gawaanin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanin
m.dh la-mid: gawaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaani
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: gawaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaamin
(Gawaamin-ta)
Meel gawaan ah ku tuurid; legdid: dibrin; (ama gawaanin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaamin
m.f.dh eeg gawaami. la-mid: gawaamis, gawaanin, gawaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanis
m.l la-mid: gawaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaansan
(tilmaame) meel daaq leh; dhul urshi leh; meel uraad badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawlaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) xadhig la hayo fiirada hore sida dawliska marba in yar sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guwaaniin
m.l (baayoloji) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guwaaniin
m.l (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawaaniin
m.dh eeg qaanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawaaniin
f. n., pl. rules, laws
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawaaniin
-ta: (n) [plural of qaanuun -ka] (n) laws (loowisy regulation (rege-leey-shen)-, rules (ruulis): bylaws (baay-loowis)-, legislations (legas-leey-shenis) ~ sharciyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawaaniin
bw: Arabic
de: rules, laws Sg: qaanuun
lx: qawaaniin
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: qawaaniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaan
(Gawaan-ka)
Dhul bannaan oo cag'adayg ah oo badanaa korreeya; dibir; digdigo: didib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaan
m.l Dhul didib ah oo adag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gawaan
m.l Dhul didib ah oo adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaan
m. n. flat, open space; firm, hard area
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gawaan
-ka: (n) hard surface on the earth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaan
-ka: (magac, lab, keli) bannaan oo adag. Colkan haatan tallaabayee, loo taswiiray gawaanka. Dh: gago, gegi, dibir, didib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaan
cf: dibir, digdigo, didib
de: flat, open space; firm, hard area
lx: gawaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gawaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waanin
(Waanin-ta)
Hadal waano ah ku dhihid; u caqlicelin; wacdiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waanin
m.f.dh eeg waani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanin
-ta: (magac, dhedig, keli) u caqlicelin oo hadal hogatusaale ah ku dhihid; talo u sheegid; u naseexayn. Qof waanintaada oggol ayaa la waaniyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaami
f.g2 (-iyay, -isay) Ku g.: wax dhul ku dhufasho. la-mid: gawaani.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaami
v. throw down; wrestle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaami
de: throw down; [ext.] wrestle
lx: gawaami
pd: (gawaamiyey)
ps: v2a=
key: gawaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaari
m.dhw eeg gaari¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaari
f. n., pl. automobiles, cars, trucks, vehicles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gawaari
-da:(n) [plural of gaari] cars (kaaris); automobiles (ootomoo-biilis) ~ gawaadhi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaari
de: automobiles, cars, trucks, vehicles
lx: gawaari
pd: (-da Sg: gaari)
ps: n8-f-pl
key: gawaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayaanin
m.f.dh eeg bayaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) si cad oo aan madmadaw lahayn wax u sheegid. Runtu bayaaninta ayay ku fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaanin
m.f.dh eeg danaani. la-mid: danaano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo is haya midkood la jirid. Mataanaha danaaninta waa lagu yagaannaa. Dh: hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafin
(Dawaafin-ta)
Qof ama dad badan horkac loo noqdo oo Kacbada lagu soo warwareejiyo, gudashada Xajka darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafin
m.f.dh eeg dawaafi. la-mid: dawaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cibaado Kacbada ugu wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamin
m.f.dh eeg galaami. la-mid: galaamis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaarin
(Gamaarin-ta)
Gamaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaarin
m.f.dh eeg gamaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) qof hurda iska yeelid oo is nabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarinta qoos loogu talagalay in kimis laga dubto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanis
-ta: (magac, dhedig, keli) diyaarinta qoosh inta la xasho loo diyaariyo inuu faxo oo la dubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaarin
m.f.dh eeg garaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadid
m.f.dh eeg gawaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ninka ragga iyo dumarka isu gayntooda ka dhex shaqaysta noqosho. Dh: fataalid, rufyaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaamis
m.l la-mid: gawaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarin
(Hawaarin-ta)
(summad) Hawaar ku dhigid; ul reebta raad hawaar u eg, ku daliigid, ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarin
m.f.dh eeg hawaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si hawaar iyo kaladaadsani ah u fadhiisin.
hawaarin -ta: (magac, dhedig, keli) hawaar ku dhigid; ul reebta raad hawaar u eg la dhicid ama ku dhufasho.
