gawscurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawscurad
-ka: (magac, lab, keli) gawska ugu dambeeya ee qofka u soo baxa; gawska dadka u soo baxa kolka uu gaadho da' uu curad ugu dhasho. Gawscurad ayaa ii soo baxaaya oo laxaw igu dilay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawsdanbeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg gawscurad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiirad
f. n. island
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gasiirad
-da: (n) island (eeylandh) ~ jasiirad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiirad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ay biyo dhan walba kaga wareegsan yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiirad
bw: Arabic
de: island
lx: gasiirad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: jasiirad
key: gasiirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marcurad
m.l Neef xoola ah oo hal mar keliya wax dhalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marcurad
-ka: (magac, lab, kel) dhedig mar qudha dhalay oo aad u da yar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
absurd
/abserdh/absurdity; (adj) aan macquul ahayn. e.g. The government policies are absurd.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
absurd
/abserd/ (adj) ly yaab leh oo masqang gal ing haayny amy dabbaalnymy eh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawsad
-ka: (magac, lab, keli) dhegadhegayn wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galcad
m.l (-dyo, m.dh) Xamaarad. la-mid: galangalcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcad
m.dh la-mid: garcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garsad
(Garsad-ka)
1. Qofka garta iyo dacwadda loo haysto; qofka eedaysan; eedaysane; gaboodfale; muddacalayhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsad
m. n. accused person, the accused
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsad
de: accused person, the accused
lx: garsad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: garsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gashad
(Gashad-ka)
Lebbis qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gashad
m.f.dh eeg gasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gashad
vl. n. dressing oneself, donning clothing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gashad
a: gashasho (/da) [vn-f]
de: dressing oneself, donning clothing
lx: gashad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: gashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaad
gawaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Nin, rag iyo haweenka isu geeya; rufiyaan.
gawaad²: f.mg1 (-day, -dday) U g.: nin iyo naag isu gayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gawaad
m.l (-dyo, m.dh) Nin, rag iyo haweenka isu geeya; rufiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaad
m. n. pimp, procurer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gawaad
-ka: (n) one who finds customers for a prostitute: pander (paandher); pimp (pimp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaad
-ka: (magac, lab, keli) ninka ragga iyo dumarka isu gayntooda ka dhex shaqaysta. Dh: fataal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaad
de: pimp, procurer
lx: gawaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gawaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawrac
gawrac¹: m.l la-mid: gawracid.
gawrac²: f.g1 (-cay, -cday) Neef si loo xalaaleeyo hilibkiisa, cunaha mindi kaga jarid; gowrac, birays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gawrac
f.g1 (-cay, -cday) Neef si loo xalaaleeyo hilibkiisa, cunaha mindi kaga jarid; gowrac, birays. m.f.dh, gawricid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawrac
v. slaughter by cutting the throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gawrac
-ay / day: (v) kill animals for food; slaughter (islootar); cut the throat of, butcher (bujar) ~ biree
gawrac -a: (n) slaughter (islootar) ~ gawricis, birayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawrac
(fal) neef, qoorta ka jar. Dh: xalaalee, qal, biree.
gawrac -a: (magac, lab, keli) neef, qoorta ka jarid. Dh: qalid, birayn, xalaalayn.
gawrac-a: (magac, lab, keli) meesha neefka laga qawraco ee dhuunta ama hunguriga. Gawraca ayaa uu bud kaga dhuftay laxda ka dibna way bakhtiday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawrac
a: gowrac
de: slaughter by cutting the throat
lx: gawrac
pd: (gawracay)
ps: v1=
key: gawrac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macrad
m. n. exhibition, display
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macrad
-ka: (n) fair (/eer); exhibition (ek-sibi-shin) ~ bandhig, carwo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macrad
bw: Arabic
de: exhibition, display
lx: macrad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: macrad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masrad
(Masrad-ka)
Siraad; misbaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masrad
m.l (-ddo/-dyo, m.dh) Mislaax; siraad; faynuus; laambad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masrad
m. n. lantern, oil lamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masrad
-da: (magac, dhedig, keli) iftiib; nuur wax ileeya. Saaxiibbadaa kolkaad la joogto masrad ayaad tahay. Dh: siraad misbaax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masrad
cf: misbaax, siraad
de: lantern, oil lamp
lx: masrad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: masrad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawsad
vl. n. state of being destitute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawsad
-ka: (magac, lab, keli) maroorsi la maroorsado arrin ay cidi waddo. Dh: maroorsi, leexsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawsad
de: state of being destitute
lx: qawsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: qowso
key: qawsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suurad
(Suurad-da)
1. 114ka qaybood oo Quraanku u qaybsan yahay, qaybtiiba.
