garruumayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumayn
m.f.dh eeg garruumee. la-mid: garruumays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruuman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax timihii laga xiiray ahaansho (qof). 2. Wax baarka sare laga jaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garruuman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax timihii laga xiiray ahaansho (qof). 2. Wax baarka sare laga jaray ahaansho. m.f.dh, garruunnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumays
m.l la-mid: garruumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruumin
-ta: (magac, dhedig, keli) labka iyo dhedigga isku galmoodkooga oo qabyo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carruurayn
(Carruurayn-ta)
Carruur iska dhigid; waxa carruurtu fasho oo kale, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carruurayn
m.f.dh eeg carruuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof weyn, sida carruurta ula dhaqmid.
carruurayn-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) ciyaal iska dhigid; waxa carruurtu fasho oo kale falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumayn
m.f.dh eeg barafuumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) udgoonayn oo cadar ku buufin. Waxyaabo badan baa barafuumaynta loo adeegsadaa. Dh: cadarayn, udgoonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumasho
m.f.dh eeg garruumo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruunnaan
m.f.dh eeg garruuman. la-mid: garruunnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arruman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax la arrumay ahaansho (geel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arruman
der. [adjective] curled up, crouched (as a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arruman
(adj) crouched (karoowjidh)-, especially to press the entire body to the ground with the limbs bent [as a camel]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arruman
(tilmaame) neef u fadhiya si ay luguhu laaban yihiin. Dh: tu'san.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arruman
de: curled up, crouched (as a camel)
lx: arruman
pd: (arrumnaa)
ps: adj-der
key: arruman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garruun
(Garruun-ka)
Ul madax buuran; bur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruun
garruun¹: m.l (-nno,/-ummo, m.dh) Bur weyn oo madax buuran leh.
garruun²: f.g/mg. 1 (-uumay, -uuntay; -uumi) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Laamo iyo wixi lamida baarka sare ka jarid. 3. Si xun u abaahin (awr).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garruun
garruun¹: m.l (-nno,/-ummo, m.dh) Bur weyn oo madax buuran leh.
garruun²: f.g/mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Laamo iyo wixi lamida baarka sare ka jarid. 3. Si xun u abaahin (awr). m.f.dh, garruumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garruun
m. n. large stick, cudgel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garruun
-ka: (n) a short, heavy stick; club (kalaabf cudgel (kajal) ~ bur, budh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruun
-ka: (magac, lab, keli) budh gaaban oo madax buuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garruun
de: large stick, cudgel
lx: garruun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: garruun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuuman
(tilmaame) mid si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran u go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garruumo
(Garruuma-da)
Lab iyo dheddig isu tegiddood qabyo ah; abaahi aan la bogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumo
garruumo¹: m.dh Abaahi aan dhammaystirayn (geel).
garruumo²: f.g3 (-uuntay, -uumatay) Wax qaar ka goosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garruumo
f. n. lack of mating (especially between camels)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruumo
-da: (magac, dhedig, keli) isu tagga labka iyo dhedigga oo kala dhiman. Riyuhu garruumo badan bay leeyihiin. Dh: galmood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garruumo
de: lack of mating (especially between camels)
lx: garruumo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: garruumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruuray
(fal) qof weyn, sida carruurta u la dhaqan.
carruuray: (fal) (is ~) sida ciyaalka u dhaqan; carruur iska dhig; waxa carruurtu fasho oo kale fal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la rigrigay oo tolmo qurxoon loo sameeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruurayn
(Daruurayn-ta)
(cir) daruur soo yeelasho, ku soo gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurayn
m.f.dh eeg daruuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cirka oo daruuro yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darxumayn
(Darxumayn-ta)
Silic badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumayn
m.f.dh eeg darxumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo silic badid. Dh: silcin. Li: daryeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarumayn
(Faarumayn-ta)
(geel) (u faarumayn) hasha la lisa hayo, lugaha dib ugu bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumayn
m.f.dh eeg faarumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'geel' si fiican u joojin oo lugaha kala bixin. Dh: faadhumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuunayn
m.f.dh eeg gamuunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) leeb gamuuman ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Geed iyo wixi lamida wax jirridda laga jaray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumee
f.g 2 (-meeyay, -meysay) Cid garruun la dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garruumee
f.g 2 (-meeyay, -meysay) Cid garruun la dhicid. m.f.dh, garruumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garruumid
(Garruumid-da)
Lab iyo dheddig isu tegiddood qabyo ah, samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumid
m.f.dh eeg garruun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruumid
-da: (magac, dhedig, keli) lab iyo dheddig isu tegiddood oo qabyo ah, samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrumayn
