gatawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gatawe
-ha: (magac, lab, keli) geed gaaban oo hambaadhsan oo dhulka xoogagga ah ka baxa. Gatawe geel ma gaajatiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaawe
(Gaawa-ha)
Haruub weyn oo caanood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaawe
m. n. large container for milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaawe
-gaawaha: (n) a container for milking a camel ~ toobke, doobi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaawe
-ha: (magac, lab, keli) dhiil weyn oo laga qoro geedaha; haruub weyn oo geela lagu maalo. Hashii gorofka loo qaadayoo, gaawe laga buuxshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaawe
de: large container for milk
lx: gaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadaawe
(Gadaawa-ha)
Kalluun badeed; (ama gedaawe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaawe
m.l Nooc kalluunka badda ka mid ah. la-mid: geddawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaawe
m. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaawe
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaawe
a: gedaawe
cf: kalluun
de: ocean fish sp.
lx: gadaawe
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: gadaawe
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aawe
name-m reason, sake. Cf: Aawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aawe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii sababtay in la heshiiyo ama la walaaloobo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gate
Afaaf, kadin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gate
/geyt/ (n) 1. ganjeello, albaab weyn (n) 2. lacagta ay bixiyaan daawada-yaasha ciyaarta, siiba kubbadda cagta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gate
n., albaab, -ki, illin, -ki, daah, -i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cataw
(Cataw-ga)
Hadal caalwaa ah; calaacal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cataw
m. n. complaint
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cataw
Lamentela
Lamentation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cataw
(fal) hadal caalwaa ah, ku hadal. Dh: cabo, calaacal.
cataw -ga: (magac, lab, keli) hadalka calaacalka iyo cabashadu weheliyaan am aka muuqdaan. Dh: calaalcal, cabasho, cataataw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cataw
de: complaint
lx: cataw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: cataw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawe
m.l la-mid: taawo¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daawe
Disc
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawe
m. n. frying pan, grill, skillet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawe
-ha: (magac, lab, keli) bir la balaadhshay oo wareegsan oo laxooxda lagu dubto. Daawe ii soo iibi aan carruurta loxooxda ugu dubtee. Dh: bircanjeelo, birlaxooxeed.
daawe -ha: (magac, lab, keli) qalab casriga ah, walax goobaaban oo mug ahaan xog loogu kaydio.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawe
a: birdaawe, taawo {N}
de: frying pan, grill, skillet
lx: daawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: daawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaade
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaade
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaade
-ha: (magacwadareed) col kooban oo si dhuumasho ah cid wax u yeela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaane
(Gaana-ha)
(neef guran, kd.) buurraan iyo xoog badan yeeshay; gaan noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaane
m.l.u.kh G. ah: geel aan irmaaneyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaane
m. n. strong, robust person ~ animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaane
-ha: (magac, dhedig, keli) hal qaangaadhay oo aanan irmaan iyo rimay midba ahayn oo abaaho u baahan. Gaane gaawe lagama liso. Dh: galoof, gaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaane
de: strong, robust person ~ animal
lx: gaane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gaane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaw
(fal) da' weynaw; waayo badan jir.
gabaw -ga: (magac, lab, keli) da' weyni; waayo badan jiritaan. Hadday geerudu ku dayso gabaw baanan ku daynayn. Dh: duqaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaw
-da: (magac dhedig keli) dareenka cabsiyeed wadnuhu habkuu u dhaqaaqo. Godobtayda anigoo qaba, galawda soo taagan.
galaw -ga: (magac, lab, keli) shimbir cod dheer oo kolka uu roob soo dhow yahay ciya ama roobku onkodo ama hub culiso dhaco.
galaw-ga: (magac, lab, keli) qarbidka dhogortu ka go'day ee biyaha qabaw leh.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GARAW
[GAROW] Cenchrus ciliaris 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaw
(fal) qir inay wax sidaa la sheegay yihiin; oggolow in ay sax tahay. Dh: garwaaqso.
garaw -ga: (magac, lab, keli) midho yaryar oo ka baxa geedquwaax sidii ul toosan oo xubno leh u baxa. Waa badar inta la karsado la cuno. Garaw buu reerku ku cashaynayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaawe
(Jaawa-ha)
Uunsi la shito oo udgoon; (ama jaawi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawe
m.l Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. la-mid: jaawi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaawe
m.l Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. la-mid: jaawi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaawe
m. n., [collective] aromatic incense, benzoin, camphor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jaawe
name-m aromatic incense, benzion, camphor. Lit: the aromatic one
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaawe
-jaawaha: (n) incense (in-sens); an aromatic gum, that is burned to produce a pleasant odor; frankincense; aromatic gum ~ foox
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jaawe
magac loo baxsho wiil jacayl dartii udgoon loogu magac daray ama akhlaaq macaan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawe
-ha: (magac, lab, keli) wax geedo la isku dardaray ka samaysan oo carfi udgoon leh marka dabka lagu rido. Dh: jaawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaawe
a: jaawi (ga)
de: aromatic incense, benzoin, camphor
lx: jaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: jaawe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laawe
m. n.-suf: lacking, without
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laawe
de: lacking, without
lx: laawe
pd: (/ha)
ps: n7-m-neg-suf
xe: mute person [lit: lacking a mouth]
xv: aflaawe
key: laawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataw
-ga: (magac, lab, keli) cunto yaraan; cunto gabaabsi. Qataw ayey ku jiraan xooluhu. Dh: qatanaan.