2. Muuqaal; tilmaan; qaab; baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurad
m.dh 1. Muuqaal ama qaab qof leeyahay. 2. (-do, m.l) 114 qaybood oo quraanku u qaybsamo mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suurad
m.dh 1. Muuqaal ama qaab qof leeyahay. 2. (-do, m.l) 114 qaybood oo quraanku u qaybsamo mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suurad
f. n. Sura (any chapter of the Koran's 114 chapters)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suurad
f. n. appearance, aspect, looks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Suurad
-da: (n) chapter of the Qu'ran; Koranic chapter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suurad
-da: (n) image (i-meej); picture (pik-jar); appearance (a-piiran-si)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurad
-da: (magac, dhedig, keli) boqol iyo afar iyo tobanka qaybood ee uu Quraanku u gaybsan yahay, qaybtiiba. Suurad waliba bisin leh Bara bisinla' mooyaane.
suurad -da: (magac, dhedig, keli) muuqaal; tilmaan; qaab.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
suurad
سُورَةٌ (مِنَ الْقُرْآنِ الْكَرِيمِ)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawrad
m.dh Isbeddel siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ka dhaca; ka-caan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tawrad
m.dh Isbeddel siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ka dhaca; kacaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawrad
f. n. revolution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tawrad
-da: (n) 1. revolution (ravalu shin) 2. (ap raaysing) kacaan uprising
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawrad
-da: (magac, dhedig, keli) kacaan; kacdoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawrad
bw: Arabic
de: revolution
initial: t
lx: tawrad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: tawrad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asrurid
-da: (magac, dhedig, keli) qarin; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asturan
Aan qaawaneyn; qarsoon; awdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturan
asturan¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la asturay noqosho.
asturan²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la asturay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asturan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la asturay ahaansho. m.f.dh, asturnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asturan
der. [adjective] preserved, well kept, covered, secret
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asturan
(adj) covered (kaveridh); protected or concealed ~ dhowrsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturan
(tilmaame) wax aan qaawanayn oo qarsoon.
asturan: (tilmaame) qof cawradiisa iyo ceebihiisu aanay muuqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asturan
de: preserved, well kept, covered, secret
lx: asturan
pd: (asturnaa)
ps: adj-der
key: asturan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asturid
(Asturid-da)
Qarin; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturid
m.f.dh eeg astur². la-mid: astur¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturid
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta wax ceeb ah. Dh: qarin. Li: fadeexadayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaasira
name-f diminisher, reducer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garacad
m.dh Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garacad
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo aanan xalaal ku dhalan; ilmo aanan meher ku dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashrad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan rajo lahayn oo la nacay. Dh: rajabbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawshad
-ka: (magac, lab, kali,) min ka mid ah minanka faalka magiiganaha. Waa minka ugu ba'as oo waa geesi, haseyeeshe qaylaa ku seegin, oo waxa la yidhaa 'Koore-liibaanlow Kawshad baa hadhay'.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mascara
/maskaara/ (n) wax madoow oo dumarku indhaha baalashooda marsadaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mascuud
name-m fortunate, happy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawshad
(Qawshad-ka)
(gocoso, goon) Calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawshad
m.f.l eeg qawsho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawshad
-ka: (magac, lab, keli) gocoso, goon calalin.
qawshad -ka: (magac, lab, keli) falxumo aan u qalmin oo uu nin weyni ku kaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasarad
(Xasarad-da)
Gardarro; maag; adyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasarad
m.dh Carqalad; shiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasarad
m.dh Carqalad; shiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasarad
f. n. provocation, trouble, annoyance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasarad
-da: (n) disturbance (dis-teer-banis); problem (porob-lem); difficulty (difikalti) ~ rabshad, mushkilo, Im, dhibaato, dhib, rabash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasarad
-da: (magac, dhedig, keli) gardarro aan toos ahayn oo cid lagula kaco. Dh: xarrago, gardarro, alyad. Wa: xasarado.
xasarad -da: (magac, dhedig, keli) deggenaansho la'aan iyo khilaafyo dagaal. Dh: dhibaato. Wa: xasarado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasarad
cf: adyad, maag
de: provocation, trouble, annoyance
initial: x
lx: xasarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xasarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asduurad
m.dh la-mid: usduuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax daboolid oo qarin.
asturaad -da: (magac, dhedig, keli) xil qarin; xil gudasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baruurad
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun caloosha ku dhaca oo saxaradu dhiig iyo axalo yeelato. Baruurad nimuu hayaan bedanku fooyoobayne.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caasumad
-da: (n) capital (kaa-pi-tal); capital city ~ caasimad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casuumad
m.dh la-mid: casumaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumad
-da: (magac, dhedig, keli) martiqaad inta badan sababi ka danbayso oo cid loo sameeyo. Ardaydii imtixaanka ku guulaysatay oo dhan ayaa casumaad loo fidiyay. Dh: martiqaad, sooryeyn, xeedhayn, diyaafad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusburad
-ka: (magac, lab, keli) cusbur marsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurad
m.l la-mid: daruurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaarad
m.dh (-do, m.l) Abitey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaarad
m.dh (-do, m.l) Abitey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaarad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dharka lagu tolo. Shamiiska dawaarad ii mari. Dh: dawaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayuurad
(Dayuurad-da)
Gaadiid la duuliyo oo baalal leh oo dadkiyo alaabadaba qaada, qaarkoodna lagu dagaallamo oo aad u dheereeya (ama diyaarad)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayuurad
m.dh (-do, m.l) Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. la-mid: dayaarad, diyaarad.