gebidhacle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebidhacle
(Gebidhacla-ha)
Aan bohosha salkeeda ama ceelka salkiisa toos loo aadine, hadba gebi laga dhaco, ama lagu sii dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhacle
m.l Socod dalambaabi ah oo hadba dhan loo dhaco. la-mid: gebidhaclayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhacle
m. n. rolling ~ falling down, rolling over and over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebidhacle
-ha: (magac, lab, keli) bohosha ama ceelka aanan salkooda toos loogu dhicin ee hadba gabi lagu sii dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhacle
de: rolling ~ falling down, rolling over and over
lx: gebidhacle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gebidhacle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gebidhaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhaclee
v. roll over and over, fall head over heels; blunder
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhaclee
de: roll over and over, fall head over heels; [fig.] blunder
lx: gebidhaclee
pd: (gebidhacleeyey)
ps: v2b=
key: gebidhaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebidhac
(Gebidhac-a)
Aan bohosha ama ceelka salkiisa toos loo aadine, hadba gebi lagu sii dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhac
m.l 1. Dalambaabiyidda wax socda sabbaynaya sameeyaan. 2. Wax dhulka hoostiisa u sooda oo hadba gebi ku sii dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gebidhac
m.l 1. Dalambaabiyidda wax socda sabbaynaya sameeyaan. 2. Wax dhulka hoostiisa u sooda oo hadba gebi ku sii dhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhac
v., [compound] roll down a slope, fall head over heels; be indecisive ~ inconstant, vacillate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebidhac
(fal) gef iyo khalad, samee.
gebidhac-a: (magac, lab, keli) meel kadhac; khalad ama gef samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhac
de: roll down a slope, fall head over heels; [fig.] be indecisive ~ inconstant, vacillate
lx: gebidhac
nt: gebidhac (a) [vn2a-m]
pd: (gebidhacay)
ps: v1=cmp
key: gebidhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebidhaclayn
(Gebidhaclayn-ta)
Hadba gebi ku sii dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclayn
m.f.dh eeg gabidhaclee. la-mid: gebidhacle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebidhaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhacdhacid ama liicliicid. Isagu waa duq gabi dhaclayn badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclays
m.l Si habjaq ah u socosho. la-mid: gebidhaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deridhacyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Qof socda tabardarro awgeed hadba dhan u liicid. 2. Qof dan la'aan u wareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deridhacyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Qof socda tabardarro awgeed hadba dhan u liicid. 2. Qof dan la'aan u wareegid. m.f.dh, deridhacyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbidhabad
-ka: (magac, lab, keli) degganaansho la'aan. Gelbidhabadka waxa iigu wacan hal ii gaar ah. Li: degganaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Webi dhagaxle
Stone river
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Debacle
Baraf fatihin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka labada hareero ka xiga badhaha dhulka ilaa shan dhigrii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidaarle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: bidaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidaarle
m. n. bald person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaarle
-ha: (magac, lab, keli) wax madaxa intiisa sare timo ku lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidaarle
de: bald person
lx: bidaarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: basoole
key: bidaarle
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birhayle
Nooc ka tirsan qardhabada birta ee ka samaysan birlab heer sare ah oo lagu jaro birnugaylka fidsan, siligga iyo wixii la xiriira oo qaradoodu ku siman tahay ilaa mm. 2.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Delidhac
(Delidhac-a)
Jarkadhac; meelkadhac; dhibtood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
delidhac
delidhac¹: m.l 1. Jar ka dhac. 2. la-mid: delidhacid.
delidhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka dhicid meel deli ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
delidhac
m.l 1. Jar ka dhac. 2. la-mid: delidhacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
delidhac
v., [compound] fall into a hole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delidhac
-a: (magac, lab, keli) dhicidda meel jarab laga soo dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
delidhac
de: fall into a hole
lx: delidhac
pd: (delidhacay)
ps: v1=cmp
key: delidhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabadhle
-ha: (magac, lab, keli) mayay fudud; roob habeenkii da'a oo aanan xoog badnayn oo tiixtiix ah, horayse aan u qaadin. Dh: dhabacle, mirtifiqle, tumay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GODHAALE
(Godale) N Fagonia schweinfurthii Hadidi Zygophyllaceae.
N Fagonia charoides Chiov. Zygophyllaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubadhle
-ha: (magac, lab, keli) roob aayar da'a. Dh: mirtifiqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhaale
-ha: (magac, lab, keli) qof cedaysan cidda u dhaw ee gardarradiisa qaban karta gartiisana u dooni karta. Dh: xidhe, dhawaale, aabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badidhace
badidhace¹: m.l (xisaab) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
badidhace²: m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badidhace
badidhace¹: m.l (xisaab) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
badidhace²: m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badidhace
Mode
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debedgale
-ha: (magac, lab, keli) xayawaan aan dadka la noolayn oo buuraha iyo kaymaha ku nool. Dh: duurjoog, dibadgale. Li: dabjoog, docjoog.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
perishable
/perishabal/ (adj) cuntada dhakhso u qurunta (dhakhso u suyucda).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelmidhabad
(Gelmidhabad-ka)
Gelmidhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelmidhabad
m.l la-mid: gelmidhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelmidhabad
-ka: (magac, lab, keli) noole, cayayaanka iska duulduulintiisa iyo ka gilgilashaddiisa. Dh: galmidhabad, gilgilasho.
gelmidhabad -ka: (magac, lab, keli) degganaan la'aan. Dh: galgalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaale
-ha: (magac, lab, keli) su'aalo sarbeeb ah oo hablaha iyo innamada guurdoonka ahi isweydaarsadaan ama farriimaha maldahan laga dhigo oo Soomaalida caan ku ah carruurtana waxa lagu ababiyaa inta ay yaryar yihiin; masalooyin kookooban oo macna badan wata ka jawaabiddooduna fiiro u baahantahay oo la iswaydiidyo. Haddaad xil qaadi karayso halxidhaale ka jawaab. Dh: diinley, masalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedkiidhale
-ha: (magac, lab, keli) qof isagoo gaboobay ilmo yar dhala. Raggu waa walaalkii dhale, wiilkii dhale iyo wedkiidhale.