gedfid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedfid
(Gedfid-da)
Gedef u yeelid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedfid
m.dh la-mid: gadfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha ka ilaalin oo dahaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gefid
(Gefid-da)
1. Wixii toosnaa oo la rabey in la sameeyo haleeli waayid; seegid.
2. Wax gardarro ah ama xumaato ah, ku kicid; falid, yeelid; gaboodfalid: (ama gafid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefid
m.dh la-mid: gafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii toosnaa oo la rabay in la sameeyo seegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadfid
(Gadfid-da)
Gedfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadfid
m.f.dh eeg gadaf². la-mid: gedfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadfid
-da: (magac, dhedig, keli) gadaf ama gedef u yeelid. Dh: dahaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedmid
-da: (magac, dhedig, keli) lumitaanka uu wax lumo ama tiro la gefo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gediyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rogid; wax beddelid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GENDIID
(Gandid) C Commiphora corrugata Gillett & Vollesen. Burseracese.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedid
-da: (magac, dhedig, keli) wax magatiisa laguu haysto wax dhiggiisa ah bixin. Bedid ninkii iga hayaw balo ku soo raacday. Dh: magid.
bedid-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar intii jeer ee lagaa dhaliyey dib u dhalin. Bediddii la sugayey hadday keeneen ciyaartooygu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dedid
(Dedid-da)
Ded u yeelid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedid
m.f.dh eeg ded². la-mid: dądid, ded¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhusha wax kaga tuulid. Ninka xummadu hayso dedidda ka daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar qaboobid. Cuntadu defidda ayay ku macaan tahay. Dh: qaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edgid
m.f.dh eeg edeg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedid
(Eedid-da)
Wax la falay ku bi'id; ku hoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedid
m.f.dh eeg eed². la-mid: eedis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedid
vl. n. hardship, oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qaldan oo la sameeyay wixii dhib ka dhashay dusha ku qaadasho oo ka qoomamayn; qalad aad geysatay daraaddii, guuldarraysad ama jabitaan. Eedidda looxtuuridda yaraanta waa la hubaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedid
de: hardship, oppression
lx: eedid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: eedid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo saami ka helid. Dh: eefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadid
(Gadid-da)
1. Alaabo ganacsi ah, lacag ka bixin oo dadkii lahaa ka soo wareejin.
2. Wax aan muuqan ka dhigid; qarin.
3. (weeso) jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadid
m.f.dh eeg gad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gadid
Vendita
Sale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lumin ama hallayn.
gadid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato lacag ku baddalasho. Dh: iibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gafid
(Gafid-da)
Gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafid
m.f.dh eeg gaf². la-mid: gefid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku faillaanshawaayid oo in ka go'id. Dh: gafitaan.
gafid-da: (magac, dhedig, keli) qaldamid oo danbaabid. Dh: gafis. Li: qummanaan, saxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebid
m.dh la-mid: gabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddi
(Geddi-ga)
(webi, kd.) dhinac, daan, gow, gebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddi
geddi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Webi, tog, iyo wixi lamida labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.
geddi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Is g.: wax laysku ogaa wax ka baddalan muujin. la-mid: gaddi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddi
geddi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Webi, tog, iyo wixi lamida labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.
geddi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Is g.: wax laysku ogaa wax ka baddalan muujin. m.f.dh, geddin. m.f.dh, geddiyid. la-mid: gaddi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddi
v.; v. turn over, overturn, turn upside-down, reverse; spill; transform, alter
geddi m. n. river bank; dry river bed; side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geddi
-yey I say: (v) tip over, upturn (ap teern); overturn (overteern); upset (ap-set), topple (tap-pel) ~ gembi, ganbi, gaddi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddi
(fal) weel iyo wixii la mid ah, rog oo dhanka kale u gembi. Dh: gembi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmi
f.g2 (-iyay, -isay) Tiro, xisaab iyo wixi lamida cid ka khaldid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gedmi
f.g2 (-iyay, -isay) Tiro, xisaab iyo wixi lamida cid ka khaldid. m.f.dh, gedmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedmi
v. make someone make a mistake in estimating ~ calculating
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gedmi
de: make s.o. make a mistake in estimating ~ calculating
lx: gedmi
pd: (gedmiyey)
ps: v2a=tr
key: gedmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelid
(Gelid-da)
Wax dhexdi ama gudihi gaarid, tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelid
m.f.dh eeg gal³. la-mid: galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelid
vl. n. entry, entrance, act of entering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelid
-da: (n) the act of entering ~ gelis-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelid
-da: (magac, dhedig, keli) gudaha gelid oo dhexda tegid. Gelidda xeryaha ciidanku amar la'aan waa halis. Li: bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelid
de: entry, entrance, act of entering
lx: gelid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: gelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
genid
m.dh la-mid: ganid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Geoid
Qaab dhuleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyid
(Geyid-da)
(guur) kuf u ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyid
m.f.dh eeg gey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyid
-da: (magac, dhedig, keli) guur ahaan, labo isu qalma oo dhaqan iyo diin ahaanba isu bannaan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godid
(Godid-da)
Qaab godan u yeelid; wax godan ka dhigid; soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godid
m.f.dh eeg god².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u qodid; hoos u daloolin. Godid ayay u baahan tahay meeshu si biyuhu u fadhiistaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudid
(Gudid-da)
1. (dhaqan: Muslin, Yuhuud, kd.) carruurta, wiilal iyo gabdhoba, buuryada ka goyn; (gabdho) bilisayn.
