gebagebo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gebagebo
-gebagebada: (n) end of the matter, last part: conclusion (kon-kuluushen); completion (kern piliishen) ~ gabagabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagebo
-da: (magac, dhedig, keli) dhammaadka hawl socotay. Dh: gabogabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebaggebo
(Gebaggeba-da)
Gabaggabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebaggebo
m.dh la-mid: gabaggabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebaggebo
f. n. conclusion, summing up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebaggebo
de: conclusion, summing up
lx: gebaggebo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gebaggebo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagabo
-da: (magac, dhedig, keli) dhammaadka ay hawli leedahay. Dh: gabagabo, dhammaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhir
-ka: (magac, lab, keli) gebagabada ugu dambaysa ee wax ku dhammaado. Dh: dabayood, gebagebo, dhammaad. Li: bilaw.
aakhir -ka: (magac, lab, keli) Quraanka qaybtiisa danbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaad
-ka: (magac, lab, keli) gebagebood. Waxan sugaynay dhammaadka xafladda. Dh: dhammaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaysnimo
-da: (magac, dhedig, keli) gebagebo dhamaystir ahaan. Xaalxaalku dhammaynimada aqalka ayuu tusayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diddiif
-ta: (magac, dhedig, keli) ereyo hordhac ah oo ducada dabadeed garnaqsiga lagu furfurto sida: dhibaabe waa nin leh, gar cadaawe waa la yaqaan, wixii hadhi jiray iga hadhan... Islaam Alloow erey waa iga duco, ereyna waa iga diddiif, ereyna waa iga maluug. Dh: afeef, araar, hordhac. Li: gebagebo, gunaanad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gugun
-ta: (magac, dhedig, keli) xaajada marka lagu jiro ee la kala faqo. Dh: gebagebo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaatimays
-ka: (magac, lab, keli) gebagebood: dhammaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagebee
(fal) dhammee oo ebi. Sheekada soo gebagebee. Dh: gabagabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebgeb
(ereycodeed) tusmeeya sanqadha wax la baadhayo oo aan la garanayn meesha uu yaal oo hadba meel loo cararo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gegebo
-da: (magac, dhedig, keli) ugu dambaynta; dhammaadka. Dh: gebagebo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geggebo
f. n. plant species, used as medicine for animals
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geggebo
a: goggobo
de: plant sp., used as medicine for animals
lx: geggebo
pd: (/ta)
ps: n6-f
key: geggebo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabagabo
- gabagabada: (n) end of the matter, last part: conclusion (kon kuluushen); completion (kem piliishen) xiritaan, dhammaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabo
-da: (magac, dhedig, keli) dabayaaqo ama dhammaad. Li: billaw.
gabagabo -da: (magac, dhedig, keli) gelitaan coleed oo lamafilaan ah; weerar degdeg ah. Xalay beesha colbaa gabagabo ku galay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedagedo
-da: (magac, dhedig, keli) xeelad ama farsamo khiyaamo ku jirto. Dh: gadagado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagebeyso
(fal) hawl kuu socotay, soo afjaro.
gebagebeyso: (fal) sababo sharcigu banneeyay aawadood, ciid ku weysayso oo salaadka ku bannayso. Dh: tayamum, gabagabayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagebeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ebyid oo dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebaggebee
f.g2 (-beeyay, -beysay) la-mid: gabaggabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaggabo
(Gabaggaba-da)
Magaalo ama dad ama xoolo col xoog ku qabsaday oo dul fadhiyo; (ama gebaggebo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaggabo
m.dh 1. Dhac weyn. 2. Dhameystirka lagu sameeyo hawl, arrin iyo wixi lamida. la-mid: gebaggebo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabaggabo
m.dh 1. Dhac weyn. 2. dhameystirka lagu sameeyo hawl, arrin iyo wixi lamida. la-mid: gebaggebo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaggabo
f. n. conclusion, summing up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaggabo
a: gebaggebo
de: conclusion, summing up
lx: gabaggabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gabaggabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagabee
(fal) gabagabee oo dhamee; gunaanad hawl. Soo gebagabee hadalka. Li: bilow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebageysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl kuu socotay, soo afjarasho.
gebageysi -ga: (magac, lab, keli) sababo sharcigu banneeyay aawadood, carro ku weysaysi oo salaad ku bannaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagebeysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl kuu socotay, soo afjarasho.
gebagebeysi-ga: (magac, lab, keli) sababo sharcigu waafaqsan yahay aawadood, ciid ku waysaysi oo salaad ku bannaysi. Dh: tayamumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebaggebeyn
m.dh la-mid: gabaggabayn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GAGABO
Iphiona rotundifolia 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEGABBO
(Gegebo) S, N Vernonia mogadoxensis Chiov. Compositae.
C,N Iphionopsis rotundifolia (Oliv & Hiern) Auderberg. Compositae.
N Pluchea pinnatifida Hook.F. Compositae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gerbage
gerbage, n.m. - isku xidh; isku uruurin,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabogabo
-da: (magac, dhedig, keli) hawl socotay inta ugu danbaysa; meesha hawl lagaga faraxasho. Dh: gabagabo, dhammaad, dabayaaqo. Li: billaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socday soo dhammayn; soo afjarid. Dh: gabagabayn, dhamayn, gunaanad. Li: bilaabid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabagabee
-yey / gabagabeysay: (v) 1. bring to an end; complete (kem pilii); conclude (kon kuluudh). 2. put out of order; round up; disturb (dis teerb). Ex: wuuna gabagabeeyey; he disturbed us
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabee
(fal) hawl soo dhammaystir. Dh: idlee, dabayaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbaxero
-da: (magac, dhedig, keli) shaash dhogor ah oo goobo sameeya oo iduu labada garab dhexdooda ku yeeshaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedaggoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) 1. Wax sixrid. 2. Laamo u jarid, si ay u daaqaan caleenta ku taal (xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedaggoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) 1. Wax sixrid. 2. Laamo u jarid, si ay u daaqaan caleenta ku taal (xoolo). m.f.dh, geedaggoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedaggoo
v. cut the buds ~ sprouts of some plants
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedaggoo
de: cut the buds ~ sprouts of some plants (e.g., in order to give them to goats during a drought)
lx: geedaggoo
pd: (geedaggooyey)
ps: v2a=
key: geedaggoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabangaabso
(fal) sarajoogso oo lugaha kala waax oo hawl u diyaar noqo. Gabangaabso oo gaawaha ii xaji. Dh: garwaaxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbagarbow
-ga: (magac, lab, keli) cudur lo'da ku dhaca. Dh: garbab.