geegaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geegaali
(Geegaali-da)
Waabaayo tan u daran oo aan laga kicin (ama geegali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geegaali
m.dh Waabaayo aad u daran oo aan la kicin. la-mid: geegali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geegaali
f. n. deadly poison
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geegaali
-ga: (magac, lab, keli) beyda ta ugu daran ee aan laga kicin sunteeda. Dh: abguri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geegaali
cf: waabaayo
de: deadly poison
lx: geegaali
pd: (-da)
ps: n-f
key: geegaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geegali
m.dh la-mid: geegaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiihiile
(Hiihiila-ha)
(waabaayo, kd.) saamays daran leh; geegaali ah; hunnati; kaloolley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiihiile
-ha: (magac, lab, keli) saamayska ama waabaayda tan u daran oo aan laga kicin. Dh: hunnati, geegaali, kallooley.
hiihiile-ha: (magac, lab, keli) geed sun leh oo wax lagu noqdo. Dh: geegaali, hunnaati, kaloollay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabaayo
cf: geegaali
de: poison, venom
initial: w
lx: waabaayo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: waabaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geegeli
-ga: (magac, lab, keli) samayska waabayda ugu daran ee aan laga kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: degaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegaami
(fal) deegaan ay dad galaan ka dhig oo dhisma hoosaad u samee. Dh: deegaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geemaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dhogor weyn oo geelu ku leeyahay garbaha iyo kuruska; raan geela ka baxda garbihiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geesaale
ama Geesood, magac ama naanays loo baxsho wiil salxo dhaadheer jaaha ku leh. Waxa kale oo loo baxshaa wiil koodad soo baxsan leh ama koodadka timo gaar ah ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesaale
-ha: (magac, lab, keli) wan weyn oo mug iyo maqaarba buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesaari
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib si degdeg ah dab ugu dubasho. la-mid: geesasaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesaari
(fal) hilib si degdeg ah dab ugu dubasho. Dh: geesasaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin. m.f.dh, jeedaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeedaali
v. gaze (at a distant object)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaali
(fal) dib u eeg: dhinac fiiri, dib u day. Jeedaali inuu soo socdo wiilkiii dabadhoonka ahaa. Dh: jalleec, daymoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeedaali
de: gaze (at a distant object)
lx: jeedaali
pd: (jeedaaliyey)
ps: v2a=tr
key: jeedaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehaali
f.g2 (-iyay, -isay) Meehaal samayn (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meehaali
-ga: (magac, lab, keli) sida ay wax noqonayaan sii oddorosid oo talada ku habboon meel dhigasho. Dh: malaysi, arrinsi, tashi, malaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax samayn ama hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceegaagid
(Ceegaagid-da)
(biyo, kd.) warnaan; afka hayn; buuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceegaagid
m.f.dh eeg ceegaag². la-mid: ceegaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceegaagid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, wadhnaan oo buuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegaamin
m.dh la-mid: degaameyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg deegaameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
federaali
m.l (siyaasad) Midow dhex mara gobollo madaxbannaan oo mid waliba leedahy sharcigeeda gudaha, laakiin uu ka dhexeeyo dastuur kaliya. la-mid: federaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
federaali
m.l (siyaa.) Midow dhex mara gobollo madaxbannaan oo mid waliba leedahy sharcigeeda gudaha, laakiin uu ka dhexeeyo dastuur kaliya. la-mid: federaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
federaali
m. n. federal person ~ unit ~ system
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
federaali
(tilmaame) dawlad ku salaysan habmaamulka federaalka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
federaali
de: federal person ~ unit ~ system
lx: federaali
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: federaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feegaarid
m.f.dh eeg feegaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dersi buug ama loox laguugu dhigay, dib u qorid si aad farta u baratid.
feegaarid -da: (magac, dhedig, keli) si aan habaysnayn, wax u qorqorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galgaalid
(Galgaalid-da)
(xoolo, kd.) galgaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgaalid
m.f.dh eeg galgaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgaalid
-da: (magac, dhedig, keli) naag ama neef aan dhalin, oo aad u cayila noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgaalli
-da: (magacwadareed) lix xiddigood oo dhexdooda ay ku urursanyihiin xiddigo badan oo ay adagtahay sida loo arko. Dh: ido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelwaaqi
-da: (magac, dhedig, keli) eeg geelwaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeraarid
(Geeraarid-da)
Geeraar tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeraarid
m.f.dh eeg geeraar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesaasid
(Geesaasid-da)
Baroorasho; baroordiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesaasid
m.dh la-mid: geesaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesaasid
-da: (magac, dhedig, keli) baroordiiq badan tirin; qof dhintay u ooyid.
geesaasid -da: (magac, dhedig, keli) qof guuldarraystay ku jeesjeesid. Dh: jeesjeesid.
geesaasid: -da: (magac, dhedig, keli) eeg geesaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gergaarid
m.dh la-mid: gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedaalin
(Jeedaalin-ta)
Wax durugsan, indhaha ku raadin; fiirin; eegid; ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaalin
m.f.dh eeg jeedaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) dib u eegis, dhan fiiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalis
-ka: (magac, lab, keli) dib ama dhinac eegitaan. Dh: daymood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meegaarid
(Meegaarid-da)
Wax meegaaran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarid
m.dh la-mid: maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) maageer samayn; liin, deyr iyo wixii la mid ah wereejin oo wax maageersan ka dhigid.
