gariirto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirto
-da: (magac, dhedig, keli) walax bir ah oo wareegyo is daba yaal oo kala sarreeya oo meermeersan leh; haddii la cadaadiyo way isku ururtaa haddii laga qaadana way kala baxdaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirato
-da: (magac, dhedig, keli) suxulku markuu laabanyahay meeshiisa soo fiiqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariirro
f. n., pl. suspension {automotive}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariirro
de: suspension {automotive} Lit: shaking, trembling
lx: gariirro
pd: (/da)
ps: n2-f-pl
syn: moollo
key: gariirro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariiriso
(Gariirisa-da)
1. Wax gariirisa.
2. Qandhada daran oo oogadu la gariirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariiriso
m.dh Qandho, xummad iyo gariir badan oo duumo keento.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariiriso
f. n. shivering; severe fever causing shivering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariiriso
-da: (magac, dhedig, keli) xummad keeno xanuunku ama maaddo markii dadka lagu duro ka jarcaysiisa ama ka gariirisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariiriso
de: shivering; severe fever causing shivering
lx: gariiriso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gariiriso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariir
(Gariir-ka)
Ruxasho xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariir
gariir¹: m.l 1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. la-mid: gallayr. 3. la-mid: gariirid.
gariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cabsi, dhaxan iyo wixi lamida awgeed la ruxasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gariir
gariir¹: m.l 1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. la-mid: gallayr.
gariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cabsi, dhaxan iyo wixi lamida awgeed la ruxasho. m.f.dh, gariirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariir
Vibration
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariir
Quake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariir
v. shake, tremble, quake, shiver
gariir vl. n. trembling, quaking; pulse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gariir
-ay / tay: (v) shake (sheeyk), tremble (trimbel); quake (kuweeyk); shiver (shever) ~ gargariir.
gariir -ka: (n) shaking (sheeyking). Ex: dhulgariir; earthquake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariir
-ka: (magac, lab, keli) lulan cabsi ama qabow keeno; ruxan jirka ku dhaca cabsi ama qabaw awgii. Tiirku gariir buu leeyahay.
gariir -ka: (magac, lab, keli) socod walhadeedka walxuhu sameeyaan marka wax lagu dhufto.
gariir -ka: (magac, lab, keli) cudur inta badan da'du keento oo waaxyaha qaarkood la gariiraan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gariir
زِلْزَالَ، ارتجاف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariiri
f.g2 (-iyay, -isay) Gariir ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariiri
v. shake, make tremble, cause to quake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariiri
(fal) baqe ama cabsi wax ka gariirisa ku samee; lul oo rux.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariiri
de: shake, make tremble, cause to quake
lx: gariiri
pd: (gariiriyey)
ps: v2a=tr
key: gariiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Guntiino iyo wixi lamida dacalladeeda sare ee degta ku beegan isku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax tafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariiro
(fal) saloolo; saloogo; isku taag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Caano biyo badan ku darsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xariiro
v. mix milk with water (for oneself)
xariiro v. bleed, doctor one's own eye disease by bleeding
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xariiro
name-f silk (cloth ~ fabric); bleed, doctor an eye disease by bleeding. Lit: purity. Syn: Xariir, Xariirre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xariiro
magac loo bixiyo gabadh qurux iyo dhaqan ba lagu metaalay xariirta qaaliga ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariiro
-ta: (magac, dhedig, keli) sumadxo lagu dhigo. Dh: calaamad.
xariiro: (fal) isha baadkeeda sare hoostiisa sar oo dhiig ka sii daa.
xariiro: (fal) caano badhxo. Caanahaaga xariiro.
xariiro: (fal) summad xariir ah xoolaha ku samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariir_1
de: shake, tremble, quake, shiver
hm: 1
lx: gariir
pd: (gariiray)
ps: v1=
syn: jarcee ~ jaree
key: gariir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariir_2
de: trembling, quaking; [fig.] pulse
hm: 2
lx: gariir
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gariir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariirad
(Gariirad-da)
1. Qalab qaabab badan loo yeelo iyo dhaqdhaqaaq ama iskusoorror, kan mergiga u eg, kolkii inta xoog laysugu cesho la sii daayona, soo booda oo qaabkiisii hore yeesha.
