gedgeddoomid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddoomid
m.f.dh eeg gedgeddoon². la-mid: gadgaddoomid, gadgaddoon¹, gedgeddoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer kolba dhinac u rogmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddoomid
m.dh la-mid: gedgeddoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer isrogid oo gedgeddoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddoomid
(Geddoomid-da)
1. Dhinaca kale u rogmasho.
2. Dib u noqosho, isu laabid.
3. Beddelmid; doorsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddoomid
m.f.dh eeg geddoon². la-mid: gaddoomid, gaddoon¹, geddoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale u rogmasho. Dh: qalibmid.
geddoomid-da: (magac, dhedig, keli) halkii aad ka timid ku laabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddoon
gedgeddoon¹: m.l Isrogrogidda wax hadba dhinac isu rogaan. la-mid: gedgeddoomid.
gedgeddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; - oomi) Wax hadba dhinac u rogmay noqosho. la-mid: gadgaddoon².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gedgeddoon
gedgeddoon¹: m.l Isrogrogidda wax hadba dhinac isu rogaan.
gedgeddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; - oomi) Wax hadba dhinac u rogmay noqosho. m.f.dh, gedgeddoomid. la-mid: gadgaddoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddoon
-ka: (magac, lab, keli) rogrogmadka iyo isbedbeddelka wax qaab ku sugnayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddiyid
m.f.dh eeg gedgeddi. la-mid: gadgaddin, gadgaddis, gadgaddiyid, gedgeddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddoobid
m.f.dh eeg deddow. la-mid: daddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo. Dh: dhaxmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddoomid
m.dh la-mid: geddoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddoomid
-da: (magac, dhedig, keli) rogmashada shey, dhanka kale u qallibmo. Doonida waxa gaddoomidda ugu wacan miisaankii oo dhan u batay. Dh: qalibmid.
gaddoomid -da: (magac, dhedig, keli) soo laabasho: dib u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddin
m.dh la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhawr jeer rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddis
m.l la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddis
-ka: (magac, lab, keli) wax qaab ku sugnaa, kolba si u rogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedoobid
m.f.dh eeg geedow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caleen yaryarayd, geedo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoomid
(Guddoomid-da)
1. Wax laysu dhiibey ama laysa siiyey, si sharci ah u qabasho ama u qaadasho.
2. Guddoon dhacay qaadasho, oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoomid
m.f.dh eeg guddoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeryoomid
(Geeryoomid-da)
Naftu ka bixid; dhimasho; go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeryoomid
m.dh la-mid: geeryood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabgaddoomid
m.f.dh eeg midabgaddoon². la-mid: midabgaddoon¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoobid
m.dh la-mid: deddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada ka kaxaynta xoolo fara badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedoobid
m.f.dh eeg dhedow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddiyid
m.f.dh eeg geeddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid geeddi iyo socdaal gelin. Dh: guurin, rarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedqorid
m.dh la-mid: geedaqor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'doomid
m.f.dh eeg go'doon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoomin
(Guddoomin-ta)
1. Guddoon ridid.
2. Guddi madax u noqosho, u talin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoomin
m.f.dh eeg guddoomi. la-mid: guddoomis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddoomin
-ta: (magac, dhedig, keli) maamulid iyo maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoomis
m.l la-mid: guddoomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqtoomid
m.f.dh eeg deeqtoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqtoomid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay loogu baahnaa ka maarmid. Dh: kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddoon
gadgaddoon¹: m.l la-mid: gedgeddoomid.
gadgaddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; - oomi) la-mid: gedgeddoon².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddoon
-ka: (magac, lab, keli) is rogrogis; is bedbeddel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedaqorid
m.dh Habka loo farsameeyo geedaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godadoobid
m.f.dh eeg godadow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebtoomid
m.f.dh eeg reebtoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebtoomid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~ fal ka hadhid oo iska dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydhoomid
m.f.dh eeg weydhoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddiyid
m.dh la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kolba si u rogrogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb iyo canbaar ku haleesha. Dh: fadeexadaw.