geeltoosiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeltoosiye
(Geeltoosiya-ha)
Gorgorka waaweyn jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeltoosiye
m.l Nooc gorgorka waaweyn ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeltoosiye
m. n., [collective] vulture species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeltoosiye
-ha: (magac, lab, keli) jaad haadda waaweyn ka mid ah ee hilibka ku nool. Dh: gorgor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeltoosiye
de: vulture sp.
lx: geeltoosiye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: geeltoosiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeldooje
(Geeldooja-ha)
(roob da'a haya) Daruur duuban oo saymaha korkooda guulaamaynaysa; heego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeldooje
m.l 1. Daruuro madmadow oo cokan oo muuqda badanaa marka roobku da'ayo. 2. Roob badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeldooje
m. n., [compound] person who moves camels to an area where rain is expected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeldooje
-ha: (magac, lab, keli) daruur guulaamasocod ah oo duuban oo roobka laga saadaaliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeldooje
de: person who moves camels to an area where rain is expected
lx: geeldooje
nt: geeldooje [vn-m] 'process of moving camels'
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: geeldooje
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabtoosiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab dabtalantaalliga ka dhiga dabtoosan; aalad dabka togan ka dhigta mid toosan. Waxaan soo gatay dabtoosiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deltooyd
m.l.u (-dyo, m.dh) Muruq weyn oo qaab saddex gees leh oo daboola isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jirka intiisa kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deltooyd
m.l.u (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq weyn oo qaab saddex gees leh oo daboola isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jirka intiisa kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geeldoon
magac loo baxsho wiil dhashay reerkooga oo aan geel lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeljire
(Geeljira-ha)
Kan geela ilaaliya ama haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeljire
m.l.u (-rayaal, m.l/dh) Nin geela raaca ama dhaqaaleeya. la-mid: geelijir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeljire
m.l.u (-rayaal, m.l/dh) Nin geela raaca ama dhaqaaleeya. la-mid: geelijir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeljire
m. n., [compound] camelman, camel driver
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geeljire
-geeljiraha: (n) a person who tends or drives camel: cameleer (kam-el-liiyer) ~ geeljir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeljire
-ha: (magac, lab, keli) eeg geeljir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeljire
de: camelman, camel driver
lx: geeljire
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: geeljire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesoole
(Geesoola-ha)
Cayayaan sida doorshaammada - kuwa oogada jiidan - u eg, oo qolof adagi baalkoraad u tahay; wuxuu lee yahay labo gees oo dheerdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Geesoole
Polygon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesoole
m. n. cerambycid beetle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEESOOLE
(Gesole) S Citrullus lanatus (Thunb.) Matsum & Nakai Cucurbitacean.
S Cucumis prophetarum L. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesoole
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan labo baad oo ad'adag dusha ku leh madaxana labo gees oo kuwa baranbarada oo kale ku leh. Dh: geesaale.
geesoole-ha: (magac, lab, keli) shaxan qaab toosan oo leh saddex dhinac ama in ka badan oo daliigo toosan oo geeso isku xidha leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesoole
de: cerambycid beetle
lx: geesoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geesoole
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
géologie
géologie, n.f. - jooloojiya; cilmiga baarista (macdanta) dhulka iyo taariikhdiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeelgooy
v. satisfy one's own need
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeelgooy
a: jeelbax
de: satisfy one's own need
lx: jeelgooy
pd: (jeelgooyey)
ps: v2a=tr
key: jeelgooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeloobid
m.f.dh eeg beelow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeloobid
-da: (magac, dhedig, keli) tarmid oo dad beel ah noqosho. Guueku waa asaaska beeloobidda. Dh: neeloobis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beergooye
m.l la-mid: beergooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooliye
m.l Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iyo wixi lamida lagu dalooliyo. la-mid: duleeliye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalooliye
m.l Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iyo wixi lamida lagu dalooliyo. la-mid: duleeliye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalooliye
m. n. drill, borer, hole punch, something that makes holes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalooliye
-ha: (n) drill (diriil); driller (diriilar) ~ duleeliye
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DALOOLIYE
Bucatrice
Punch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooliye
-ha: (magac, lab, keli) qalab ama makinad, gacanqabsi iyo kuwo waaweynba leh oo wax lagu dalooliyo. Dalooliyiihii labuu u kala jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalooliye
a: duleeliye
de: drill, borer, hole punch, s.t. that makes holes
lx: dalooliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dalooliye
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-OODE
(Ged-ode) S Flueggea virosa (Willd.)Voigt. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedoobid
m.f.dh eeg geedow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caleen yaryarayd, geedo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedqoone
-ha: (magac, lab, keli) geed sida baarta oo kale u baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesoolay
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha inta geesaha leh. Dh: geesalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
collooriye
-ha: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah geednagaadhka hoose.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqtoomid
m.f.dh eeg deeqtoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqtoomid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay loogu baahnaa ka maarmid. Dh: kaaftoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagoosi
-ga: (magac, lab, keli) eeg geedaggoosasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagooye
-ha: (magac, lab, keli) qof geedaha dadka ku daweeya ama ku waxyeelleeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeryoomid
(Geeryoomid-da)
Naftu ka bixid; dhimasho; go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeryoomid
m.dh la-mid: geeryood.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
générosité
générosité, n.f. - deeqsinimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoomiye
(Guddoomiya-ha)
1. Guddi madax u ah; guddoonka u haya; horfiiq u ah.
2. Qofka inuu guddoonka rido leh; madax; taliye; (ama guddoonshe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoomiye
m.l (-yayaal, m.l) Nin madax u ah guddi. la-mid: guddoonshe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guddoomiye
m.l (-yayaal, m.l) Nin madax u ah guddi. la-mid: guddoonshe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guddoomiye
m. n. executive, chairman, president, chief officer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guddoomiye
-guddoomiyaha: (n) chairman (jeermeen); chairperson (jeer peerson); president ~ guddoonshe, madaxweyne
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GUDDOOMIYE
Presidente
President
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Guddoomiye
Presidente
President
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddoomiye
-ha: (magac, lab, keli) qof hay'ad ama dad shaqo ka dhaxayso u madax ah. Guddoomiye cusub ayaa loo magacaabay ururkii qareennada. Dh: madax, maamule; maareeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guddoomiye
cf: madaxweyne
de: executive, chairman, president, chief officer
lx: guddoomiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: guddoomiye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
guddoomiye
مدير
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neeuroosis
m.l (c.naf.) Cudur dhimireed lagu yaqaan isbeddel xagga caadifiyadda taas oo keeneysa dhaqan iyo hab fakar duwan oo qofka silciya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neeuroosis
m.l (c.naf.) Cudur dhimireed lagu yaqaan isbeddel xagga caadifiyadda taas oo keeneysa dhaqan iyo hab fakar duwan oo qofka silciya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebtoomid
m.f.dh eeg reebtoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebtoomid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~ fal ka hadhid oo iska dayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeldaajiye
m. n. chief, leader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeldaajiye
-beeldaajiyaha: (n) community leader or clan leader; chief (jiif) ~ beeldaaje
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeldaajiye
-ha: (magac, lab, keli) eeg beeldaaje.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeldaajiye
de: chief, leader
lx: beeldaajiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: beeldaajiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelrugeeye
m.l la-mid: geeldhugeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keeratoosis
m.l (daawo) Wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
keeratoosis
m.l (daaw.) Wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keeratoosis
-ka: (magac, lab, keli) wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.