gedfani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gedfanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedfan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gadfan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfan
(tilmaame) dusha ka ilaashan ama dahaadhan. Dh: dahaadhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyfani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg geyfanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadfan
Gedfan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadfan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax, wax ku gadaaman ahaansho. 2. Wax, wax kale dahaar looga dhigay ahaansho. la-mid: gedfan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadfan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax, wax ku gadaaman ahaansho. 2. Wax, wax kale dahaar looga dhigay ahaansho. m.f.dh, gadfanaan. la-mid: gedfan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadfan
der. [adjective] covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadfan
(tilmaame) gedef loo yeelay oo dahaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadfan
de: covered rw: gadaf
lx: gadfan
pd: (gadfanaa)
ps: adj-der
key: gadfan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedaan
-ka: (magac, lab, keli) haanta guudkeeda; saabka haanta qarkiisa ama geerkiisa. Dh: gadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyfan
Hawl qabasho ama wax kale u diyaar ah oo marada u xeytey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyfan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) U. g: hawl qabashadeed, wax u diyaar ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geyfan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) U. g: hawl qabashadeed, wax u diyaar ah ahaansho. m.f.dh, geyfnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyfan
der. [adjective] with one's loins girded for action
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geyfan
nickname-f the state of being ready for action. Lit: he who is always alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geyfan
magac ama naanays loo baxsho gabadh u heellan in wax la qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyfan
(tilmaame) dhiirrani ku hubaysan oo diyaarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyfan
de: with one's loins girded for action
lx: geyfan
pd: (geyfnaa)
ps: adj-der
key: geyfan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geyfane
nickname-m the state of being ready for action. Lit: he who is always alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geyfane
magac loo baxsho wiil hawlkar ah oo heellan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudbani
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhinac u yaalla ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedfanaan
m.dh la-mid: gadfanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dusha ka ilaashan ama dahaadhan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedaadid
(Gedaadid-da)
Carasho; dhirfid; dharsid; wax diidid; geyrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedaadid
m.dh la-mid: gadoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedqarsi
-ga: (magac, lab, keli) tab xeeladaha garta ka mid ah oo waxaad maaggan tahay horay loo sii shaacine si dhinaca keli goldaloolo uga sii helin ama uga sii gaashaaman. Dh: sirlahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyfanow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax hawl qabashadeeda u diyaar ah noqosho. la-mid: geyfnow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyfanow
(fal) mid hawl qabashadeeda u diyaar ah noqosho. Dh: geyfnow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dani
dani¹: m.l Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iyo wixi lamida. la-mid: deni.
dani²: m.dh Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iyo wixi lamida deyr looga dhigo; dano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dani
dani¹: m.l Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iyo wixi lamida. la-mid: deni.
dani²: m.dh Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iyo wixi lamida deyr looga dhigo; dano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dani
-ga: (magac, lab, keli) male iyo mala'awaal aan xaqiiqo ku fadhiyin. Doob dani baa dilay. Dh: danni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geni
(Geni-ga)
Lacag dahab ah oo Ingiriisku soo saari jirey, lase joojiyey 1813, oo ka dhignaan jirtey 21 shilin; (ama Gini).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geni
m.l 1. Lacag dahab ah oo Ingiriisku samayn jirey waayadii hore. 2. Lacag waraaq ah oo u dhiganta labaatan shilin. la-mid: gini.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geni
m.l 1. Lacag dahab ah oo Ingiriisku samayn jirey waayadii hore. 2. Lacag waraaq ah oo u dhiganta labaatan shilin. la-mid: gini.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Geni
pr. n., [feminine] Geni, Guinea
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geni
m. n., [collective] guinea; pound (sterling); twenty shillings
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geni
name-f Geni, guinea; pound (Sterling); twenty shillings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geni
-ga: (n) 1. twenty Somali Shilling. 2. British pound
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daani
daani¹: m.l 1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan.
daani²: m.l Nin aan la gafin toogta wax uu nishaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daani
daani¹: m.l 1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan.
daani²: m.l Nin aan la gafin toogta wax uu nishaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daani
-ga: (magac, lab, keli) bahal yar oo midhahal iyo dalagga cuna oo dhuuxa ka gala. Daani baa hadhuudhkii cunay. Dh: daaniye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedan
dedan¹: m.dh Waqti wixii la sheegaa aanay shaac bixin oo qarsoomaan. la-mid: dadan¹.
dedan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la deday noqosho. la-mid: dadan².
dedan³: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la deday ahaansho. la-mid: dadan³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dedan
dedan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la deday noqosho. m.f.dh, dedmid. la-mid: dadan.
dedan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la deday ahaansho. m.f.dh, dednaan. la-mid: dadan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dedan
der. [adjective] covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedan
(tilmaame) wax aan la arag, wax ayna ishu arki karin oo wax kale saaran yahay. Dh: dahsoon, daboolan, qarsoon, khabbaysan, daahan, dadan.
