gebidhaclayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebidhaclayn
(Gebidhaclayn-ta)
Hadba gebi ku sii dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclayn
m.f.dh eeg gabidhaclee. la-mid: gebidhacle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebidhaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhacdhacid ama liicliicid. Isagu waa duq gabi dhaclayn badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclays
m.l Si habjaq ah u socosho. la-mid: gebidhaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebidhacle
(Gebidhacla-ha)
Aan bohosha salkeeda ama ceelka salkiisa toos loo aadine, hadba gebi laga dhaco, ama lagu sii dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhacle
m.l Socod dalambaabi ah oo hadba dhan loo dhaco. la-mid: gebidhaclayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhacle
m. n. rolling ~ falling down, rolling over and over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebidhacle
-ha: (magac, lab, keli) bohosha ama ceelka aanan salkooda toos loogu dhicin ee hadba gabi lagu sii dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhacle
de: rolling ~ falling down, rolling over and over
lx: gebidhacle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gebidhacle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gebidhaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhaclee
v. roll over and over, fall head over heels; blunder
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhaclee
de: roll over and over, fall head over heels; [fig.] blunder
lx: gebidhaclee
pd: (gebidhacleeyey)
ps: v2b=
key: gebidhaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deridhacyayn
m.f.dh eeg deridhacyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-dhallaan
m.l Geed dhirta la baaseysto ka mid ah oo caruurta lagu daaweeyo, lana aaminsanyahay in la gooyo cawaweerka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, su'aal dadban ku xujayn; halxidhaale ku xidhid. Dh: halxidhaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqlay
(fal) kolba wax jilicsan, ha kaa soo dhaco. badhaqlayn -ta: (magac, dhedig, keli) kolba wax jilicsan, soo ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisharayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u cid kale, war farxadi ka buuxbdo u sheegid. Bishaarayntay roobkiyo, barwaaqaan Bismillaahi sugaynaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaclayn
(Dhaaclayn-ta)
Dhaacle ka dhigid; si dhacle ah u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaclayn
m.f.dh eeg dhaaclee. la-mid: dhaalcayn, dhaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaacle ka dhigid; sida dhaaclaha u samayn. Dh: dhaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eridhaban
(Eridhaban-ka)
Insaarax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eridhaban
m.l.u Hal dhashay oo ilmihii laga reebay. la-mid: eeridhaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eridhaban
m. n., [collective] mother animal's call to its young
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eridhaban
-ka: (n) animal's cry to its young, especially camel ~ olol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eridhaban
-ta: (magac, lab, keli) eeg ayrodhaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eridhaban
de: mother animal's call to its young
lx: eridhaban
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: eridhaban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaclayn oo buuxid darteed la dhaqdhaqaaqid. Kolka roobku da'o galaclaynta dhijaamaha ayaa meel dheer laga arkaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godadlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba god gelid; si xun u dhaqmid oo jarjarid. Godadlayntu waa maxay? waad iga gardarantee!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qabac' samayn oo ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laxda oo codka 'bacaac' ku celcelisa. Bacaaclaynta laxda meel fog baa laga maqlayaa. Dh: macaaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacbaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadha 'bacbac' soo celcelin. Waa sangadh ka yeedha wax la isku gaaracayo ama la isku dhufanayo sida sacabbada. Bacbaclaynta sacabkiyo, qosolkiinnu badanaa, birqaankiinnu muu jabin?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bishaarayn
(Bishaarayn-ta)
Bishaaro sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaarayn
m.f.dh eeg bishaaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeridhaban
m.l.u la-mid: eridhaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeridhaban
-ta: (magac, dhedig, keli) geela, hasha dhowaan dhashay ee neefkeegii laga reebo. Dh: ramad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socday soo dhammayn; soo afjarid. Dh: gabagabayn, dhamayn, gunaanad. Li: bilaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebi ahaan
[adverbial] [expression] as a whole, in general, generally
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gebi'ahaan
-ba: (adv) entirely (in taayer li); wholly (hooli); completely (kem-piliit-li)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebi_ahaan
de: as a whole, in general, generally
lx: gebi ahaan
ps: adv-expr
key: gebi_ahaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habhab ut socosho ama u ordid. Dadka culculus orokoodu waa habhableyn. Dh: habhablays, buldhuqbuldhuqleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibudhacsan
Comp. adj., (ie. n., adj.): late, postponed, delayed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibudhacsan
de: late, postponed, delayed
lx: dibudhacsan
pd: (dibudhacsanaa)
ps: adj-cmp
key: dibudhacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbidhabad
-ka: (magac, lab, keli) degganaansho la'aan. Gelbidhabadka waxa iigu wacan hal ii gaar ah. Li: degganaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goondhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si boob ku jiro, hareeraha wax uga cunid ama uga jiidasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haldhabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadablayn
m.f.dh eeg labadablee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labakaclayn
(Labakaclayn-ta)
Labo jeer kicid ama boodid ama soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labakaclayn
m.f.dh eeg labakaclee. la-mid: labakacle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo jeer kicid ama boodid. Riddadaydu labakaclayn bay sii samaysay intaanay derbiga gaadhin.
labakaclayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhammeeyay oo laga bogsaday haddana dib u soo gocasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meerdhafayn
Amalgamation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayidcalayn
(fal) qofka kolka abaalkiisa laga waraabiyo, ee hagaag loo jilciyo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-DHALAAN
(Ged-dalan) N, C Adenia ellenbeckii Harms Passifloraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo meel si ciriiri ah uga soo baxaya shanqadha uu sameeyo oo is dabajoog ah. Badhadhaqlayn badanaa ma danbar geel buu dhamay! Dh: badhbadhlayn, baqbaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalays
-ka: (magac, lab, keli) hadallo sarbeeb ah isku xidhid oo ku tartamid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Webi dallacan
Antecedent river
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameeradhaglayn
m.f.dh eeg dameeradhaglee. la-mid: dameerabilayn.