gawaanraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaanraac
(Gawaanraac-a)
Fardaha oo mid ama kuwo aan badnayn loo fuulo oo lagu dhawaaqo oo lagula cararo ama lagu kexeeyo; gurdanraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraac
gawaanraac¹: m.l 1. Cararidda xoolo badani cararaan iyaga oo baydadaya. 2. Lumidda xoolo badani lumaan. la-mid: gawaanraacid.
gawaanraac²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Xoolo badan didid. 2. Wax dhumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaanraac
m. n., [compound] herd of unbroken horses
gawaanraac v., [compound] run wild, stampede
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaanraac
(fal) fardo badan oo badh la fuulay, socodka ku dar oo iska raac.
gawaanraac-a: (magac, lab, keli) fardo badan oo badh la fuulo inta kalena lagu kaxeeyo kuwa la fuushan yahay. Dh: gurdanraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraaci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo badan didin. 2. Wax dhumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaanraaci
(fal) fardo, kuwo la fuushan yahay, gurdanraaci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaanraac_1
de: herd of unbroken horses
hm: 1
lx: gawaanraac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: gawaanraac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaanraac_2
de: run wild, stampede (of horses)
hm: 2
lx: gawaanraac
pd: (gawaanraacay)
ps: v1=cmp
key: gawaanraac_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaanraacid
(Gawaanraacid-da)
Fardo badan oo aan lagu joogin, oo inta kuwo yar loo fuulo, dida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraacid
m.f.dh eeg gawaanraac². la-mid: gawaanraac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaanraacid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, kuwo la fuushan yahay, gurdaanraacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaanraacin
(Gawaanraacin-ta)
Fardo badan, inta kuwo yar loo fuulo, didin oo eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraacin
m.f.dh eeg gawaanraaci. la-mid: gawaanraacis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaanraacin
vl. n., [compound] driving a herd of horses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaanraacin
-ta: (magac, dhedig, keli) fardo, kuwo la fuushan yahay, gurdaanraacin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaanraacin
de: driving a herd of horses
lx: gawaanraacin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: gawaanraacin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraacis
m.l la-mid: gawaanraacin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gadaalraac
-a: (n) [grammar] suffix (saffakis)-, opposite of [horgale; prefix (prii ftkis)]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaalraace
m. n., [compound] ending, termination {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaalraace
de: ending, termination {grammar}
lx: gadaalraace
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: gadaalraace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaraac
-a: (magac, lab, keli) socod ama wax qabad aan qurshaysnayn oo cid uun lagu daydo. Dh: dameeridhaanraacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaraac
-a: (magac, lab, keli) qof muslin ah oo gaalada la jira. Dh: munaafaq, uurkagaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaansan
(tilmaame) meel daaq leh; dhul urshi leh; meel uraad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdanraac
(Gurdanraac-a)
Gurdan yeeray oo layska raaco; dad ama duunyo gurdameysa, oo layska raaco, iyadoo aan la aqoon meel loo socdo, wax la doonayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdanraac
gurdanraac¹: m.l.kh G. ah: raacidda wax ordaya la raaco iyadoo aan la hubsan.
gurdanraac²: f.mg1 (-cay, -cday) Iyadoo aan la hubsan wax ordaya raacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurdanraac
v., [compound] follow ignorantly, blindly
gurdanraac vl. n., [compound] act of following the sound of feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdanraac
-a: (magac, lab, keli) sanqadha gurdanka oo la iska raaco iyadoon la hubsan meel loo socdo. Dh: hugunraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegaanraac
m.l Naqraac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deegaanraac
m. n., [compound] search for new grazing land for livestock (of nomads)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deegaanraac
de: search for new grazing land for livestock (of nomads)
lx: deegaanraac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: deegaanraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangalad
m.l la-mid: galgalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ganaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaaray
(fal) siigo iyo boodh kici adoo baxsanaya. Awaaray wadaadow col baa waadigii degay e.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawraac
-a: (magac, lab, keli) raacista sida habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaani
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: gawaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaari
m.dhw eeg gaari¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaari
f. n., pl. automobiles, cars, trucks, vehicles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gawaari
-da:(n) [plural of gaari] cars (kaaris); automobiles (ootomoo-biilis) ~ gawaadhi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaari
de: automobiles, cars, trucks, vehicles
lx: gawaari
pd: (-da Sg: gaari)
ps: n8-f-pl
key: gawaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawraar
-ka: (magac, lab, keli) qarka sare ee jarka. Gawraar jeexan gebi soo ruqruqay, dhagax gaddoomaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadiraac
m.l Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaalad joogta oo xilligaa ifafaalaheega la dareemayo ahaan. In dhowaydba gabaygii ma tirin aawanaan jiraye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asalraac
-a: (n) fundamentalist (fandamentaliist); rigid to fundamental or basic principles. ~ Asalka ku dhagan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asalraac
-a: (magac, lab, keli) qof diinta ku toosan ama ku ad'adag. Asalraac ma tasoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaarayn
m.f.dh eeg awaare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogid, hadhuuka shinnida ah marka ciidda lagu rogo. Awaaraynta hadhuudhku waa berri.
awaarayn-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho darteed, siigo kicin. Ilko dheere iyo luuq haddaan, laga awaaraynin.
awaarayn -ta: (magac, dhedig, keli) (kala ~) ka dhaqaajin; ka tegitaan. Nin kaloo Ilaah kuu idmaba kala awaaraynay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawanaan
m.f.dh eeg cawan. la-mid: cawanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaraad
m.dh la-mid: cawarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabraac
(fal) hadal lagaaga horreeyey ka daba qaado adigoo dheeganaya hadalkii ruuxa ee u dambeeyey. Islaantiisina isaga uun bay daabraacday oo wuxuu yidhi uun bay tidhi. Dh: qodobraac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaraac
v., [compound] follow, go after someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaraac
de: follow, go after s.o.
