ba u ordi karto. Carsaanyada sideedii, hadba gees u cararee... Dh: qabaanab, suulalgoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafmarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad meel ama wax kale, dhinac ka martid, barbar ka martid, gees u dhaaftid. Daafmarid baan ku dhaafay aqalkii. Dh: agmarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoonbir
-ka: (magac, lab, keli) ninka subeerka ah ee geela jira. Oo dhoonbirkii jirayay dhacanta gees uga qaadayoo…
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofaaf
(fal) kolba dhinac u joogso oo kolba gees u yara dhaqaaq.
goofaaf-ka (magac, lab, keli) kolba dhinac u joogsi oo u yara dhaqaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexasasho
-ha: (magac, lab, keli) meeshii loo socdey ama dhabbihii la hayey doc ama gees uga weecasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos ... u
adv-loc: downwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdeg ... u
adv., time: immediately, right away, forthwith; hastily, hurriedly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si ... u
[adverbial] [expression] like, as, how, so, in order that, in such a way
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad ... u
[adverbial] [expression] very much, quite, a lot; hard, firmly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dib ... u
adv-loc: backwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hor ... u
adv-loc: forwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sare ... u
adv-loc: upwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos ... ka
adv-loc (adj.): from below; under, lower; quietly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxay ... u
question word: why?, what for?