gawky
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gawky
/gooki/ (adj) qofka fiiro-badan ama dhaq-dhaqaaq qaab-darro ah sameeya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gawk
/gook/ (v) fiirin doqonima-leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaw
m.dh 1. Isku g.: isku jin ah, isku jaan go'an. 2. (sh.r) la-mid: gawsii. G. ka sii: cod lagu muujiyo wax tumidda. la-mid: gow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąw
m.l (-wyo, m.dh) 1. Jar dheer; qar. 2. Weel afkiisa sare. la-mid: go(ø)w.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaw
gąw: m.l (-wyo, m.dh) 1. Jar dheer; qar. 2. Weel afkiisa sare. la-mid: gǫw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaw
m. n. (adj.): edge, side, flank; exact, precise
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gaw
exactement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaw
-ah: (adv) exactly (igzaktili); sharp (shaarp); punctually (pangjuwali). Ex: saddex saac oo gaw ah; at three o 'clock sharp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaw
(ereycodeed) tusmeeya sanqadha wax dhammaaday oo madhasho ah. Abidkeed rag waa go'i jiree tanise waa gaw. Dh: ibir, nag, khalaas.
gaw: (ereycodeed) tusmeeya sangadha labo wax oo ad'adag oo la isku dhuftay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaw
de: edge, side, flank; [fig. atr.] exact, precise
lx: gaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
xe: At 7 oclock sharp.
xv: Toddobada oo gaw ah.
key: gaw
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gay
/gey/ (adj) 1. faraxsan (adj) 2. soo-jiidasha leh, dhalaalaya (adj) 3. khaniis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gay
-da: (magac dhedig keli) orod xoog ah. Dh: taw.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gay
a., nin farax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Away
Away?
Meeye? Meeday? (ama aaway?)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
away
e.we la-mid: aaway.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
away
loc. question word, m. where is?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
away
/awey/ (adj) 1. ka fog (fog). e.g. Get away from the fire! 2. maqan. e.g. He is away on a holiday.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
away
/away/ (adv) 1. ing jery (dhirir haang). The village is three hours away from the town. 2. heggy (heg sithy). The frightened deer ran away. 3. moqqyng. 4. dansyng. The sound of the footsteps faded away.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
away
erey weydiimeed oo lagu raadinayo meesha ay wax mareen. Away innamadeennii, loo aasay gobannimo. Dh: meeyey? meeday? aaway?
away-da: (magac, dhedig, keli) eerad; eerasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
away
a: aaway
de: where is?
lx: away
ps: qw-loc-m
key: away
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
away
(with this), prp., la tag kan, kaas; they went away, waa maqan yihiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
awry
/araay/ (adj) wax booskii ama meeshii la rabay aan joogin (sidii loogu talagalay aan nogon). e.g. His hat was blown awry by the wind.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
awry
a., qalloocan, janjeedh ah; ad., qallooc, janjeedh; be awry, janjeedh; put awry, janjeedhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawi
v. pound
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawi
de: pound
lx: gawi
pd: (gawiyey)
ps: v2a=
key: gawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawl
°(Gaw-sha)
Summad xoolaha loo yeelo; astaan dhegta looga dhigo (ama gowl).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawl
m.dh Sumad xoolaha dhegaha looga yeelo ayadoo dhegaha dacalkooda la gooynayo. la-mid: gowl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawl
f. n. mark placed on livestock for identification
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawl
-sha: (magac, dhedig, keli) summad xoolaha dhegta lagaga dhigo. Lax gawl leh baa iga luntay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawl
bw: gowl
cf: canjiid, hayl, summad
de: mark placed on livestock for identification
lx: gawl
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: gawl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawr
m.l Xubinta taranka haweenka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gawr
m.l Xubinta taranka haweenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawr
-ka: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee dumarka. Dh: dhashi, gowr, siil.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaws
-ka: (n) the grinding teeth; molars (moo-laris) ~ gows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaws
-ka: (magac, lab, keli) ilkaha danbe ee miciyaha ku xiga ee wax lagu calaliyo.
gaws -ka: (magac, lab, keli) surta inta miiddeeda mooyaane inta xanjada ah. Suri waa miid iyo gaws.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hawk
/hook/ (n) 1. dafo, dhuuryo, huf. (v) 2. gadid badeeco, oo lala wareego xaafadaha ama dariiqyada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hawk
n., haadka adag, -ti; species of hawk, baqalyaa, -yihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaway
Aaway?
Xaggee buu (ama bay) jiraa (ama jirtaa?); Meeyey? Meeday? (ama away?).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaway
e.we Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay 'xaggee laga helaa?' 'mee?'. la-mid: aawaye, away, awday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aaway
e.we Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay: Xaggee laga helaa? Mee?. la-mid: aawaye, away, awday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaway
loc. question word, m. where is he / it [masc.]?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaway
-da: (magac, dhedig, keli) sabab lagu badbaado ama loo ciirsado. Arrintii adkaatoo, aaway baan rabnaa. Dh: gargaar, kaalmo.
aaway: (weydiin) erey la adeegsado marka la isweydiinayo nafley ama walax meesha ay jirto. Weedha lagu bilaabo na, waxa ay ku dhamaatal calaamadda ?. Aaway horumarkaad tidhi, hadduun buu aawan yahay? Dh: mee, meeday, away.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaway
de: where is he / it [masc]?
