gawskaagud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawskaagud
-ka: (magac, lab, keli) wax dad badani xadeen ama dhaceen, oo qof walba intuu cunay laga qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawagud
-ka: (magac, lab, keli) macdan cadcad oo biyaha ku milanta dhadhankeeguna dhanaanyahay oo cuntada lagu darsado. Dh: milix, cusbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaggud
m.dh Nooc quraanyada ka mid ah, gudguduudan, koox-koox u socota, qaniinyo kulul oo habeenkii socota.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawaggud
m.dh Nooc quraanyada ka mid ah, gudguduudan, koox-koox u socota, qaniinyo kulul oo habeenkii socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamud
gamaamud¹: m.l la-mid: gamaamad¹.
gamaamud²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: gamaamad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid ama qalid. Gasaaridda adhiga waan ka soo daalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadad
m.dh (-do, m.l) Haweeney, rag iyo naago isu geysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadad
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney, rag iyo naago isu geysa. Dh: fataalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadid
m.f.dh eeg gawaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ninka ragga iyo dumarka isu gayntooda ka dhex shaqaysta noqosho. Dh: fataalid, rufyaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amakaagid
(Amakaagid-da)
Yaabid; irkigid; (ama amankaagid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amakaagid
m.f.dh eeg amakaag². la-mid: amakaag¹ (2), amankaag¹, amankaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amakaagid
-da: (magac, dhedig, keli) irkigid iyo yaabid; amankaagid iyo ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hankaagid
(Hankaagid-da)
Meel ku hungoobid, wax ka waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankaagid
m.f.dh eeg hankaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaagid
-da: (magac, dhedig, keli)meel aad wax u doonatay ka soo waayid; meel ku hungoobid. Dh: hongoobid, luggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagad
m.dh (-do, m.l) Naag hawl way ka maqantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagid
m.f.dh eeg sagsaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagsaagid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixii la mid ah, fulintooda iska dhawrid; u hagarbixid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagid
m.f.dh eeg garabtaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagid
-da: (magac, dhedig, keli) «is cid kale, taageerid oo caawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaws-haysad
-ka: (magac, lab, keli) sir qarin oo arrin ka jawaabiwaa; arrin wax la iska waydiiyey ka gaabsad. Dh: gaws-haysasho, gaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawsdanbeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg gawscurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magwadaagid
m.dh la-mid: magwadaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magwadaagid
-da: (magac, dhedig, keli) mag wada bixin oo ninba saami kaga qayb galid haddii la qaadanayana wada qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawohankaagid
m.f.dh eeg hawohankaag². la-mid: hawohankaag¹.