gawdhgawdh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawdhgawdh
(fal) hawl, si aan buuxin u qabo; qawda maqashii oo waxba ha u qaban; gawlgawl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadh
(fal) tag oo ku noqnoqo; kolba mid gaadh; labo meelood ka dhexee.
gaadhgaadh -ka: (magac, lab, keli) meel ama cid ku noqnoqosho; u tegtegid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadhadh
Spurs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawdhadh
(tilmaame) qof dadka qabqabsada ama dabeecad xun oo laga nabad gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawdhadh
-ka: (magac, lab, keli) eeg qarradh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku noqnoqosho; meel tegtegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u tegtegis; ku noqnoqosho oo ka warhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowdhgowdhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan aad loo calalin ama si fiican loo axadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gahaydh
-ka: (magac, lab, keli) geed u eg maanyada oo uu geelu daaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badhaadh
v. be happy, prosper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badhaadh
-ay / tay: (v) prosper (paroos per); flourish (faloorish); do well; be fortunate or successful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadh
(fal) wax nafta farxad iyo raynrayn geliya hel; raaxo iyo barwaaqo guud iyo tu hoose ba ku jir. Dh: baraar, liibaan, barwaaqow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badhaadh
de: be happy, prosper
lx: badhaadh
pd: (badhaadhay)
ps: v1=
key: badhaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhfadh
(fal) meel dhulka ah, qod oo haddana qod.
fadhfadh: fadhfadh! (ereycodeed) lagu tusmeeyo shangadha uu bixiyo dherigu kolka wax lagu karinayo gaar ahaan shuurada iyo wixii la mid ah. Dh: kadhkadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadagado
-da: (magac, dhedig, keli) isbedbeddel ama isrogrog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) gedgeddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddi
(fal) wax rogrog oo kolba si ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhoodh
-ka: (magac, lab, keli) caano xoolaad oo dhanaanaaday oo fadhiistay oo subag laga bixin karo. Caanuhu waa gadhoodh ee lula. Li: dhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhqaad
-ka: (magac, lab, keli) hoggaamin wax la wado. Awrku waa layli oo wali gadhqaad ma baran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadhwade
m. n., [compound] guide
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadhwade
de: guide Lit: chin-driver
lx: gadhwade
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: gadhwade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawlgawl
(fal) kolba dhinac gooso. Dh: garooc.
gawlgawl-ka: (magac, lab, keli) howl loo qabto si aan dhammaystirnayn oo goldaloolooyin leh. Dh: haylhayl, qabyayn, gawdhgawdh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhkadh
(ereycodeed) tusmeeya gaadhi waddo raf ah maraya ama wax la kala gooyay, hal mar shanqadha ka yeedha. Dh: dhacdhac, dhararac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhmadh
(fal) aad u kibir. Waad dheregte madhmadh ha is odhan.
madhmadh -ka: (magac, lab, keli) isqaadqaad iyo kibir xaddhaaf ah. Kibir iyo madhmadh ayaad dadka ku doonatay. Dh: kibir.
madhmadh -ka: (magac, lab, keli) mataatakh iyo qudhun maqaarka ku dhaca. Ani makaankay waa miscirir, iyo maqaar nirigoo madhmadhay, ee mayaayada soo madaw, way ninkii meelloow ka roor. Dh: qudhun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadhaadh
[adjective] bitter (taste)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qadhaadh
amer.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qadhaadh
-ka: (n) bitter (bit'ar); sour (saawer) taste ~ qaraar, kharaar
qadhaadh -ka: (n) 1. resolution (reza-lu-shin); decision (di-zi-shin). 2. decree (dik-rii); order (oor-dher) ~ qaraar; go'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaadh
(tilmaame) macaanayn oo dhadhan naftu diiddo leh. Dogonkii arladan noogu yimid dacar qadhaadh leefye. Li: macaan.
qadhaadh -ka: (magac, lab, keli) dhadhan aan macaanayn oo sida dacarta ah. Waxan ahay qa dhaadh iyo macaan meel ku wada yaalle. Dh: khadhaadh, qaraar, mur. Li: macaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadhaadh
a: qaraar {N}
de: bitter (taste)
lx: qadhaadh
pd: (qadhaadhaa)
ps: adj-m
key: qadhaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhqadh
(fal) dhaxan ama xanuun la gariir. Qadhqadh oo ilkaha isla dhac haddaad bustaha huwan weydo. Dh: gariir, dhaxmoo.
qadhqadh -a: (magac, dhedig, keli) codka awrtu kolka la rarayo ay ku qayliyaan. Awrkii qadhqadh ayuu leeyahay Dh: cabaad.
qadhqadh-ka: (magac, lab, keli) xanuun gariir iyo dubaaxin ah oo inta badan ku dhaca Afka, gacmaha iyo lugaha. Qadhqadhtida lama daweeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhwadh
(ereycodeed) lagu tusmeeyo codka shuuradu marka ay karsamayso. Wadhwadha shuurada dhegayso. Dh: takhtakh.
wadhwadh-a: (magac, lab, keli) hadal aan murtid lahayn la iska qaylqaylyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadh
(fal) cunto ama caleen iyo wixii la mid ah ku sumaw. Dh: xadhaadh.
xadhaadh: (tilmaame) wax aan macaanayn ah.
xadhaadh -ka: (magac, lab, keli) dhadhan aan macaanayn sida ka dacarta iyo dawooyinka badhkood ay leeyihiin. Dh: kharaar, khadhaadh, xaraar, qadhaadh, qaraar
xadhaadh -ka: (magac, lab, keli) sumow lagu sumoobo caleen midho ama wax kale oo la cuno. Dh: sumow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhcadde
-ha: (magac, lab, keli) gadhcadaadi; nin gadhku cirroobay; nin da' weyn. Li: gadhmadoobe. gadhceesaan -ka: (magac, lab, keli) nin gadh yar; nin gadh dhuuban. Dh: garceesaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhfeedh
-a: (magac, dhedig, keli) walax yar oo caag ama wax kale ka samaysan oo loo adeegsado feedhista timaha; aalad timaha lagu feedho. Dh: saqaf, shanlo, garfeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdhiidh
-ga: (magac, lab, keli) aad u dhooqoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowdhiidh
-ka: (magac, lab, keli) wax ku dul foorarsasho. Dh: gawriir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydh
(fal) leexleexo oo kolba dhan u baydh. Markaad cararayso baydhbaydh.
baydhbaydh -ka: (magac, lab, keli) ninka fulaha iyo geesiga u dhexeeya. Fule wuu baxaa laakiin baydhbaydh ma baxo.
baydhbaydh-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u leexadka iyo weecweecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhfaadh
(fal) baadhbaadh is daba joog ah; dhulka god gaaban ka qodqodid. Aad u faadhfaadh meesha intaanad ka tagin. Dh: faarfaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhaawab
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar carruurtu kubbad yar isla dhacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashgaash
m.l Majabbaxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashgaash
-ka: (magac, lab, keli) isku toltolidda wax kala googo'an. Kol uu kabaha qaashgaasho oo guriga ii oodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydhhaydh
-ka: (magac, lab, keli) waxa meel fog laga arko oo aan si fiican u muuqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saydhsaydh
(fal) daadaadi oo bulqaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhigacan
-ka: (magac, lab, keli) gaadhi yar oo gacmaha lagu riixo. Dh: kaariyoone, gaadhibusbus.