lx: aaway
pd: (aawey)
ps: qw-loc-m
syn: meeyey
key: aaway
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bawdy
/boodhi/ (n) shaactiro wasmo ku saabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caway
(fal) fiid ama habeen, cid kale la sheekayso oo la joog. Dh: cawee, waari.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawke
nickname-m the one with the protruding Adam's apple. Cf: Cuuke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabay
(Gabay-ga)
Tixo la tirsho oo ka kooban ereyo iyo xuruuf qiyaasan oo tirsan oo xaraf ku dhisan; wuxuu lee yahay tixo is wada dherer le'eg iyo ereyo xulanti ah oo midba la gesho meel uu ku habboon yahay; qaarkood waxay lee yihiin dhawaaqyo iyo yeer isu eg'eg oo tixaha xubno looga dhigo oo lagu dhex googgooyo si ay u yeeshaan luuq iyo dhicitaan laysla hela hayo, muusikana ku dhafan tahay, oo dhabaqa iyo deelqaafka ka ilaaliya. Gabaygu, sida maansada xubneheeda kale (geeraar, jiifto, kd.), wuxuu ka hadlaa wax kastoo qofka laabtiisa ku soo dhaca, wuxuuna lee yahay saamays daran oo kan hadalka kale ka xoog weyn; waa laga luuqiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabay
gabay¹: m.l (-yo, m.dh) Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iyo wixi lamida oo aan muusig loo tumin.
gabay²: f.mg1 (-byay, -bayday; -byi) Gabay tirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabay
gabay¹: m.l (-yo, m.dh) Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iyo wixi lamida oo aan muusig loo tumin.
gabay²: f.mg1 (-byay, -bayday; -byi) Gabay tirin. m.f.dh, gabyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabay
m. n. poem form (long classical Somali epic poetry)
gabay v. recite a poem, chant poetry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabay
-ga: (n) poetic composition; poem (pooem); poetry (powyetari) ~ maanso, gabey, shicir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabay
(fal) hadal taxan oo macno miisaan fiican leh dheh; gabay tiri oo samee. Xaaladda la joogo ka gabay.
gabay -ga: (magac, lab, keli) qayb suugaanta ka mid ah oo leh qaafiyad iyo miisaan u gaar ah. Waxa uu gabaygu leeyahay macno iyo duluc uu ku qotomo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gabay
مَنظُومَة، قَصِيدَة، قصيد
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabey
v. recite poetry, chant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabey
-ga: (n) 1. poetic composition; poem (poo em); poetry (poo ye tari); verse (veers) maanso, gabey. 2. gabey -ey: (v) compose or sing (recite) a poem
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabey
de: recite poetry, chant
lx: gabey
pd: (gabeyey)
ps: v1=
see: gabay [v1= ~ n2-m]
key: gabey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaboy
(Gaboy-ga)
Qofka gabooyaha iyo qaansada ku dagaallama ama ku ugaarsada; hargaanti; baydari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboy
m.l (gaboy, m.dh) Qof ugaarsiga ku nool. la-mid: gabooy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaboy
m. n. bowman, archer; hunter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboy
-ga: (magac, lab, keli) eeg gabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaboy
de: bowman, archer; hunter
lx: gaboy
pd: (-ga Pl: gaboy (da))
ps: n2a-m, n5-m
see: gabooy
key: gaboy
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gaily
/geyli/ (adv) `si farxad-leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galay
-ga: (magacwadareed) nirgaha labajirka ah. Dh: eeloweyn, ilweyn, garabweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganay
-ga: (magac, lab, keli) qof foolka sare la' ama jaban. Dh: ganey, foolloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganey
(tilmaame) qof ilkihiisa mid jaban yahay ama ka dhacay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gassy
/gaasi/ (adj) gaas ka buuxo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gaudy
/goodhi/ (adj) dhalaal-badan, ama sharraxaad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawar
m.l 1. Raxan gorayo ah. 2. Taag aan geedo lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawar
-ka: (magac, lab, keli) meel taag ah oo aan geedo lahayn.
gawar -ta: (magacwadareed) gorayada inta mar wada socota ee meel wada daaqaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawre
m.l Dhaxan badan oo marka dayrtu dhammaato dhacda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gawre
m.l Dhaxan badan oo marka dayrtu dhammaato dhacda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawre
-ha: (magac, lab, keli) dhaxan habeenkii gooraha danbe soo dhacda. Dh: dhalalo, dheel, gawriir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lanky
/laanki/ (adj) qalya-yax (qof dheer oo caato lafallafo ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saway
(fal) sawe ka dhig, labo isu dhigma ka dhig. is la sin. Dh: sawee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tacky
/taaki/ (adj) 1. dheg-dheg leh (qoyan) (adj) 2. qaab-darro ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gangway
/gaangwey/ (n) waddo socota oo qaab buundo u-dhisan oo isku-xirta dhulka iyo doon ama markab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garweyn
(Garweyn-ta)
Qalab bir ah oo leh daab iyo labo af (af fiiqan iyo af wax gooya) oo dhulka lagu qodo wixii adagna lagu jebiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garweyn
m.dh (-nno, m.dh) Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garweyn
m.dh (-nno, m.dh) Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garweyn
m. n. pickaxe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garweyn
-ta: (n) a tool for breaking hard surfaces; pick (pik)-, pickaxe (pikaakis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo af fiigan iyo af ballaadhan leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garweyn
de: pickaxe
lx: garweyn
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: garweyn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gateway
/geyt-wey/ (n) illin, irrid.