gebidhaclays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclays
m.l Si habjaq ah u socosho. la-mid: gebidhaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebidhaclayn
(Gebidhaclayn-ta)
Hadba gebi ku sii dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclayn
m.f.dh eeg gabidhaclee. la-mid: gebidhacle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebidhaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhacdhacid ama liicliicid. Isagu waa duq gabi dhaclayn badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebidhacle
(Gebidhacla-ha)
Aan bohosha salkeeda ama ceelka salkiisa toos loo aadine, hadba gebi laga dhaco, ama lagu sii dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhacle
m.l Socod dalambaabi ah oo hadba dhan loo dhaco. la-mid: gebidhaclayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhacle
m. n. rolling ~ falling down, rolling over and over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebidhacle
-ha: (magac, lab, keli) bohosha ama ceelka aanan salkooda toos loogu dhicin ee hadba gabi lagu sii dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhacle
de: rolling ~ falling down, rolling over and over
lx: gebidhacle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gebidhacle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gebidhaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhaclee
v. roll over and over, fall head over heels; blunder
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhaclee
de: roll over and over, fall head over heels; [fig.] blunder
lx: gebidhaclee
pd: (gebidhacleeyey)
ps: v2b=
key: gebidhaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deridhacyayn
m.f.dh eeg deridhacyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalays
-ka: (magac, lab, keli) hadallo sarbeeb ah isku xidhid oo ku tartamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqlay
(fal) kolba wax jilicsan, ha kaa soo dhaco. badhaqlayn -ta: (magac, dhedig, keli) kolba wax jilicsan, soo ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhalays
-ka: (magac, lab, keli) noole da'dii la dhalayay gaadhay oo xanuun ama abuur Ilaahay darteed aan dhalin isaga oo galmoodkii loo baahnaa sameeyey Sac madhalays ah ayuu iibsaday. Li: dhalooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaarays
-ka: (magac, lab, keli) farxad iyo wanaag ugu bishaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habhablayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ma dhalays
-ah: (adj) infertile (infeertal), sterile (isteeral), barren (baaran), or impotent (im po tanf) male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbidhabad
-ka: (magac, lab, keli) degganaansho la'aan. Gelbidhabadka waxa iigu wacan hal ii gaar ah. Li: degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guridambays
m.l Carruur isku hooyo ah kan ugu dambeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guridambays
m.l Carruur isku hooyo ah kan ugu dambeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guridanbays
-ka: (magac, lab, keli) ilmaha reerka u yar ee lagu dhalmo daayo. Dh: gurudanbays. Li: curad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) halxidhaale ciyaarid. Dh: googaalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-dhallaan
m.l Geed dhirta la baaseysto ka mid ah oo caruurta lagu daaweeyo, lana aaminsanyahay in la gooyo cawaweerka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, su'aal dadban ku xujayn; halxidhaale ku xidhid. Dh: halxidhaalays.