garmash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmash
m.l G. ah: rooti aad loo bisleeyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garmash
m.l G. ah: rooti aad loo bisleeyay.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GAMASH
Grewia villosa 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaash
m.l (-shyo, m.dh) Meesha baabuurta lagu dayac-tiro ama habeenkii la dhigto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaash
m.l (-shyo, m.dh) Meesha baabuurta lagu dayactiro ama habeenkii la dhigto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaash
m. n. garage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaash
-ka: (n) 1. parking garage (garaash); park (paark). 2. car repair or service shop
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaash
a: geeresh {Eng}
de: garage
lx: garaash
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: garaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarmash
(ereycodeed) lagu cabbiro sangadha shay jilicsan. Dh: qarsham.
qarmash -ka: (magac, lab, keli) furunka bislaaday intuu weli kulul yahay. Furun qarmash ah iga libi Dh: shaaxid. Li: baarid, baryood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmasho
m.f.dh eeg darmo. la-mid: darmad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmasho
-da: (magac, dhedig, keli) daaqidda geelu daaqo daranta. Darmashada geelu wuu ku dararaa.
darmasho -da: (magac, dhedig, keli) xoolo ku darmada oo dhexgala xoolo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmashi
-ga: (magac, lab, keli) meesha lagu iibiyo daawooyinka. Dh: farmasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmasho
-da: (magac, dhedig, keli) galbasho iyo tegitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garcasho
(Garcasha-da)
Garac qaadid; wacal uurki yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcasho
m.f.dh eeg garco. la-mid: garcad, garcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo xaaraan ah uuraysasho; wecel qaadid... Darcashada ugu wacnaa goor xun socodkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garfasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsasho
m.f.dh eeg garso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurmasho
(Gurmasha-da)
Meel dhiillo laga keenay ama shil weyni ka dhacay, degdeg ciidan ugu dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmasho
m.f.dh eeg gurmo. la-mid: gurmad (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmasho
vl. n. act of rushing to the rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhiillo ama wax kale ka dheceen taageero degdeg ugu dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmasho
a: gurmad
de: act of rushing to the rescue
lx: gurmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gurmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarmasho
(Xarmasha-da)
1. Xajka gudashadiisa u qasdiyid: Xaj niyeysi.
2. Meel ama qof u shirid, u banbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarmasho
m.f.dh eeg xarmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarmasho
vl. n. desire to go on the pilgrimage to Mecca; gathering, rally
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarmasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaramka tegid. Xarmashada dhar gaar ah ayaa loo xidhaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarmasho
de: desire to go on the pilgrimage to Mecca; [ext.] gathering, rally rw: xaram
initial: x
lx: xarmasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xarmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamas
(Gamas-ka)
Warmaha jaad kamid ah oo yar; hooto dhego leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamas
m.l (-syo, m.dh) Warmaha yaryar jaad ka mid ah; hooto, dhegley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamas
m. n. small spear
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gamas
nickname-m small spear. Lit: warrior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gamas
magac loo baxsho wiil looga jeedo dagaalyahan oo lagu metaalo waranka lagu dagaallamo jaad ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamas
-ka: (magac, lab, keli) waran yar oo baarrumo leh. Dh: hooto, eebo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamas
de: small spear
lx: gamas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gamas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garas
(Garas-ka)
Geed-abaareed weyn oo aan qodax lahayn; wuxuu lee yahay hoos wanaagsan iyo miro la cuno iyo qoryo wanaagsan oo alaab laga samaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garas
m.l Geed weyn oo ka mid ah geedmadowga ama geed-abaareedka oo leh miro la cuno iyo hoos wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garas
m.l Geed weyn oo ka mid ah geedmadowga ama geed-abaareedka oo leh miro la cuno iyo hoos wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garas
m. n., [collective] shade-tree species, with edible fruit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GARAS
(Garas) All. Som. Dobera glabra (Forsk.) Poir. Salvadoraceae.
S Dobera loranthifolia (Warb.) Harms. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Garas
name-m a shade-tree sp., with edible fruit; lit: he who was born under that shade-tree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garas
-ka: (n) bush tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garas
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo midhihiisa la muudsado, cunto ahaanna loo karsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garas
cf: dhuugaal, dhuwan
de: shade-tree sp., with edible fruit
lx: garas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: garas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barash
-ka: (magac, lab, keli) geedbiyood xilliga roobku da'o la arko oo leh caleen yaryar oo isku marta duurka iyo burqo ama badhi biya badan oo aasan. Barash innooga qod halkaa. Dh: faramog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcas
-ta: (magacwadareed) oday ama odayo waaweyn oo gadhka xinne ku casystay; waayeel ama waayeello. Garcas inna kala saarta ayeynu u baahannay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garish
/gaarish/ (adj) dhalaal cawiraad ah, dhalaal indhaha u-daran e.g. garish color.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaxash
(Gaxash-ka)
Kalluun badeed wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxash
m.l 1. Nooc kalluunka badda ka mid ah. 2. Nagaar geel. 3. Nagaar geelu daaqiddiisa jecelyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaxash
m.l 1. Nooc kalluunka badda ka mid ah. 2. Nagaar geel. 3. Nagaar geelu daaqiddiisa jecelyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaxash
m. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaxash
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah oo hilib dhadhan xun. Gaxashku wuu nafaqo badan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaxash
de: ocean fish sp.