-ta: (macac, dhedig, keli) leebka oo loo sameeyo baalal uu ku duulo oradka na ku badiyo oo uu yoolkiisa ku gaadho. Bal iga hooya weligayba waan baarrumayn jiraye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruurays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carruurayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxumayn
-ta: (n) the act of molesting; molestation (malas-teeyshiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh si qasab ah u kufsasho, uur sharci daarra ah uurayn. Dh: kufsad, kufsi, kubsad, kufsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farriimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid farriin u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmaamayn
(Garmaamayn-ta)
Garmaame cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaamayn
m.f.dh eeg garmaamee. la-mid: garmaame (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talo xal loogu helay hawl jirtay. Dh: maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garsurrayn
(Garsurrayn-ta)
(cayaar) garsurre cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsurrayn
m.f.dh eeg garsurree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garsurrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cayaar inta la boodo gacmaha lagu qabsado oo xoog kor laysugu qaado tan iyo inta meel astaysan garka laga soo surto cayaarid; garsurre cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumnaan
m.f.dh eeg ganguuman. la-mid: ganguumnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax barafuun marsan yahay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barafuumaysan
der. [adjective] perfumed, fragrant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumaysan
(tilmaame) udgoon cadar lagu buufiyay. Macawis barafuumaysan ayaa la ii keenay. Dh: cadaraysan, carfisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barafuumaysan
de: perfumed, fragrant
lx: barafuumaysan
pd: (barafuumaysnaa)
ps: adj-der
key: barafuumaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumin
-ta: (magac, dhedig, keli) fadhiisinta neef geel ah oo sara joogay. Dh: tu'in, fadhiisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruuban
(tilmaame) wax qasan ama walaaqan. Caano aruuban baan dhamay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmayn
m.dh la-mid: carmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrayn
(Carrayn-ta)
Carro ku shubid; ciideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrayn
m.f.dh eeg carree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku shubid; ciideyn; carrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garhayn
m.f.dh eeg garhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid gar kaga joogid oo garta ka lahaansho. Garhayn lama sheegto haddaanay guddi kuu qirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garruud
(Garruud-da)
1. Awrta waaweyn.
2. Dadka waayeellada ah; madax; qaafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruud
m.dh.u 1. G. ah: awr xooggan oo rarooyo ah. 2. G. ah: qoryo adadag oo waaweyn. 3. Rag duqow ah oo garta qaada; madax; qaafo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garruud
f. n., [collective] old male camel ~ camels; old people, elders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruud
-ka: (magac, lab, keli) awrta waaweyn ama dadka waayeelka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garruud
de: old male camel ~ camels; [fig.] old people, elders
lx: garruud
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: garruud
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guumays
-ta: (n) 1. owl (aawl). 2. a single woman who is beyond the conventional age for marrying; spinster (spinistar) ~ naag weyn oo aan la guursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guumays
-ka: (magac, lab, keli) nin qaab ahaan aan qurux badnayn oo guumays u eg, guurna ka raagay.
guumays -ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
guumays-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir ka mid ah kuwa habeenkii ugaadhsada. Waxay leedahay madax ballaadhan, indho waaweyn oo soo taagan iyo labo xirribood oo sare u taagan. Soomaalidu, shinbirtan aad bay u baasaystaan.
guumays -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh da' weyn oo aan la guursan weli. Guumays cirro leh baan ahee war aan ku gaadhsiiyo. Dh: guun, coon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guurayn
(Guurayn-ta)
Habeen socosho; gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurayn
m.f.dh eeg guuree. la-mid: guurays, guureggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habeen socdaalid. Dh: guure, gudid, gudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarrayn
(Jarrayn-ta)
Wax ka filasho; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarrayn
m.f.dh eeg jarree. la-mid: jarraysimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marti subax hore in yar oo martisoor ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmayn
(Karmayn-ta)
(dayax) meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan midna u bursanayn, fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmayn
m.f.dh eeg karmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dayax, meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan dhinac u badnayn fariisasho. Dh: fariisasho, karmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarrayn
(Sarrayn-ta)
Wax meel sare ku sugan ama darajo sare gaarey ahaan; korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrayn
m.f.dh eeg sarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kor marid; meel sare ku suganaan. Li: hoosayn.
sarrayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof darajo sare gaarey ahaan; sarreyn; korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warmayn
m.dh la-mid: wareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) warmo la dhicid oo ku wareemid. Warmaynta meydku waa xadgudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxumayn
m.f.dh eeg afxumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale caayid; qof kale aflagaadayn. Dh: aflagaadayn, aflagaadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuuman
(tilmaame) mid la casuumay oo martiqaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruuran
Daruur loo yeelay; la daruuray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax daruur leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daruuran
der. [adjective] cloudy, misty