garowshiiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowshiiyo
-da: (magac, dhedig, keli) qalad dhacay qaadashaddii; garwaaqsasho aad wax qirato; gef dhacay raalligelin ka bixin. Cabdi garowshiiyo ayuu ka bixiyey wixii dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowshiinyo
m.l Oggolaanta wax gar ah la oggolaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garowshiinyo
m.l Oggolaanta wax gar ah la oggolaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabawar
-ka: (magac, lab, keli) u garaabid la'aan; garowshiiyo la'aan. Ma dhab ayay sidani ka tahay mise waa gabawar. Dh: carigsi. Li: garowshiiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murame
-ha: (magac, lab, keli) hadal dood la isweydaarsanayo ah oon isqancin cilmiyaysan iyo garowshiiyo midna jirin. Dh: muran, maran, marame, morome, jikaar, asaraar.
murame -ha: (magac, lab, keli) waddo waraar dheer oo jar khatarta ah leh loo maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muran
(fal) murame samee; cid la dood oo moron aan natiijo lahayn ku daal.
muran: (tilmaame) wax la gammuray. Bakoorad dabada ka muran ayuu la dhacay Dh: gammuuxan, gammuuran.
muran-ka: (magac, lab, keli) hadal dood la isweydaarsanayo ah oon isqancin cilmiyaysan iyo garowshiiyo midna jirin. Dh: murame, maran, marame, morome, jikaar, asaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsho
m.l la-mid: garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabowsho
(Gabowsha-ha)
Fil weyn; duqowsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabowsho
m.l Gabow; gaboobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabowsho
vl. n. act of aging ~ growing very old
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabowsho
-ha: (magac, dhedig, keli) fil weyni iyo duqoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabowsho
de: act of aging ~ growing very old
lx: gabowsho
pd: (/ha)
ps: vn-m
key: gabowsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabowsii
(fal) duq ka dhig oo cimridegdeg ku rid Dh: gabooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garawsho
(Garawsha-ha)
Gar qaadasho; xaajo yeelid; garaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garawsho
vl. n. act of accepting the blame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garawsho
-ha: (magac, lab, keli) garwaaqsiga qalad dhacay iyo qaadashadiisa. Dh: aqoonsi, garasho, qirasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garawsho
de: act of accepting the blame
lx: garawsho
pd: (/ha)
ps: vn6-m
key: garawsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashiito
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan yar oo qodxo leh oo marka ay cid aragto ganta qodxahaas. Gashiito ayaa beertii gam ka dhigtay. Dh: dhiddo, caanaqub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsasho
m.f.dh eeg garowso. la-mid: garowsad, garowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) garaysasho; garawsad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoonshiid
m.l Go' darbaal ah oo askartu huwadaan ama gogladaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawshiiyo
-ha: (magac, lab, keli) xasuus la'aan. Dh: hilmaamid, illoshiinyo. Li: xasuusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negaanshiiyo
-ha: (magac, lab, keli) guurid la'aan; meel ku sii baaqi ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashiiro
(Cashiira-da)
Xigto. qaraabo, casabo; ehel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiiro
m.dh.u Qaraabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashiiro
m.dh.u Qaraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashiiro
f. n., [collective] relatives, relations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiiro
-da: (magac, dhedig, keli) dadka xigtada ah, dhan aabbo iyo dhan abti ba. Labadan reer, waa dad cashiiro ah oo is yaqaan. Dh: qaraabo, casabo, ehel, xigto, sokeeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashiiro
de: relatives, relations
lx: cashiiro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: casabo, qaraabo, xigaalo, xigto
key: cashiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farshiid
m.dh Dhalo aad u yar oo subagga, saliidda iyo wixi lamida lagu cabbiro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaawiido
nickname-m good, great, clever. Cf: Facaye, Fariid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid taakulayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid taakulayn. m.f.dh, garabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsii
(fal) cid kale, u gargaar; cid kale, taageer; cid kale, u kaalmee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansho
vl. n. understanding, knowledge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansho
a: garasho
de: understanding, knowledge
lx: garansho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin. m.f.dh, garansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansii
v.caus: make someone understand, convince; remind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garansii
-yey / say: (v) persuade (peersuweeydh); remind (ri maayndh) ~ xasuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansii
(fal) cid kale, wax fahamsii oo ka raarid. Eebboow xaqa na garansii. Dh: garawsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansii
de: make s.o. understand, convince; remind
lx: garansii
pd: (garansiiyey)
ps: v2a=caus
key: garansii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garcasho
(Garcasha-da)
Garac qaadid; wacal uurki yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcasho
m.f.dh eeg garco. la-mid: garcad, garcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo xaaraan ah uuraysasho; wecel qaadid... Darcashada ugu wacnaa goor xun socodkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garfasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsad
m.l la-mid: garowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowsad
-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday u qaadasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsasho
m.f.dh eeg garso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geshiino
m.dh Dhixidda safar meel habeen ku dhexo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geshiino
f. n. camp site (for a single night); stopping ~ halting place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geshiino
-da: (magac, dhedig, keli) cunto quudasho oo dheefsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geshiino
de: camp site (for a single night); stopping ~ halting place
lx: geshiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: geshiino
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godshiir
f. n., [compound] den, lair
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godshiir
de: den, lair
lx: godshiir
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: godshiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsiimo
m.dh la-mid: harsimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada maalinta badhtamaheega la cuno. Dh: hadhimo, qado.