lx: dabaraac
pd: (dabaraacay)
ps: v1=cmp
key: dabaraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaarad
m.dh (-do, m.l) Abitey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaarad
m.dh (-do, m.l) Abitey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaarad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dharka lagu tolo. Shamiiska dawaarad ii mari. Dh: dawaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabnaan
(Gaabnaan-ta)
Dherer gaaban lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabnaan
m.f.dh eeg gaaban. la-mid: gaabnaansho, gaabni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabnaan
f. n., [abstract] shortness, state of being short
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabnaan
-ta: (n) the act of being short; shortness (shoortnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dherer iyo joog yaraan; ahaanta wax gaaban. Li: dheeraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabnaan
a: gaabi, gaabni
de: shortness, state of being short
lx: gaabnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: gaabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafnaan
m.f.dh eeg gaafan. la-mid: gaafa-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhisme hadoodilan. Dh: hadoodilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: gabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garanwaa
m.l Wax garasho waayidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garanwaa
m.l Wax garasho waayidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garanwaa
m. n., [abstract] state of not knowing, inability to understand ~ know
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garanwaa
-yey I garanwayday: (v) can't understand, apprehend or comprehend ~ garanla', fahmila'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garanwaa
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah dhirta lamayaqaanka ah. Waa geed leh qodax adag oo dhaadheer iyo caleen gu' iyo jiilaalba qoyan.
garanwaa -ga: (magac, lab, keli) wixii aan la garanayn oo dhan; soogalayti lamayaqaan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garanwaa
de: state of not knowing, inability to understand ~ know
lx: garanwaa
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: garanwaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadad
m.dh (-do, m.l) Haweeney, rag iyo naago isu geysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadad
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney, rag iyo naago isu geysa. Dh: fataalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanin
m.dh la-mid: gawaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanis
m.l la-mid: gawaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadraac
m.l (-cyo, m.dh) Warmooge; suufi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haadraac
m.l (-cyo, m.dh) Warmooge; suufi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadraac
-a: (magac, lab, keli) armooge; suufi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawaanba
(adv) in any way possible; by any means
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Neef geel ah wax hawaar leh ahaansho. 2. la-mid: hawaarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaaran
(tilmaame) mid khasban; la khasbay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jararaac
jararaac¹: m.l la-mid: halraac¹.
jararaac²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: halraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabraac
(Laabraac-a)
Wax loo bogo oo laabta laga raaco, laga jeclaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabraac
laabraac¹: m.l U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto.
laabraac²: f.g1 (-cay, -cday) Wax loo bogo laabta ka raacid, ka jeclaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laabraac
m.l U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabraac
m. n., [compound] temptation
laabraac [inchoative] v. be tempted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabraac
(fal) cid kaa fog, xiiso iyo boholyow u qab.
laabraac-a: (magac, lab, keli) cid kaa fog, xiiso iyo boholyow u qabid. Dh: laablaraac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naqaanaa
(v) we know. Ex: afka Ingiriiska waan naqaanaa; we know the English language
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raadraac
(Raadraac-a)
1. Raadka oo la raaco, si wax lumay ama la doonayo loo helo.
2. Ku dayad, ka dheegad, dabasocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadraac
raadraac¹: m.l Baarid la sameeyo si arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda loo helo. la-mid: raadraacid.
raadraac²: f.g1 (-cay, -cday) Arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda raadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadraac
raadraac¹: m.l Baarid la sameeyo si arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda loo helo.
raadraac²: f.g1 (-cay, -cday) Arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda raadin. m.f.dh, raadraacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raadraac
v. trail, follow, trace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raadraac
-ay / day (adj) 1. follow one's step, refer to. 2. (n) reference (rii-farans)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Raadraac
Seguito
Follow-up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadraac
-a: (magac, lab, keli) daba socodka wax la raadinayo oo raadkiisa la raaco. Dh: raadgur.
raadraac -a: (magac, lab, keli) cilmi baadhid iyo dabagal lagu sameeyo dhacdo taariikheed.
raadraac -a: (magac, lab, keli) meel wax laga soo guuriyey; il macluumaad laga soo xigto. Raadraac buug aan lahayn lama daabici karo.
raadraac -a: (magac, lab, keli) wax meel ku qoran macluumo ka soo qaadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raadraac
de: trail, follow, trace
lx: raadraac
nt: raadraac (a) [vn-m], raadraacid (da) [vn-f]
pd: (raadraacay)
ps: v1=
key: raadraac
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
talaraac
-a: (n) one who supportes or follows advice or a plan. Ex: ama talaraac noqo, ama talakeen noqo; Either be a follower or a leader [proverb]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaraac
-a: (magac, lab, keli) qof aan ra'yi iyo talo badan lahayn oo wixii wanaagsan ee loo sheego se raaca oo oggol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawaawac
(Tawaawac-a)
Cabasho; calaacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawac
tawaawac¹: m.l Cabasho, calaacal.
tawaawac²: f.mg1 (-cay, -cday; -wici) Calaacalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawaawac
m. n. lamentation, complaint
tawaawac v. complain, lament
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaawac
(fal) cabo, calaacal, cataaw. Tawaac oo sheego baahidaada.
tawaawac -a: (magac, lab, keli) calaacal iyo cabasho tilmaamaysa itaalyari iyo liidasho. Dh: ciil. Li: rayrayn.