gargaar-degdeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaar-degdeg
m.l (daawo) Habab takhtareed oo la adeegsado marxaladaha lama filaanka ah dhakhsana u baahan si loogu gargaaro qof dhaawacmay ama buka inta an isbitalka la jiifin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gargaardegdeg
m.l (daaw.) Habab takhtareed oo la adeegsado marxaladaha lama filaanka ah dhakhsana u baahan si loogu gargaaro qof dhaawacmay ama buka inta an isbitalka la jiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacaal
(Tacaal-ka)
(la tacaal) Qof ama wax kale oo dhaawac xuni gaarey ama cudur halis ahi ku dhacay, oo degdeg wax looga qabto; gargaar degdeg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmad
m.l 1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan. 3. la-mid: birmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmad
m.l (-yo, m.dh) 1. G. ah: gargaar degdeg ah oo cid loo fidiyo. 2. G.ka booliska: koox ka mid ah booliska oo heegan u ah meeshii ay rabsho ka dhacdo. 3. Tababar ciidameed oo waajib ku ah dhallinta qaangaarka ah ee dal u dhashay. 4. la-mid: gurmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmo
f.mg3 (-maday, -matay) Cid gargaar degdeg ah u fidin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birmad
m.l 1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurmad
m.l (-yo, m.dh) 1. G. ah: gargaar degdeg ah oo cid loo fidiyo. 2. G.ka booliska: koox ka mid ah booliska oo heegan u ah meeshii ay rabsho ka dhacdo. 3. Tababar ciidameed oo waajib ku ah dhallinta qaangaarka ah ee dal u dhashay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurmo
f.mg3 (-maday, -matay) Cid gargaar degdeg ah u fidin. m.f.dh, gurmasho.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
first aid
(n) emergency treatment administered to injured or sick persons before professional medical care is available.
gargaar degdeg ah
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cas
cas, n.m. - xaalad; kiis; dhacdo; wax muhiim ah (arrin) oo dhacay
cas urgent - gargaar degdeg ah
dans le cas contraire - haddii kale; si kale; hab kale
cas, n.m. - Kiis; Dhacdo; Wax muhiim ah (arrin) oo dhacay.
cas urgent - Gargaar degdeg ah.
dans le cas contraire - Haddii kale; Si kale; Hab kale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargaar degdeg ah
n. phr. first aid; emergency rescue
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargaar_degdeg_ah
de: first aid; emergency rescue
lx: gargaar degdeg ah
ps: np
key: gargaar_degdeg_ah
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NAGAAR-DEEB
(Nagardeb) C Corchorus stenophyllus (Schum.) Weimarck. Tiliaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Karaarbeege
Accelerometer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaroleged
-ka: (magac, lab, keli) geed laf adag oo midab madow oo ka baxa qardooyinka ama buuraha.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAGAARO-LEGED
(Sagaro-lagget) N Ormocarpum kirkii S. Moore Papilionaceae.
N Lannea malifolia (Chiov) Sacleux. Anacardiaceae.
N Ormocarpum muricatum Chiov. Papilionaceae.