hawaarin-ta: (magac, dhedig, keli) sumad hawaar ah ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaanid
m.dh la-mid: kawaamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaanin
-ta: (n) the act of making sweet or sweetening ~ macaynta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaadin
-ka: (magac, lab, keli) dadka dalka u dhashay mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanaanin
(Qanaanin-ta)
(fardo, lo' kd.) kolka orodka lagu jiro qanaanta taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanaanin
m.f.dh eeg qanaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) ordid aad ah oo dabada kor loo taagoo oo ay fardaha iyo lo'd sameeyaan. Qanaaninta lo'da lama gaadho. Dh: qanaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabin
m.f.dh eeg sawaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambaanin
m.f.dh eeg bambaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawrid oo si taxadir leh u maarayn; aayar u wadid oo turunturrada iyo carqaladaha ka ilaalin. Xaajadu hadday bambaanin weydo way badhqataa. Dh: banbaanin.
bambaanin -ta: (magac, dhedig, keli) garab joogsasho oo hoo iyo hadalba ku taageerid. Ninku maanta ayuu bambaanin u baahan yahaye garab joogsada. Dh: taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) si digtooni ku jirto u dhawrid; si taxaddar leh u wadid, Banbaaninta ubadkiyo boqollaal qorshaan wataa kharash bixintoode. Dh: ilaalin.
banbaanin-ta: (magac, dhedig, keli) hiil iyo hoo ba siin; waxtar ku biirin iyo garab joogsi. Banbaanin bahday way iga heshaa markay tahay berisamaadkiiye. Dh: taageerid, garabgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxnaanin
(Baxnaanin-ta)
Baxnaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxnaanin
m.f.dh eeg baxnaani. la-mid: baxnaanis, baxnaano.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baxnaanin
-ta: (n) rehabilitation (ri ha bili teeyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxnaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid bugta dhaqaalayn oo ka dhursugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjin
m.dh la-mid: calaanjiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaanin
m.f.dh eeg caynaani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanin
m.f.dh eeg dhanaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanaan ka dhigid; gadhoodhin oo ciir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawaajin
(Dhawaajin-ta)
Dhawaaq ama yeer ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaajin
m.f.dh eeg dhawaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka hadlisiin; dhawaaq kaga keenid. Ka dhawaajinta raadiyoogu farsamo badan uma baahna. Dh: dhawaaqsiin, hadlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiwaanin
(Diiwaanin-ta)
Diiwaan gelin, ku qorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaanin
m.f.dh eeg diiwaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qorid oo diiwaanka gelin. Dh: diiwaangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjin
m.f.dh eeg falaanji. la-mid: falaanjis, falaanjiyid, falaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fawaaniis
f. n., pl. lamps, lights
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fawaaniis
bw: Arabic
de: lamps, lights Sg: feynuus ~ faanuus
lx: fawaaniis
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: fawaaniis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamin
m.f.dh eeg gaadaami. la-mid: gaadaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangir
garaangir¹: m.dh (-ro, m.l) la-mid: garangar¹.
garaangir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: garangar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardaadin
(Gardaadin-ta)
(caado) xus loo sameeyo carruurta dhalata kolka afartan maalmood u dhammaato; nin dhalan wanaagsan baa inta tunka ku qaada la or'orda, ama faras baa inta la fuuliyo lagu taxaabaa, ama siyaalo kale baa la yeelaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadin
m.f.dh eeg gardaadi. la-mid: gardaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo xambaaris oo la socsocod. Ilmuhu kolkkuu afartan (40) maalmood jiro oo qof loo xambaariyo ama degta loo saaro oo uu la warwareego taas oo la aaminsan yahay in uu qofkaas dabcigiisa yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraarin
m.f.dh eeg garraari. la-mid: garraaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaanso
f.g3 (-saday, -satay) Wax ugaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaanso
(fal) ugaadhsi u bax; ugaadh doono; gabraarso; ugaarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka jiifin. Dh: seexin, legdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hannaanin
(Hannaanin-ta)
Hannaan iyo qaab wanaagsan u yeelid: habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hannaanin
m.f.dh eeg hannaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab fiican oo wanaagsan wax u samayn. Dh: qaabayn, habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynaanin
(Kaynaanin-ta)
1. Hayaamin.
2. Tuurid; ridid; xoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaanin
m.f.dh eeg kaynaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel fog u guurid oo hayaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahaannin
v., neg., opt. form: may [someone.] not have ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahaannin
de: may [someone] not have ...
lx: lahaannin
ps: v5b-neg-opt
xe: May we not have many enemies!
xv: Yaannan lahaannin cadowyo badan!
key: lahaannin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaanin
m.f.dh eeg lammaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) lammaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaaniin
m.dh.w eeg majnuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaaniin
f. n., pl. crazy ~ mad people
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaaniin
bw: Arabic
de: crazy ~ mad people Sg: majnuun
lx: majaaniin
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: majaaniin