garxeerbeegti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garxeerbeegti
-da: (magac, dhedig, keli) garta labada dhinac iyo xeeryaqaan joogo ee dacwad aan waxba la iskula hadhin ee kii garle uun gartiisa la siiyo kii laga garhelana si cad loo xakumo waxay na leedahay afar nooc oo kala ah: duco, diddiif, dacwi iyo maluug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garxisti
-da: (magac, dhedig, keli) eeg garxeerbeegti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerbeegti
-da: (magacwadareed) dad garta qaada oo aqoon u leh ka salgaadhidda khilaafaadka. Dh: garyagaanno, guurti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerbeegto
m.dh.u Ikhyaar garta goysa oo wixii la isku qabto loola tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab tiriya karaarka walaxi leedahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerti
-da: (magac, dhedig, keli) qof warwareeg badan oo kolba xaafad ka sheekeeya. Ma meermeerti baad tahay maxaad aqalkaaga la fadhiisan la'dahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haroxeebeed
m.l/dh (juqraafi) Biyo gun gaaban oo qayb ahaan ama dhammaan uu liid dhuleed dhuuban badda ka gooyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Karaarbeege
Accelerometer