harsiimo -da: (magac, dhedig, keli) maalinta inteeda kulul. Dh: yoomeyoome, baaxadsoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashiito
(Kashiita-da)
Caanaqub; yaadaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashiito
m.dh (-ooyin, m.l) Nafley caws ku nool ah oo leh qodxo dhaadheer oo midabbo caddaan iyo madow isugu jira leh, beerahana aad u waxyeelaysa; yaadaddo; dhiddo; caanaqub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kashiito
m.dh (-ooyin, m.l) Nafley caws ku nool ah oo leh qodxo dhaadheer oo midabbo caddaan iyo madow isugu jira leh, beerahana aad u waxyeelaysa; yaadaddo; dhiddo; caanaqub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kashiito
f. n. porcupine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kashiito
-kashiitada: (n) porcupine (poorku-paayn) ~ caanaqub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashiito
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan cufan oo dhogor warmo u eg ay k abaxdo oogadeeda. Dh: yaadaddo, dhiddo, caanaqub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kashiito
de: porcupine
lx: kashiito
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: caanaqub, yaadaddo
key: kashiito
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsiino
(Marsiina-da)
Maro weyn oo haweenku xirtaan oo boqor loo qaato; hululuf; saddexqeyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsiino
m.dh (-ooyin, m.l) Maro weyn oo dumarku xirtaan oo boqor dhexda lagaga xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsiino
f. n. large robe (kind of Somali women's clothing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsiino
-da: (magac, dhedig, keli) maro weyn oo dumarku xidho oo inta garays loo yeelo dhexdana dhixidh darayamuus ah lagu adkeeyo shuhsubo iyo gol maydhaxda lagu gurtana loo sameeyo. Gabadh marsiino iyo dhacle xidhani waa gabadh summadii sidata. Dh: saddexqayd, guntiino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsiino
cf: hululuf, saddexqeyd
de: large robe (kind of Somali women's clothing)
lx: marsiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: marsiino
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rashiido
pr. n., [feminine] Rasheeda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rashiido
de: Rasheeda
lx: Rashiido
ps: name-f
key: Rashiido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Wax dhaqaalaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tashiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Wax dhaqaalaysasho. m.f.dh, tashiilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tashiilo
v. economize, save for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilo
(fal) yaryarayso ama dhaqaalayso waxaad haysato. Dh: yamxeeri, dhibiil. Li: baatul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tashiilo
de: economize, save for oneself
initial: t
lx: tashiilo
nt: tashiilad (ka) [vn-m], tashiilasho (/da) [vn-f]
pd: (tashiishay)
ps: v3b=tr
key: tashiilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darooshin
-ka: (magac, lab, keli) marka gurigu biyaha roobka soo daayo ama weel biyaha xajin waayo. Dh: daroorrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabownimo
f. n., [abstract] agedness, old age
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabownimo
de: agedness, old age
lx: gabownimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gabownimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsiin
m.f.dh eeg garabsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) taageeridda iyo caawinta cid kale. Dh: kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansiin
(Garansiin-ta)
1. Wax xusuusin: garwaaqsiin; u baaqid; u digid.
2. Barid; dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansiin
m.f.dh eeg garansii. la-mid: garansiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansiin
vl. n. reminding, convincing, warning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax fahansiin oo ka raaridid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansiin
de: reminding, convincing, warning
lx: garansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: garansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansiis
m.l la-mid: garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowkari
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib, masaggo iyo wixi lamida biyo ku karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garowkari
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib, masaggo iyo wixi lamida biyo ku karin. m.f.dh, garowkarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garowkari
v. boil (food)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garowkari
de: boil (food)
lx: garowkari
nt: garowkaris (ka) [vn-m]
pd: (garowkariyey)
ps: v2a=tr
key: garowkari
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsheego
v. set forth one's own reasons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garsheego
-garsheegtay I garsheegatay: (v) present or express your claim or problem
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsheego
de: set forth one's own reasons
lx: garsheego
pd: (garsheegtay)
ps: v3b=intr
key: garsheego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gashiisho
(Gashiisho-da)
Badar la budeeyey oo la karshey; budo; (ama geshiisho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąshiisho
m.dh Galley shiidan oo la kariyey; soor. la-mid: geshiisho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gashiisho
f. n., (mass n.): couscous (maize flour ~ grain preparation)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashiisho
-da: (magac, dhedig, keli) badar la tumay oo la karshay. Dh: geshiisho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gashiisho
bw: geshiisho
cf: badar, budo, furfur
de: couscous (maize flour ~ grain preparation)
lx: gashiisho
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: gashiisho
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Golshiine
Nooc ka tirsan mandhawyada birta kan ugu af yar ee looga shaqeeyo meelaha ciriiriga ah ee jeebi kara bir qaro yar.