2. Habeen socosho; guurayn.
3. Deyn ama qaan laysku lahaa bixin.
4. Qiimaha ama waxtarka, qof ama neef xoolo ah, ama wax la ganacsadaa, yeelan karo ama lee yahay ama uu bixi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudid
m.f.dh eeg gud². la-mid: gudaal, gudmo (2), gudniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudid
-da: (magac, dhedig, keli) qaan ama abaal cid lagu lahaa oo dib loo bixiyo.
gudid-da: (magac, dhedig, keli) habeen socdaalid.
gudid-da: (magac, dhedig, keli) qof baaro ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ledid
(Ledid-da)
u jeelid; macaan ka helid; (ama ladid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ledid
m.dh la-mid: ladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ledid
-da: (magac, dhedig, keli) seexasho; gam'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Medid
(Medid-da)
Dhagax ku dilid; dhagxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
medid
m.dh la-mid: madid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
medid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ku dilid. Dh: dhagxin, shiidid, medis.
medid-da: (magac, dhedig, keli) jiididda iyo dheereynta xarakada meelo gaar ah oo Qur'aanka Kariimka ah iyadoo la raacayo qaacido tajwid ah Wax aan Qur'aan ahayn mediddu sharci maaha Dh: jiidid, medis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wedid
(Wedid-da)
Wed u noqosho; naf ka qabasho; dilid; (ama wadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wedid
m.f.dh eeg wed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashadiisa. sabab u noqosho; dhimasho u horseedid. Miinadu waxay qayb ka tahay wedidda kumayaal carruur ah. Dh: hodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yedid
m.f.dh eeg yed².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bedrid
(Bedrid-da)
Sida kolka la tartama hayo oo kale uga orodsiin; bedertan gelin; kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedrid
m.f.dh eeg beder². la-mid: beder¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedrid
-da: (magac, dhedig, keli) sida tartan oo kale u orodsiin. Dh: cayntaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedmid
m.f.dh eeg dedan². la-mid: dadmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafid
m.f.dh eeg gaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafid
-da: (magac, dhedig, keli) aroos u xafladayn; aroos gaaf u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiid
(Gadiid-da)
Hooska harkii waxa bixiyey gondohooda ku soo urura.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiid
m.l Waqtiga kala bara gelinka hore iyo gelinka dambe.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadiid
Apparent time
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gadiid
name: Gadid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiid
f. n., [collective] barren ~ unfertile land
gadiid [feminine] n. midday; noontime shadow (when shadows are smallest)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gadiid
nickname; name-m midday; noontime shadow (when shadows are smallest); barren, infertile land (born on barren land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gadiid
magac loo baxsho wiil dhashay milay duhur ah ama qurux badan oo sida dharaarta u cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiid
-ka: (magac, lab, keli) maalinta badhtankeeda marka uu hadhku labadaada gondood joogo. Dh: duhur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedaad
(Gedaad-ka)
Inta wax la qoonsado, la caroodo; dhirif; dharas; diidmo; guhaad; gadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedaad
gedaad¹: m.l la-mid: gadoodid.
gedaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: gadood².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedaad
m. n. anger
gedaad v. be angry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedaad
-ka: (magac, lab, keli) dhiisha marka culaygu ka xumaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddin
m.f.dh eeg geddi². la-mid: geddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddin
-ta: (magac, dhedig, keli) rogid oo dhanka kale u gembin. Dh: gembin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddis
(Geddis-ka)
Rogrogad; ganacsi; geddisasho; doorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddis
m.l 1. Rogrogis; ganacsi. 2. la-mid: geddiyid. la-mid: gaddis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddis
m.l 1. Rogrogis; ganacsi. 2. la-mid: gaddis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddis
vl. n. change, exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg geddin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geddis
de: change, exchange
lx: geddis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: geddis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedfan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gadfan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfan
(tilmaame) dusha ka ilaashan ama dahaadhan. Dh: dahaadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gediir
(Gediir-ka)
Gadiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gediir
m.l la-mid: gadiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gediir
m. n., [collective] fish species