ereyga

gebikayeer

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gebikayeer

DHAN
1

(Gebikayeer-ka)

2

Yeer ama cod ama dhawaaq la sameeyo oo haddana isla kolkaa dhegta kusoo noqda oo la maqlo; waxaa ku wacan, kolka la dhawaaqo waxaa samaysma hirar (mowjado) hawada dhexdeeda mara haya; hirarkaas dhawaaqu hadday hardiyaan gebi dheer oo siman, dib bay isu soo jinbacaan oo u soo laabtaan oo kol labaad la maqlaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gebikayeer

DHAN

m.l Codka ay soo celiyaan qararka iyo wixi lamida marka u dhowi dhawaaqsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gebikayeer

DHAN

m.l Codka ay soo celiyaan qararka iyo wixi lamida, marka u dhowi dhawaaqsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gebikayeer

DHAN

m. n., [compound] echo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gebikayeer

DHAN
1

de: echo

2

lx: gebikayeer

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-cmp

5

key: gebikayeer

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gebikayeedh

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) codka gebiyada ama buuraha ka soo noqda kolka la yeedho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ambiyeer

DHAFANDHAAF

m.l (-ro, m.dh) (fiisikis) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ambiyeer

DHAFANDHAAF

m.l (-ro, m.dh) (fiisikis) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ambiyeer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) halbeegga cabbiraadda maayadda danabka ee dhexmaraysa mareegta. Ambiyeer waxa lagu waariyay magaca saynisyahankii Andaree Maari Ambiyeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Webiyeed

DHAFANDHAAF

Fluvial

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cirkayeer

DHAFANDHAAF
1

(Cirkayeer-ka)

2

Shinbir cod dheer oo habeenkii keliya cidiisa la maqlo; (shinbir la arkay ma aha); (ama cirsankayeer).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cirkayeer

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) Shimbir habeenkii ciya oo saadaaliya roob. la-mid: cirsankayeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cirkayeer

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) Shimbir habeenkii ciya oo saadaaliya roob. la-mid: cirsankayeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cirkayeer

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] bird sp, which makes loud chirp

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cirkayeer

DHAFANDHAAF
1

de: bird sp, which makes loud chirp believed to be a sign of unexpected good news

2

lx: cirkayeer

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-cmp

5

key: cirkayeer

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dockayeer

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) Qof hadal socda, hadal aan xikmad lahayn ku darsada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dockayeer

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) Qof hadal socda, hadal aan xikmad lahayn ku darsada.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gebagabee

DHAFANDHAAF

(fal) gabagabee oo dhamee; gunaanad hawl. Soo gebagabee hadalka. Li: bilow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gibilxeer

DHAFANDHAAF

m.l Xarig aad u dheer la isticmaalo in geel korkiis rar oo dhan ku xirayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gibilxeer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xadhigga aqalsoomaaliga dusha lagaga soo xeero si ayna dabayluhu wax u yeelin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

geelkadheera

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) geedmidhood la jaad ah gomoshka kase dheer oo ay midhihiisa dad iyo duunyaba cunaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gaaridameer

DHAFANDHAAF

-ka: (n) donkey-drawn cart or carriage (kaar-reeyj)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaaridameer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) gaadiid labo lugood iyo sagxad leh oo dameer xagga hore ka jiido. Dh: gaariximaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gebidhaclee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gebidhaclee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gebidhaclee

DHAFANDHAAF

v. roll over and over, fall head over heels; blunder

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gebidhaclee

DHAFANDHAAF
1

de: roll over and over, fall head over heels; [fig.] blunder

2

lx: gebidhaclee

3

pd: (gebidhacleeyey)

4

ps: v2b=

5

key: gebidhaclee

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

GEED-DAMEER

DHAFANDHAAF

(Ged-damer) S Cassia occidentalis L. Caesalpinaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

GEES-DAMEER

DHAFANDHAAF

(Ghesdamer) C Maerua somalensis Pax. Capparidaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

germinateur

DHAFANDHAAF

germinateur, n.m. - awood wax bixin leh.

waa la naqliyay ✓