2. Bir yar oo marooqsan oo buntukha gudihiisa ku jirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirad
m.dh (-do, m.l) Qeybta kor iyo hoos u loodsami karta ee kor u haysa qeybta sare ee baabuurka; moollo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gariirad
m.dh (-do, m.l) Qeybta kor iyo hoos u loodsami karta ee kor u haysa qeybta sare ee baabuurka; moollo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariirad
Spiral
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariirad
f. n. spring, wire coil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gariirad
-da: (n) an elastic device: coil (kooyl); spring (ispring)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab qaabab badan leh, oo dhaqdhaqaaqda ama isku soo roorta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariirad
de: spring, wire coil
lx: gariirad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: gariirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariirid
(Gariirid-da)
Qarqaryo ama cabsi ama wax kale la ruxasho, la jarcayn, la qarqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirid
m.f.dh eeg gariir². la-mid: gariir¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirid
-da: (magac, dhedig, keli) qadhqadhyo ama cabsi darteed la jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariirin
(Gariirin-ta)
Wax gariiraya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirin
m.f.dh eeg gariiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax gariiraaya ka dhigid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gariirre
nickname; name-m the one who shakes, trembles, or shivers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariiryo
-ha: (magacwadareed) dhegaha sumad adhiga lagaga dhigo dhegaha oo dab ah. Ceesaan xariiryo leh ayaa iga luntay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiryoo
(fal) ciriiri dareen. Dh: cidhiidhyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargaarto
f. n. nurse; hostess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarto
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha kalkaaliyaha caafimaad ah ee cusbitaal ama goob caafimaad ka shaqeysa. Dh: kalkaaliso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargaarto
de: nurse; hostess
lx: gargaarto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gargaarto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirshe
m.l Qori yar kankoonsan, af dhuuban, oo caruurta sibirka ku wareejiyaan iyaga oo xarig la dhacaya; dhulmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirshe
-ha: (magac, lab, keli) qori kankoonsan oo yar, afkana dhuuban, oo caruurta sibidhka ku wareejiyaan iyaga oo xadhig la dhacaya. Dh: dhulmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garxiir_1
de: man who always shaves (an adult who wants to appear younger)
hm: 1
lx: garxiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: garxiir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garxiir_2
de: razor; any equipment for shaving one's beard
hm: 2
lx: garxiir
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: garxiir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawriirid
m.dh la-mid: gawdiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawriirid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan dhaqadhaqaaq lahyn u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowriirso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: gowriir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowriirso
(fal) wax ku kor foorarso.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sariir-ta
lit.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xariir-ta
soie.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ariir
-ta: (magac, dhedig, keli) caanaha gadhoodhka ah kolka la lulo ee subagga laga saaro. Mar hadduu ariiraha dhamow oofta ka hillaabto. Ashahaadadiisu ba markaa waa Allawsahale! Dh: ciir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiro
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Calaamado kala duwan wax u yeelasho. 2. (f.mg) Ku g.: wax in la fuliyo la isku ogaa iyadoo xanaaq la muujinayo ka bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giiro
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Calaamado kala duwan wax u yeelasho. 2. (f.mg) Ku g.: wax in la fuliyo la isku ogaa iyadoo xanaaq la muujinayo ka bixid. m.f.dh, giirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiro
-da: (magac, dhedig, keli) magac riyaha loo yaqaan. Adna giirooy, ka gu'weynide, garbacas daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariir
m.dh la-mid: biriir.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bariir
name-m faithful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariir
-ka: (magac, lab, keli) calaamo ama bar cad oo neefka wejiga kaga taal; galaal neefka wejigiisa ku taal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariir
m. n., [abstract] narrowness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariir
de: narrowness
lx: cariir
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
see: ciriir
key: cariir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariir
f.g1 (-ray, -rtay) Laf hilib ka dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariir
-ka: (magac, lab, keli) qof indhala'. Dh: indhooole, ansaleelle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiir
(Gadiir-ka)
Kalluunka badda mid kamid ah (ama gediir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiir
m.l Nooc ka mid ah kalluunka badda. la-mid: gediir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiir
m. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiir
-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Gadiir iyo galaaciif ba maanta waan soo buuxsaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadiir
a: gediir
de: fish sp.
lx: gadiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gadiir
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garnir
garnir, v. - qurxin; qalabayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxir
m.l la-mid: garraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiir
(Gasiir-ka)
Gesiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiir
m.l la-mid: gesiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiir
m. n. woman's traditional beaded girdle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiir
-ka: (magac, lab, keli) tax yaryar oo midabyo badan iyo dun ka samysan cabbaadhyo oo ay dumarku xarrago ahaan u qaataan oo surka ku xidhaan,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiir
a: gesiir
de: woman's traditional beaded girdle
lx: gasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gasiir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geriir
vl. n. shaking, quake
geriir m. n. bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geriir
-ay / tay: (v) shake (sheeyk); tremble (trimbel); quake (kuweeyk); shiver (shever) ~ gargariir
geriir -ka: (n) shaking (sheeyking). Ex: dhulgeriir; earthquake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hariir
-ka: (magac, lab, keli) eeg harriiq.
hariir-ta: (magacwadareed) diillimaha iyo jeexyada ku yaalla ama lagu dhigo meel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jariir
(Jariir-ta)
Jiriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jariir
m.dh.u Badar la tumay inta aan budada ahayn ee yaryar. la-mid: jiriir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jariir
m.dh.u Badar la tumay inta aan budada ahayn ee yaryar. la-mid: jiriir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jariir
f. n., [collective] granule, fragment; powder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jariir
-ta: (n) grounded grain; granule (garaan-yul) ~ jareer, jiriir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jariir
(tilmaame) hadhuudh aan aad loo digiijin.
jariir-ta: (magac, dhedig, keli) mudhaha la ridqayo inta budada noqota ma ahee, inta yaryar ee buurbuuran. Dh: jiriir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jariir
a: jiriir
de: granule, fragment; powder
lx: jariir
pd: (-ta)
ps: n0-f-col
key: jariir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jariir
حُبَيْبَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kariir
-ta: (magac, dhedig, keli) geed gaab aan qodxo lahayn oo midho yaryar oo aan la cunin bixiya. Dh: geedjin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marito
s.m. say.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariir
m.l In yar oo badar ah oo qeedhiinka lagu cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariir
(fal) eeg qadhiidh.
qariir-ka: (magac, lab, keli) eeg qadhiidh.