meegaarid da: (magac, lab, keli) xaydaan ku wareejin dhinacyada ka xidhid. Dh: wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehaalin
m.f.dh eeg meehaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaali
(fal) sheedda ka eeg; meel fog ka eeg. Dh: jeedaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teegaarid
m.dh la-mid: taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarid
m.dh la-mid: maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ama ijaar ku meerin; miir ku wareejin. Dh: waageerid, meegaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weegaarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelaalin
m.f.dh eeg yeelaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida wax noqonayaan sii dhigid. Aqalka dhiskiisa yeelaalin ayaa ka horraysa.
yeelaalin -ta: (magac, dhedig, keli) qabatinka ugu horreeya ee haantu markay cusub tahay caanaha lagu shubo Yelaali gocayada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagaalle
-ha: (magac, lab, keli) dhir aan deegaanka ahayn oo meel kale laga keenay oo ay dhici karto in lagu sumoobo. Dh: garanwaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beegal
Standard
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bengali
m.l Sonkor buda ah oo laga keeni jirey Bengaladeesh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceebaal
(Ceebaal-ka)
Ceebi ku jirto; ceeb; xil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceebaal
m.l la-mid: ceeb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceebaal
m. n. shame, scandal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceebaal
-ka: (n) unfavorable judgment; shame (sheeym); embarrassment
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ceebaal
Vergognoso
Shameful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebaal
-ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo ceeb ah. Dh: fadeexad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceebaal
cf: fuxshi
de: shame, scandal
lx: ceebaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ceebaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceegaag
ceegaag¹: m.l la-mid: ceegaagid.
ceegaag²: f.g/mg1 (-gay, -gtay) C./ka c.: balli, weel, xero iyo wixi lamida buuxid (biyo, caano, xoolo iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceegaag
f.g/mg1 (-gay, -gtay) Ka c.: balli, weel, xero iyo wixi lamida buuxid (biyo, caano, xoolo iyo wixi lamida). m.f.dh, ceegaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceegaag
v. be filled up to the rim
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ceegaag
name-m, nickname-m rich, solid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ceegaag
magac loo baxsho wiil dhashay reerka oo aad u ladan dhaqaale ahaan ama Ilaahay loo baryayo in uu noqdo mid barwaaqo ku leda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceegaag
(fal) biyo iyo wixii la mid ah, si buuxda oo aan dhaqdhaqaaq lahayn u fadhiiso. Dh: wadhnaw.
ceegaag -ga: (magac, lab, keli) buuxsanaanta ballay iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceegaag
de: be filled up to the rim
lx: ceegaag
pd: (ceegaagay)
ps: v1=
key: ceegaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegaan
(Deegaan-ta)
Geedaha badan oo ka baxa dhulkii doogta oo roob badani ku da'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegaan
deegaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Geed weyn canjeelka u eg, sida badan webiga jiinkiisa ka baxa oo leh miro la cuno. 2. la-mid: degaan.
deegaan²: m.dh Doog meel roob badan ku da'ay ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deegaan
deegaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Geed weyn canjeelka u eg, sida badan webiga jiinkiisa ka baxa oo leh miro la cuno. 2. la-mid: degaan.
deegaan²: m.dh Doog meel roob badan ku da'ay ka baxa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deegaan
Vegetation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deegaan
f. n. forest, jungle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DEEGAAN
(Degan) S Mimusops somalensis Chiov. Sapotaceae.
S Mimusops fruticosa A.DC. Sapotaceae.
N Mimusops angel Chiov. Sapotaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deegaan
-ka: (n) 1. settlement (setalment); environment (envaayroment); residence (rezi-densi); domicile (dhomo-saayl) ~ dagaan, degaan, bey'ad, hooy. 2. regional state
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegaan
-ka: (magac, lab, keli) meesha ay dad iyo. duunyaba ku noolaan karaan ee ay degganyihiin. Dh: dagal, degaan, dagaan.
deegaan-ka: (magac, lab, keli) magac guud oo kulmiya buuraha, berriga, badda iyo meel kasta oo nololi ka jirto.
deegaan -ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo canjeelka u eg. Sida badan webiga jiinkiisa ayuu ka baxaa, waxaana u dhala miro la cuno.
deegaan-ta: (magac, dhedig, keli) qaanso roobaad midabbo toddoba ah oo kala duduwan leh oo roobka iyo cadceedda oo is qabatay ka dhalata oo sida qaansada u soo godan. Dh: jeegaan.
deegaan -ta: (magac, dhedig, keli) dhulka roobku aad ugu da'ay ee doogga iyo xareeddu isku qotomaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deegaan
de: forest, jungle
lx: deegaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: deegaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
deegaan
خارج
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DEELAAL
Cordia ovalis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DEELAAL
(Delal) C Cordia somaliensis Bak. Boraginaceae.
S,NFD Phyllanthus somalensis Hutch. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deewali
(Deewali-ga)
Boqorrada dumarku dhexda ku xirtaan, jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deewali
m.l (-iyo, m.dh) Boqorrada dumarku dhexda ku xirtaan, jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deewali
m. n. decorative women's belt, tasseled girdle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deewali
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah boqorka dumarku dhexda ku xidhaan. Dh: dhexidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deewali
de: decorative women's belt, tasseled girdle
lx: deewali
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: deewali

degaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: degaamee.