qataw -ga: (magac, lab, keli) eeg qatal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawe
m.l la-mid: taawo¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawe
-ha: (magac, lab, keli) weel burka lagu dubo. Dh: daawe, birlaxooxeed.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fatale
agg. - geeri leh; aan loo adkaysan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaye
(Gabaya-ha)
Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey, geddisleyda iyo wixii wax genacsanayaa isugu yimaadaan oo wax ku kala gataan; suuq; carwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey ay ganacsatadu wax ku kala iibsadaan; carwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaye
m. n. public area where poets recite their poems; market
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaye
-ha: (magac, lab, keli) meel hadba dadka isugu yimaadaan oo lagu heshiiyey; waa meel geddisleyda iyo wixii wax ganacsanayaa isugu yimaadaan oo wax ku kala gataan. Dh: suuq, carwo, bacadle, sariibad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaye
de: public area where poets recite their poems; market
lx: gabaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gabaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gafane
(Gafana-ha)
Shilinta xoolaha jaad kamid ah oo inta dhiig badan nuuga, qaab kankoonsan yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafane
m.l (-nayaal, m.l) Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gafane
m.l (-nayaal, m.l) Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gafane
m. n. tick species, animal parasite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gafane
-gafanaha: (n) a small bloodsucking parasitic bug, especially preying animals; tick (tik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafane
-ha: (magac, lab, keli) nooc shilinta ka mid ah oo marka uu dhiigga xoolaha in badan jaqo wax buuran oo jilicsan noqda. Dh: gofane, gofone.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gafane
de: tick sp., animal parasite
lx: gafane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gafane
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GAMANE
(Gamane) S Zaleya pentandra (L) Jeffrey. Aizoaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garage
/garaaj/ (n) 1. garaash (v) 2. garaash dhigid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Garage
Garaash
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
garage
s.m. - garaash.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garage
garage, n.m. - hooso; meesha baabuurta lagu hagaajiyo; laguna gado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gavage
gavage, n.m. - la cunsiiyo si aad ah; laga badiyo ama laga buuxiyo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gazage
gazage, n.m. - neef ka yeelid; u badalid neef ama hawo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
natale
s.m. - xuska dhalashada (Ciise: 25 Disember), mowluud.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
patate
patate, n.f. - bataato; baradho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatane
-ha: (magac, lab, keli) qof baahan oo gaajo hayso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
satané
satané, adj. - shaydaan ah
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grattage
grattage, n.m. - xoqidda.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grattare
v.tr. xagtin, xogid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
guastare
v.tr. - kharibid, hallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawtawle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) T. ah: qof hadal badan oo warkiisu uusan murti lahayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agitare
v.tr. - lulid, ruxid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
agitate
/aajateyt/agitates, agitating, agitated;(v) 1. kicin ama baraarujin shacuurta dadweynaha. e.g. He is going to agitate for better conditions for prisoners. 2. isku buugqid; isku dhex yaacid ama welwel ku abuurid. e.g. I don't like to agitate him at this moment.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
agitate
/ajiteyt/ (v) kiyow, boorriyow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
agitate
v.tr., rux, ruxrux, lul, walaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badawle
-ha: (magac, lab, keli) biyaha kuraha ah ee qadhaadh. Badawlaho ninkii cabbaa saw ku dacarbixi maayo. Dh: qaraar, kharaar, xadhaadh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baraawe
pr. n., loc. Brava [coastal town in south Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baraawe
(n) Brava; a porty city of southern Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baraawe
de: Brava [coastal town in south Somalia]
lx: Baraawe
ps: n0-loc
key: Baraawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bartame
(Bartama-ha)
Meesha u dhexaysa; kalabbar; bartan; wadaage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Bar wax labo qeybood oo isla'eg u kala qeybisa. la-mid: bartan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bartame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Bar wax labo qeybood oo isla'eg u kala qeybisa. la-mid: bartan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bartame
m. n., loc. center, middle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bartame
-bartamaha: (n) 1. middle (midhel); center (sentar) ~ dhexda, bartan-ka. 2. nucleus (nyuuwkliyas) ~ bu'da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartame
-ha: (magac, lab, keli) labo meelood ama in ka badan, barta u dhexaysa; walax halka kala badha ama kala qaybisa. Dh: bartan, kalabbadh, kalabar, badhtan, wadaage, badhtame.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bartame
a: bartan
de: center, middle
lx: bartame
pd: (/ha)
ps: n7-m-loc, n6-m
key: bartame
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bastare
v.intr. - fillaansho, deeqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
batante
batantaha: (n) license (laay sansi); driver's license ~ ruqso. 2. patent (paatent) ~ laysin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaawe
(Cadaawa-ha)
Qof qof kale neceb, oo jecel in wax xumi ku dhacaan; qaran qaran kale la col ah; cadow.