garowshiinyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowshiinyo
m.l Oggolaanta wax gar ah la oggolaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garowshiinyo
m.l Oggolaanta wax gar ah la oggolaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowshiiyo
-da: (magac, dhedig, keli) qalad dhacay qaadashaddii; garwaaqsasho aad wax qirato; gef dhacay raalligelin ka bixin. Cabdi garowshiiyo ayuu ka bixiyey wixii dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarad
-ka: (magac, lab, keli) gef la sameeyay, garawshiinyo iyo wax laga garaabi karo ku sababayn. Dh: raalligelin, garowshiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darooshin
-ka: (magac, lab, keli) marka gurigu biyaha roobka soo daayo ama weel biyaha xajin waayo. Dh: daroorrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsiin
m.f.dh eeg garabsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) taageeridda iyo caawinta cid kale. Dh: kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansiin
(Garansiin-ta)
1. Wax xusuusin: garwaaqsiin; u baaqid; u digid.
2. Barid; dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansiin
m.f.dh eeg garansii. la-mid: garansiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansiin
vl. n. reminding, convincing, warning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax fahansiin oo ka raaridid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansiin
de: reminding, convincing, warning
lx: garansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: garansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gashiisho
(Gashiisho-da)
Badar la budeeyey oo la karshey; budo; (ama geshiisho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąshiisho
m.dh Galley shiidan oo la kariyey; soor. la-mid: geshiisho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gashiisho
f. n., (mass n.): couscous (maize flour ~ grain preparation)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashiisho
-da: (magac, dhedig, keli) badar la tumay oo la karshay. Dh: geshiisho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gashiisho
bw: geshiisho
cf: badar, budo, furfur
de: couscous (maize flour ~ grain preparation)
lx: gashiisho
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: gashiisho
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Golshiine
Nooc ka tirsan mandhawyada birta kan ugu af yar ee looga shaqeeyo meelaha ciriiriga ah ee jeebi kara bir qaro yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garowkarin
(Garowkarin-ta)
Garow ahaan u karin; canbuuleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowkarin
m.f.dh eeg garowkari. la-mid: garowkaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowkarin
-ka: (magac, lab, keli) hadhuudh karin; badar caydhiin, dab saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsasho
m.f.dh eeg garowso. la-mid: garowsad, garowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) garaysasho; garawsad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadsiinyo
(Kaadsiinya-ha)
(arrin, kd.) aan lagu soo boodin ama aan degdeg lagu mindirraacine, loo sugo; dibudhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsiinyo
m.l Ku degdegid la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadsiinyo
m.l Ku degdegid la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadsiinyo
vl. n. postponement, procrastination
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadsiinyo
-da: (n) deferring (di-feering); postponing (poost powndhing); procrastination (poro kaas tineeyshin), -u kaadso -u kaadsaday/u kaadsatay: (v) put off until a later time; postpone (poost poon); defer (difeer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsiinyo
-ha: (magac, lab, keli) arrin aan lagu soo boodin ama aan degdeg lagu mindirraacine la sugo. Dh: dhawrid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadsiinyo
de: postponement, procrastination
lx: kaadsiinyo
pd: (/ha)
ps: vn6-m
key: kaadsiinyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsiinyo
(Raagsiinya-ha)
Raagista wax lala raago; daahis; (ama raagsiino).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsiinyo
m.l/dh 1. la-mid: raagsasho. 2. Daahid badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagsiinyo
m. n. delay, tardiness, lateness
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raagsiinyo
Adkaysimo, cimri dheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagsiinyo
de: delay, tardiness, lateness
lx: raagsiinyo
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: raagsiinyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoonshiid
m.l Go' darbaal ah oo askartu huwadaan ama gogladaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawshiiyo
-ha: (magac, lab, keli) xasuus la'aan. Dh: hilmaamid, illoshiinyo. Li: xasuusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaariinyo
-da: (magac, dhedig, keli) cudurdaar u samayn wax in la qabto aan la doonayn oo la diiddan yahay. Dh: marmarsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmarsiinyo
(Marmarsiinya-ha)
Cudaddaar (ama marmarsiino).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmarsiinyo
m.dh Sabab lagu caddeynayo wax dhacay; cudurdaar. la-mid: marmarsiino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marmarsiinyo
m.dh Sabab lagu caddeynayo wax dhacay; cudurdaar. la-mid: marmarsiino.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marmarsiinyo
-marmarsiinyaha: (n) pretense of an excuse; pretext (piriitekist)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Marmarsiinyo
Scuse
Excuses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsiinyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marmarsiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarsiinyo
m.dh la-mid: qarqarsi¹, qarqarsiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrooshimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) di'idda aqalladu ay da'aan kolka uu roob jiro; sii daynta dhibcaha roobka ee aqalladu ay sii daayaan. Aqalku wuu cusub yahay oo darrooshimayn ayaan ka cabsanayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmarsiinyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Marmarsiiyo sheegid. 2. Ku m.: wax marmarsiinyo ka dhigasho. la-mid: marmarsoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marmarsiinyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Marmarsiiyo sheegid. 2. Ku m.: wax marmarsiinyo ka dhigasho. m.f.dh, marmarsiinyood. la-mid: marmarsoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsiinyoo
(fal) kolba wax sheego oo kolba wax an loo fadhiyin ku warwareeg adoo hawl diidaya. Kolka cashir la soo qaado meel baa la ii diray ku marmarsiinyoo waad arki doontaaye. Dh: marmarsiiyoo, cudurdaaro.