dedan-ta: (magac, dhedig, keli) waqti wixii la sheegaa aanay shaacbixin oo qarsoomaan. Dh: dadan. Li: daalacan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dedan
de: covered
lx: dedan
pd: (dednaa)
ps: adj-der
key: dedan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANI
(Dani) NFD,S Boscia tomentella Chiov. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaani
(Gaani-ga)
Yaxaas koray oo xooggiisii dhammaystay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaani
m. n. full-grown crocodile
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaani
de: full-grown crocodile
lx: gaani
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gaani
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadan
inch. v. get sold, be sold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gadan
-aa: (adj) sold (sooldh); already sold
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadan
de: get sold, be sold
lx: gadan
pd: (gadmay)
ps: v1=inch
key: gadan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
géant
géant, adj. et n. - qof aad iyo aad u weyn, dheer, xoog badan caadiga ka dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddi
(Geddi-ga)
(webi, kd.) dhinac, daan, gow, gebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddi
geddi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Webi, tog, iyo wixi lamida labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.
geddi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Is g.: wax laysku ogaa wax ka baddalan muujin. la-mid: gaddi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddi
geddi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Webi, tog, iyo wixi lamida labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.
geddi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Is g.: wax laysku ogaa wax ka baddalan muujin. m.f.dh, geddin. m.f.dh, geddiyid. la-mid: gaddi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddi
v.; v. turn over, overturn, turn upside-down, reverse; spill; transform, alter
geddi m. n. river bank; dry river bed; side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geddi
-yey I say: (v) tip over, upturn (ap teern); overturn (overteern); upset (ap-set), topple (tap-pel) ~ gembi, ganbi, gaddi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddi
(fal) weel iyo wixii la mid ah, rog oo dhanka kale u gembi. Dh: gembi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmi
f.g2 (-iyay, -isay) Tiro, xisaab iyo wixi lamida cid ka khaldid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gedmi
f.g2 (-iyay, -isay) Tiro, xisaab iyo wixi lamida cid ka khaldid. m.f.dh, gedmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedmi
v. make someone make a mistake in estimating ~ calculating
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gedmi
de: make s.o. make a mistake in estimating ~ calculating
lx: gedmi
pd: (gedmiyey)
ps: v2a=tr
key: gedmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefsi
m.l la-mid: gefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
genan
f.mg4 (-nnaa, -nnayd) la-mid: ganan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godan
1. Aan dhab u kala baxsanayn; laaban; qalloocan; nadoocsan; xoodan; booran.
2. (Godan-ta) Xiidanka yaryar cadka ugu horreeya oo caloosha madaxa ku haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godan
godan¹: m.dh 1. Xiidmaha yar yar meesha qalloocan ee ay ka lowdaan. 2. la-mid: godin. Magac falag.
godan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la godey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la godey ahaansho. m.f.dh, godnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godan
der. [adjective] curved, bent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godan
-aa: (adj) bended (beendidh); curved (kuurvidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godan
(tilmaame) meel hoosaysa ama weel leh meel ay wax u joogsadaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godan
de: curved, bent
lx: godan
pd: (godnaa)
ps: adj-der
key: godan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg godnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudan
La gudey; buuryadii laga gooyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la guday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudan
der. [adjective] circumcised
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudan
-aa: (adj) removed the prepuce or a part of the clitoris; circumcised ; (serkamseeysidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudan
(tilmaame) qof buuryadii laga jaray oo la xalaaleeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudan
de: circumcised
lx: gudan
pd: (gudnaa)
ps: adj-der
key: gudan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jedan
(tilmaame) dad u buka si wadar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
medan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: madan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
medan
(tilmaame) dhagax ku dilan. Nin medan ayaa xabaalaha lagu aasay.
medan: (tilmaame) med leh oo la jiiday ah Qur'aanka ereyga medan waa la dheereeyaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sedan
/sidaan/ (n) baabuur daboolan oo afar qof ama ka badan loogu talagalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedaan
-ka: (magac, lab, keli) jaad mid ah gaadiidka badda, doontana ka yar huudhigana ka weyn oo lagu kalluumaysto. Dh: beden.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bedpan
(n) a metal, glass, or plastic container for receiving human bodily waste,
weelka lagaga qaado udaha qofka buka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: daddan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deddan
der. [adjective] impetuous, too eager, at an emotional peak, impulsive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deddan
de: impetuous, too eager, at an emotional peak, impulsive
lx: deddan
pd: (deddanaa)
ps: adj-der
see: daddan
key: deddan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaan
(Eedaan-ka)
(xoolo) ci xanuun keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaan
eedaan¹: m.l la-mid: aadaamid.
eedaan²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: aadaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedaan
vl. n. animal's cry of pain
eedaan v. cry with pain (of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedaan
-ka: (n) mournful cry made by animals, usually indicative of pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaan
(fal) salaadda dadka ugu yeedh; sallaadda ku baaq. Dh: aadaan, adaan.
eedaan: (fal) riyo, qalaad; ci'.
eedaan -ka: (magac, lab, keli) ereyo af Carabi ah oo ka bilaabma 'Allaahu akbar' kuna dhammaada 'laa ilaaha illaa Allaahu' oo loo sharciyeeyey in salaadda la iskugu yeedho; baaqa marka salaadda waqtigeegu gaadho dadka lagu ogaysiiyo. Dh: aadaan, adaan.
eedaan -ka: (magac, lab, keli) ci'da iyo qalaadka ri'yaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedaan
de: animal's cry of pain
lx: eedaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: eedaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fedadi
(fal) sas iyo argagax lala cararo ku rid. Fedadi tuugta oo eryo. Dh: argagixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafan
der. [adjective] ready, prepared, willing, disposed to
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaafan
nickname; name-f ready, prepared, willing, predisposed. Syn: Gaafane, Gaafow