lx: gaxash
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: gaxash
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GOMASH
[GAMESH] Grewia villosa 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamash
-ta: (magac, dhedig, keli) dhir iyo geedo intay baxeen aad isku haysta. Meel hamash ah oo barwaaqo ah ayuu reerkii degay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarash
m.l (-shyo, m.dh) 1. Macdan jilicsan oo weelasha iyo wixi lamida laga sameeyo. 2. la-mid: kharash.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarash
m.l (-shyo, m.dh) 1. Macdan jilicsan oo weelasha iyo wixi lamida laga sameeyo. 2. la-mid: kharash.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarash
-ka: (n) expenditure (ikispandhijar); expense (ikispeens) ~ kharash, kharash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarash
-ka: (magac, lab, keli) masaariifta baxda ee wax lagu gato. Magaaladu way ka qarash badan tahay miyiga. Dh: kharash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarash
(Tarash-ka)
(maro) taarash; xiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarash
tarash¹: m.l la-mid: taarash¹ (2).
tarash²: f.g1 (-shay, -shtay) la-mid: taarash².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarash
m. n. decoration on the hem of a garment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarash
-ka: (magac, lab, keli) daliig dharka la huwado ama la guntado dacalada lagaga qurxiyo. Go' shaala oo bilaa tarash ah weli kaaga ka hor maan arag. Dh: xiddo, taarash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarash
a: taarash
de: decoration on the hem of a garment
initial: t
lx: tarash
pd: (-ka)
ps: n-m
key: tarash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamash
(Xamash-ka)
Naq badan; cosob; deegaan; (ama xabash).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamash
m.l Deegaan aad u baxday oo aan la daaqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamash
m. n., [collective] new grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamash
-ka: (magac, lab, keli) doog jilicsan oo naq wanaagsan ku baxo. Xamash weeye doogani: cidi aanay xaalufin. Dh: cosob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamash
bw: xabash
cf: doog; cosob
de: new grass
initial: x
lx: xamash
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: xamash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbash
m.dh Cayaar turub (firo) haad la dalbaday qofka firaynayaa firada labaad ku helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmasi
m.l la-mid: farmashiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farmasi
m.l la-mid: farmashiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farmasi
m. n. pharmacy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farmasi
-ga: (n) pharmacy (faarmasi); drugstore, dispensary, apothecary ~ Farmashiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmasi
-ga: (magac, lab, keli) eeg farmashi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farmasi
de: pharmacy {Eng}
lx: farmasi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: farmasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamashi
(Gamashi-ga)
(xoolo) caanaha oo yaraada; waqti jiilaal ah ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamashi
gamashi¹: m.l 1. Xilliga naqu caddaado ee xooluhu caano yareeyo. 2. la-mid: gamashiyid.
gamashi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Naq, waqti uu caddaaday gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamashi
m. n. shortage of milk during the dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamashi
-ga: (magac, lab, keli) caanayaraynta neef hore u irmaanaa. Li: darar.
gamashi -ga: (magac, lab, keli) naqu marka uu gahayro ee ay geeduhu adkaadaan caleentu na dhadho. Gu' dhammaaday haddii gamashku uu liito.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamashi
de: shortage of milk during the dry season
lx: gamashi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gamashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garasho
(Garasha-da)
Kartida wax lagu kala aqoonsado oo wax lagu maleeyo; aqoon; kasmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garasho
m.f.dh eeg garo². la-mid: garad, garowsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garasho
vl. n. understanding, wisdom; recognition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garasho
-garashada: (n) understanding (andharstaandhing); comprehension (komprahensheri); judgment (jaaj ment) ~ fahan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garasho
Conoscenza
Knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garasho
-da: (magac, dhedig, keli) xiska wax lagu fahmo. Awowgay weli garashadu kama lumin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garasho
de: understanding, wisdom; recognition
lx: garasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garasho
فَهُم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbadh
-ka: (magac, lab, keli.) hadal muran ah oo aan murti iyo micne toona lahayn. Dh: gadhbadh, jaafaajiriq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcase
-ha: (magac, lab, keli) eeg gadhcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaal
m.l.kh G. ah: geel la dhaqayo caano dartiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garmaal
-ka: (magac, lab, keli) geel caano daraaddood loo dhaqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, cid kale gar ka dhexeysa kala doodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garmari
v. judge someone fairly ~ equitably; give someone his due
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garmari
de: judge s.o. fairly ~ equitably; give s.o. his due
lx: garmari
pd: (garmariyey)
ps: v2a=tr
key: garmari
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garnish
/garnish/ (v) 1. qurxin lugu bilo cuntada (n) 2. waxyaabaha cuntada lugu qurxiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqash
-ka: (magac, lab, keli) haruur firidiisu dhimatay. Wargash lama iibgeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraash
(Xaraash-ka)
1. Wax naado lagu iibiyo oo hadba qofka qiime madhaafaan ah gaara lagu baaryo.
2. Qof ama dibi beer-falidda yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraash
xaraash¹: m.l 1. Wax naado lagu iibiyo oo hadba qofka qiime madhaafaan ah gaara lagu baaryo. 2. (-shiyo, m.dh) Qof ama dibi beerfalidda yaqaan.
xaraash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Badeeco qiimo jaban ku gadid.